Waxtarka Fitamiin E Iyo Cunnooyinka Hodanka Ku Ah

Fitamiin E waa mid ka mid ah nafaqooyinka aasaasiga ah ee jirku uusan ka maarmi karin. Waa fitamiin ku milma dufanka waana sunsaare awood badan oo unugyada jirka ka ilaaliya sunta jirka ku dhex samaynta, taas oo hadii aan laga hortagin keeni karta cudurro badan sida cudurrada wadnaha ku dhaca iyo kansarka. 

Fitamiinkani waxa uu xoojiyaa habdhiska difaaca jirka, waxa uu ka qeyb qaataa samaysanka unugyada dhiigga cas, waxaana uu ka hortagaa xinjiroobista dhiigga. Sida oo kale, fitamiin E waxa uu door wayn ka ciyaaraa caafimaadka maqaarka, indhaha iyo maskaxda. 

Faaidooyinka fitamiin E: 

  • Waxaa uu siyaadiyaa aragga, waxaana uu ka hortagaa cilladaha indhaha ku dhaca 
  • Shaqada beerka iyo kilyaha ayuu wanaajiyaa 
  • Xoojinta lafaha ayuu ka qeyb qaataa 
  • Wuxuu sare u qaadaa shaqada maskaxda.
  • Waxa uu awood siyaa difaaca jirka 
  • Waxa uu kobciyaa caafimaadka maqaarka iyo timaha 
  • Waxaa uu kordhiyaa tayada shahwada waxaana uu wanaajinta bacriminta ragga

Cunnooyinka laga helo fitamiin E: 

  • Miraha Afakaadhada 
  • Lawska 
  • Barbarooniga guduudan 
  • Saliid saytuunta 
  • Saliida gabaldayaha 
  • Caleenta broccoli 
  • Koostada 
  • Cambaha 
  • Ukunta 
  • Kaluunka 

Dadka waa waa weyn waxa ay u baahan yihiin 15 mg oo fitamiin E ah maalin kasta. 

FG: Fadlan la tasho khabiir caafimaad ka hor intaadan qaadanin kiniinka fitamiin E. 

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *