Qiimaha Caafimaad Ee Midhaha Afakaadhada & Cilladaha Ay La Dagaallamaan

Afakaadhadu waxa ay ka mid tahay noocyada khudradda ee ugu fiican caafimaadka, waxa aanay in badan oo ka mid ah kaga duwantahay in ay ku yartahay Kaarboohaydarayt ku iyo in ay leedahay dufanka caafimaadka u fiican.

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa tilmaamay faa’iidooyinka afakaadhada, oo qaar ka mid ah aynu qormadan ku soo qaadanayno:

Miisaan dhimis iyo haddana weydda xoogga ah oo laga takhaluso

Marka miisaanka laga hadlayo midhaha Afakaadhadu waxa ay leeyihiin faa’iido iska soo horjeedda; waxa ay caawiyaan miisaan dhimista, iyaga oo dhinaca kalana wax ka tara ka hortagga weydda aadka u xad dhaafka ah, sababta oo ah waxa ay hodan ku yihiin dufanka faa’iidada u leh jidhka iyo kalooriyada. Waxa ay khubaradu aaminsan yihiin in afakaadhada oo cabbisteeda la joogteeyaa ay si weyn u dhinto miisaanka dheeraadka ah, sababtuna ay tahay barootiinnada iyo ganka ku jira oo waxtarkooda ay ka mid tahay in qofka ay ku beeraan dhereg, ka hor istaaga cunto badnaanta.

Wadnaha iyo xididdada dhiigga

Waxaa la ogyahay in dufanka xoolaha iyo ka la sanceeyaa ay kordhiyaan kalastaroolka dhiigga raaca, taasina ay khatar ku tahay caafimaadka wadnaha iyo xididdada dhiigga oo ay xidho ama yarayso. Laakiin dufanka noocyadiisa fiican ee uu ka mid yahay Omega3 iyo Omega6 waxa ay kaalin weyn ka qaataan yaraynta heerka Kalastaroolka dhibaatada leh, waxa aanay kor u qaadaan kalastaroolka caafimaadka u fiican, waxa kale oo ay xoojiyaan habdhiska difaaca jidhka iyo ladagaallanka kaarka iyo nabarowga. Arrimahaas oo dhammaantood xoojiya caafimaadka wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Ka hortagga nuugista dufanka

Afakaadhadu waxa ay hodan ku tahay ganka iyo maaddooyin kale oo kiimikaad, kuwaas oo ka hortaga in jidhku uu nuugo kalastaroolka, waxa kale oo uu jidhku ka helaa maaddooyin liddi ku ah mariidka, iyo faytamiinnada E iyo C, oo iyaguna leh faa’iido ah in jidhka ay ka saaraan sunta isla markaana u fiican caafimaadka wadnaha iyo xididdada.

Afakaadhada waxaa ku jira macdano ay ka mid tahay Potassium oo muhiim u ah isu dheellitirka dareeraha jidhka, iyo xakamaynta dhiig karka.

Maqaarka

Afakaadhada waxa kale oo looga faa’iidaysan karaa in la mariyo wejiga iyo guud ahaan maqaarka oo ay u leedaha ywaxtar muuqda. Waxa ay maqaarka ka bi’isaa ingagga, oo waa ay qoysaa. Waxa aana ku jira maaddooyin soo celiya midabka dabiiciga ah ee maqaarka.

Marsashada oo keliya faa’iido uguma laha maqaarka, ee sida oo kale cunisteedu waxa ay maqaarka kala dagaallantaa coodhcoodhka iyo calaamadaha gabowga, waxa aanay jidhka ka ilaalisaa dhaawac ka soo gaadhi kara fallaadhaha qorraxda. Sababta ugu weynina waa Faytamiinnada E iyo maaddooyinka beta-Carotene iyo maaddooyinka kaleee lidka mariidka oo si weyn uga hortaga calaamadaha gabowga.

Faytamiin C iyo lidka Mariidka ee Afakaadhadu waxa kale oo ay muhiim u yihiin daryeelka iyo ilaalinta unugyada, waxa aanay qayb aasaasi ah ka yihiin dhismaha barootiin ee Collagen, dhammaan waxyaabahaas oo la isku darayna wawxa ay sabab u yihiin in Afakaadhadu ay ilaaliso quruxda iyo caafimaadka maqaarka.

Kansarka

Afakaadhadu waxa ay hodan ku tahay maaddooyin tiro badan oo kiimikaad, kuwaas oo ay cilmibaadhisuhu tilmaameen in ay xihdiidh la leeyihiin la dagaallanka kansarka iyo koritaankiisa. Waxa ay Afakaadhadu la dagaallantaa in ay koraan unugyada kansar ama in uu kansarku sii kordho.

Diyaariye: Kamaal marjaan

Check Also

KACSI LA'AANTA RAGGA, JIMICSIGA,

Ahmiyada Jimicsiga Uu U Leeyahay Dawaynta Kacsi La’aanta Ragga

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in jimicsigu uu xal u noqon karo kacsi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *