Ahmiyada Fitamiin B6, Cunnooyinka Uu Ka Buuxo & Xanuunada Ka Dhasha Haduu Jirka Ku Yaraado

Fitamiin B6 waxaa kaloo loo yaqaannaa “Pyridoxine”, Fitamiinkani waxa uu muhiim u yahay samayska asiidhada “amino”, waxa uu door wayn ka ciyaaraa samayska unugyada cascas ee ku jira dhiigga iyo dhambaal-sidayaasha maskaxda (Neurotransmitters), wuxuu kobciyaa shaqada maskaxda, sida oo kalena waxa uu nidaamiyaa heerka sonkorta dhiigga.

Fitamiin B6 wuxuu kaalin mug leh ka qaataa ilaalinta caafimaadka hab-dhiska neerfaha, wuxuu u shaqeeyaa sida xanuun baabi’iye dabiici ah, wuxuu jirka u sameeyaa waxa loo yaqaano “antibodies” oo ah wax jirka ka difaaca waxyaabaha qalaad ee soo gala noocay doonaan ha ahaadaane.

Cunnooyinka qaniga ku ah fitamiin B6 oo lagu dedaalo waxa ay hoos u dhigaysaa cilladaha caafimaad ee lala xiriiriyo fitamiin B6 yaraanta sida hurka maqaarka, niyad jabka, dhan-qallalka iyo dhiig yarida. Hadii Fitamiin B6 uu jirka ku yaraado waxaa la isku arki karaa astaamo ay ka mid yihiin isbedellada niyadda, wareer, murqo xanuun iyo tabar yari.

Waxaa jira dawooyin yareeya fitamiinkaan sida dawada qaaxada (TB) oo kale, waxaana la siiyaa qofka qaaxada laga daweynayo fiitamiin B6 oo kaniini ah.

Si aad iskaga ilaaliso fitamiin B6 yarida, waa kuwaan liiska cunnooyinka hodan ku ah fitamiinkan:

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *