6 Caado Oo Dila Sumcadda Iyo Sharafta Qofka, Dadkuna Ay Ku Nacaan

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa habdhaqanno dadka qaarkii ula muuqda in ay fudud yihiin, oo la ogaaday in ay khatar ku yihiin xaaladda nafsiga ah ee qofka, tamartiisa iyo sumcaddiisa. Waxa kale oo aynu raacin doonnaa tusaaleyaal ay xeeldheereyaashu u hayaan qofka doonaya in uu dabeecadahaas ka guuro.

Beenta

Is muujinta iyo in uu qof ama dad kale wanaaggiisa tuso ayaa dadka qaar ku kallifta in ay been sheegaan. Beenaha ay aadka ugu dheereeyaan waxaa ka mid ah in ay buunbuuniyaan guulahooda iyo horumarka ay gaadheen ama soo kordhiyeen.

Xaqiiqada beentu goor ay gaadhaba waa ay fashilantaa. Marka ay bulshadu ogaatana waxa ay abuurtaa in uu hoos u dhaco ixtiraamka iyo wanaagga qofka loo hayey, illaa ay gaadho in qofku uu waayo xidhiidh daacadnimo iyo soo dhoweyn uu bulshada ka helo.

Iska jir in aad been sheegto xitaa haddii ay yartahay, ama aad aaminsantahay in ay tahay been aan dhayal lagu ogaan karayn.

Canaan badnaan

Waxaa jira dad qaladaadka ka dhaca iyo gefafkooda u raadiya sabab cid kale ka timi, ama canaanteeda cid kale u xambaariya. Waxa se aanay dareensanayn in qofka oo qiran waaya qaladaadkiisu, ay tahay calaamad muujinaysa in aanu masuul ka ahayn ficilladiisa.

Waxa ay khubarada cilmiga bulshadu xaqiijiyeen in qofka oo qaladaadkiisa qaadan waayaa ay tahay calaamad bulshada ku xeeran ee arkaysaa ay ka qaadan karto in aanu xil kas ahayn ama diyaar u ahayn in uu masuuliyaddiisa qaato, taasina ka fogeyso.

Hawl aad aqoonteeda ama xirfaddeeda aqoon u leedahay ha uga joogsan cabsi aad ka qabto in uu qalad kaa dhaco. Haddii uu gef ka dhaco hawsha aad haysatayna qiime oo qaado masuuliyaddiisa, adiga oo aan ka gabbanna u sheeg cidda ay tahay in ay ogaato qaladkaas. Waxa keliya ee muhiimka ahi waa in aad daraasayso sida uu ku dhacay, kalana soo baxdo casharro aad ka barato xeeladda iyo waayo-aragnimada aad kaga badbaadi karto in uu qaladkaasi mar kale soo noqdo.

Ha qarsan dareenkaaga dhabta ah

In qofku uu dareenkiisa dhabta ah qariyaa waa calaamad muujinaysa in aanu ku dhac u lahayn galaangalka iyo la macaamilka bulshada ku xeeran. Waxaa jiri kara sababo kala duwan oo qofka ku kallifaya in uu dareenkiisa qariyo, waana suurtagal in mararka qaarkood suurtagal loo arko. Laakiin waxa ay khubaradu isku waafaqsan yihiin in joogtaynteeda ama si guud marka loo qiimeeyaba ay tahay calaamad fulaynimo.

Ku dadaal in aad dareenkaaga muujiso. Dareenkaaga oo aad qarisaa waa khilaaf iyo is la jaanqaadi waa ku dhex jira naftaada iyo dareenkaaga, waana arrin uu qof kasta oo indhahaaga iyo wejigaaga eegaa dareemi karo. Sidaas awgeed in aad dareenkaaga qariso waxaa ka fiican in aad badheedhahaaga dhiibto, sababtiisana sheegto, haddii lagu qanciyana aad tanaasusho. Waa sida keliya ee qofku heer kasta oo uu xidhiidhkiinu gaadhsiisan yahay, uu ku qiri karo in aad run badane tahay. Kalsooni dheeraad ahna kuu gelinaysa bulshada.

Isla qumannaan

Waa dabeecadda aadamaha in la kala aragti duwanaado iyo in labada qof ay doodi dhex marto. Waa muhiim haddii dood iyo aragti is dhaafsi la isugu yimaaddo in aad aragtidaada si cilmi iyo caqli ku dhisan u difaacdo. Laakiin ha noqon qof mar kasta ku hawlan rumaynta fikirka uu qabo, xitaa haddii sheeko caadiya la wadaagayo. Ogow in dad kalana ay xaq u leeyihiin in ay aragtidooda muujiyaan, xitaa haddii aad adigu ka saxan tahay.

In dood kasta aad ku gacansarraysaa yaanay noqon ujeedadaada ugu weyni, balse ha noqoto in aad aragtidaada soo dhigto, xujadaadana caddayso xitaa haddii aanu qofka ku dhegeysanayaa ku qancin.

Wax kastaa ha ceeb la’aado

In hawlkasta oo aad qabanaysaa ay noqoto mid ceeb la’aan ah oo dhammaystirani waa arrin wanaagsan. Waana waxa ugu fiican ee ay aadamaha oo dhami ay hiigsadaan, marka ay hawl u dhaqaaqaan. Laakiin su’aasha muhiimka ahi waxa ay tahay, ‘Suurtagal ma tahay in wax kastaa ay ceeb la’aan ku dhammaystirmaan?!’

Jawaabta su’aashaasi waa ‘Maya’ oo dabeecadda adduunyada ayaaba sidaas caddaynaysa. Haddii aad ceeb la’aan wax kasta u raadisana waxa ay khubarada caafimaadku kaaga digayaan in waxa keliya ee aad ka faa’iidi doontaa uu yahay Khalkhal neerfeed iyo caafimaad darro.

Hawl kasta oo aad bilaabayso sida ugu quruxda badan u qorshe adiga oo aqoon iyo waayo-aragnimu u adeegsanaya, una talo badsanaya, laakiin ku sii talagal in shay kastaa uu fashilmi karo ama galdaloolooyin aan marka hore la sii filayn yeelan karo.

Dib u dhigasho

Hawl aad maanta qaban karto, berri ha u dhigan. Waayo, ma hubtid caafimaadkaaga berri iyo hawlaha kugu soo kordhi doona, ama xitaa noloshaada. Haddii aad arrimaha muhiimka ah dib u dhigato waxaa hubaal ah in si aanad dareemin aad u waayi doonto fursado badan oo muhiim u ahaan lahaa noloshaada ama taariikhdaada.

W/Q: KAMAAL MARJAAN

Check Also

dhiiri galin guusha

Cashar Muhiim Ah

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *