10 Calaamadood Oo Lagu Fahmo Hadii Barootiintu Kugu Yartahay

Barootiintu waa mid ka mid ah nafaqooyinka aasaasiga ah ee jirka tamarta geliya. Waa curiye muhiim u ah dhismaha unugyada jirka aadamaha, waana dhagaxa aasaaska u ah dhismaha timaha, maqaarka, ciddiyaha iyo koritaanka muruqaha. 

Waxaa jira dad iyagoo doonaya inay iscaateeyaan cunnada iska jara. Tani waxay sababtaa in inay lumiyaan nafaqooyin aasaasi ah oo ay ka mid tahay barootiinta oo nafaqo lagama maarmaan u ah jirkiiisa iyo shaqadiisa. 

Jirka oo heli waaya barootiin ku filan waxay keentaa cillado badan oo dhinaca caafimaadka ah. Haddaba halkaan waxaa ku soo aruurinay liiska calaamadaha digniinta ah ee ku tusinaya haddii ay jirkaaga ku yartahay barootiinta. 

Waa kuwaan calaamadaha lagu fahmo haddii ay barootiintu kaa dhacsan tahay: 

Murqaha oo daciifa: 

Barootiin waxay xoojisaa murqaha, haddii jirka uu heli waayo barootiin ku filan, waxaa dabca murqaha. 

Wajiga, cagaha iyo gacmaha oo barara: 

Haddii isku aragto barar wajiga, gacmaha iyo cagaha ah waa inaadan dhayalsan maadaama waxa ugu wayn ee sababa ay tahay dheecaannada ku aruura jirka. Marka jirku uu heli waayo barootiin ku filan wuxuu ku fashilmaa inuu biyaha iska saaro. 

Kala-goysyo xanuun: 

Barootiinta oo jirka ku yaraato waxay keentaa waxay sababtaa murqaha iyo kala-goysyada oo qofka xanuuna. 

Tashwiish maskaxda ku furma: 

Barootiintu waxay muhiim u tahay caafimaad-qabka maskaxda. Haddii barootiintu ay jirka ka maqan tahay xusuusta ayaa qofka ku yaraato wuxuuna dareemaa wareer. 

Xasaasiyad joogto ah: 

Barootiintu waxay caawisaa koriimada walxaha loo yaqaanno “antibodies” oo ah walxo ka tirsan difaaca jirka. Marka barootiinta ay jirka ka maqan tahay waxaa hoos u dhaca heerka difaaca jirka, qofkuna wuxuu u nuglaadaa xasaasiyad soo noqnoqota. 

Daal joogto ah: 

In nidaamka cunto qofka ka xumaadaa waxa ay keentaa barootiinta oo jirka ku yaraata, barootiin yaraantaasina waxa ay qofka ku sababtaa burbur jirka ah iyo daal nafsi ah oo badan. 

Hargabka iyo ifilada oo soo noqnoqda: 

Cunista cunnooyinka ay ku badan tahay barootiinta waxa ay nafaqaysaa bakteeriyada jirku u baahan yahay ee nacfiga u leh, taas oo xoojisa difaaca jirka kana caawisa  inuu la dagaallamo xanuunno ay ka mid yihiin hargabka iyo ifilada. Barootiin ku filan oo jirku uu heli waayo waxay keentaa in heerka difaaca jirku uu hoos u dhaco, taas oo keenta qofka inuu u nuglaado xanuunnada ka dhasha difaac yarida sida hargabka iyo ifilada. 

Jamashada macmacaanka: 

Marka ay jirka ka ka maqan tahay barootiinta waxaa kordha doonista macmacaanka si uu uga helo  tamarta ay murquhu u baahan yihiin si ay caadi ugu shaqeeyaan. 

Gaajo joogto ah: 

In la cuno cunno barootiintu ku badan tahay waa habka ugu wanaagsan ee loo xakamayn karo gaajada, waayo waxa ay qofka dareensiisaa dhereg muddo dheer jira, maadaama oo jirka ay waqti ku qaadato in uu dheefshiido. . Haddii ay barootiintu jirka ka maqan tahay, qofku si dhaqso ah ayuu u gaajoodaa. 

Cillado hurdo: 

Haddii jirka ay ka dhacsan tahay barootiinta oo aasaasi u ah caafimaadka maskaxda, waxay sababtaa inuu soo deyn waayo hormoonnada muhiimka ah hurdada fiican, taas oo saamaysa hurdada qofka. 

Ka bogsashada dhaawacyada oo waqti dheer qaadata: 

Barootiin ku filan oo jirku helaa waxay muhiim u tahay ka bogsashada dhaawacyada. Haddii jirka ay ku yartahay barootiinta, waqti dheer ayay qaadataa in laga buskoodo dhaawacyada. 

Cunnooyinka qaniga ku ah barootiinta: 

  • Hilibka xoolaha 
  • Hilibka digaagga 
  • Cunnada badda sida kalluunka, lohodka, iyo prawns-ka 
  • Ukunta 
  • Lawska 
  • Caanaha iyo cunnooyinka laga sameeyo sida burcadka iyo caanaha la fadhiisiyay (yoghurt) 
  • Misirta 
  • Digirta 
  • Miraha chia seeds 
  • Sisinta 
  • Digirta soya  

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *