XUSUUSIN: Alle oo Dambi Dhaaf La Weydiisto Keliya Ayaa Looga Bixi Karaa Dhibaatooyin Badan

Nin ayaa maalin u yimi Xasan Al Basri wuxuuna ka cabanayay:

“Roob nooma da’in waayadan. Abaar daran baa na heysa”

Wuxuu ugu jawaabay, “Alle dambi dhaaf weydiista”

Nin kale ayaa u yimi wuxuuna ku yiri, “Waxaan ka cabanayaa Faqri, waxaan ahay sabool aan waxba heysan”
Wuxuu ugu jawaabay, “Alle dambi dhaaf weydiiso”

Ka dih nin kale ayaa u yimi wuxuuna ku yiri, “Xaaskeyga dhawr sano ayaan wada joognaa wax caruur ah ma dhalin”
Wuxuu ugu jawaabay, “Alle dambi dhaaf weydiiso”

Dad ag joogay ayaa su’aalay, “Mar kasta oo qof cabasho kuula yimaado waxaad siineysay hal waano oo ah inay Alle dambi dhaaf weydiistaan keliya”
Al Hasan Al Basri wuxuu ku yiri, “Miyaydinaan maqlin Kelmada Allaah uu Quraanka inoogu sheegay kolki uu ka waramayay Nabi Nuux,
“WAXAAN KU IDHI DAMBI DHAAF WEYDIISTA RABIGIIN, ISAGA AYAA DAMBI DHAAFID BADAN, WUXUU U DIRI SAMADA KORKIINA XAAL AY TAHAY MID AAD U DARARSAN (ROOB AAN KALA GO’AYN) WAA IDIIN KORDHINAYAA XOOLO IYO CARUUR. WUXUU IDIIN YEELAYAA JANOOYIN (BEERO WAAWEYN) WUXUU IDIIN YEELAYA WABIYAAL SOCDA” Suuratu Nuux, Ayaadaha 10-12

Waxaa jira laba waxyaaboob oo dunida qofka ka siiya magangalyo iyo Amni ciqaabta Allaah. Tan koowaad hada waa ka baxday, halka tan labaad weli baaqi tahay. Tan koowaad waxay ahayd Rasuulka SCW sida Alle Quraankiisa inoogu sheegay,

“ALLE MA CIQAABAYO INTA ADIGA (NABI MUXAMMAD) AAD DHEX JOOGTO. ALLE MA CIQAABAYO ILAA INTA AY DAMBI DHAAF DALBANAYAAN.” Suurat Al Anfaal, Aayada 33.

Haddaba, walaalayaal Rabigiin dambi dhaaf weydiista. Maalin kasta waxaa naga dhaca gef, waxaan sameynaa dambi. Haddii qofku isku arkay ciriiri, murugo joogta ah, buuq ama buufis sidaa u taqaan, dhaqaale la’aan, awlaad la’aan, wuxuu jeclaa uu waayo, Roob aan di’in, dhibaatooyin joogta ah, Qorshe kasta oo ka fashilma, farxad darro. Waxa keliya oo looga bixi karo waa in Alle loo noqdo oo Dambi dhaaf dhab ah la weydiisto.

Waxa keliya ay tahay in aadan dib u dhigan, aadan ka caajisin, aadan ka wahsan waa in Alle aad u noqoto, aad isu dhiibto, dambi dhaaf ka dalbato. Maxaa yeelay haddii aadan sidaa yeelin tallaabo kasta aad qaado ma kuu shaqeynayso, mana noqoneyso mid farxad kuu keenta.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *