Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, cabsida iyo niyad-jabka ay tahay dikriga iyo adigoo Alle ku xirma, inta ka soo hartay waa Kaalmaati!

Marka aad waqtiyada qaarkood aad dareentid in aanad riyo wacan arkin oo aanad ku riyoon, ama inaan salaadaada iyo ducadaada la aqbalayn, Markaad dareentid Ilaahay in aanu kula hadlayn ama aanad dareemin dhadhanka iyo macaanka iyo cibaadada.

Markaad eegtid duruuftaada iyo dhibaatada ku haysata noloshaan ee aad ka fakartid, markaad aragtid in aad dadaalaysid oo tabceysid oo natiijadii aad filaysay aanad helayn,

Markaad aragtid oo aad dareentid arsaaqadii iyo ubadkii inay habsaameen, albaabadii inay xidhmatay, markaad marmarka qaarkood aad isla hadashid oo aadn tidhaahdid “ilaahay ducadeyda ma aqbalayo malaha ilahay ima jecla”!!

Markasta oo aad murugo aad dareentid waxaad xasuusataa SUURADDA  DUXAA. Suurad Ad-Duxaa waa suurad gaaban oo inta badan salaadaheenna aan akhrinno laakiin uma fiirsanno qiimaheeda mana dhuuxno macnaheeda, mana garanayno awoodeedda iyo ahmiyadda wayn ee ay leedahay.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *