6 Qodob Oo Caajiska Iyo Daalka Kaa Ilaalinaya Si Aad Howlahaaga U qabsato

Caajis iyo daal fara badan ma dareenta? Ma iska wayday xiisihi aad hawlaha ku qaban jirtay? Waxyaabihi aad jaclayd xiisahay lahaayeen ma ka wayday? Sideed dareenka iskaga biin lahayd? Sii akhri si aad uga faaidaysato:

Qabo wax ka duwan waxyaabahad qaban jirtay:

Markaad wax ku celcelisid xiisuhu doonto ha yeeshe marka u danbaysa waad ka xiiso jabi doonta. Ku dadaal inaad kala gadgadiso waxyaabahad qabatid. Wadada aad mari jirtay bedel, dad cusub la kulan, asxaabti inbadan isarag la kulan, buug cusub akhri.

Is xasuusi hadafkaaga:

Imisa hawlood ayaad ka niyad jabtay? Marku ku galo dareen noocas ah islamarkiiba is xasuusi hadafkaaga. Marnaba ha ilaabin sababta hawsha u bilowday, is xasuusi muhiimada hawshu leedahay ka dibna ka fikir sidii aad qaab cusub ugu wadi lahayd.

Cadceeda u bax:

inkasto ay jirto dhibaatoyn badan marka cadceeda la socsocdo laakin markaad inyar aad cadceeda u baxdid wuxu leeyahay faaidoyn badan ka mid ah inu dareenkaaga bedelo, habeenka hurdo wanaagsan qaadatid, dhiig-karka hoos u dajiyo.

Nasasho qaado:

Markaad inbadan shaqaysid maskaxduna daasho waxa lagamamaarmaan ah inaad nasasho qaadatid si aanad caajis u dareenmin. Markaad nasasho qaadatid waxaad helaysa energy cusub aad ku shaqayn lahayd.

Is dhiiri gali:

Mar walba joogtee inaad dhinaca wanaagsan hadafkaaga ka eegtid

Jimicso:

Markaad inyar jimicsatid isla markiiba waxaad dareenmaysa furfurnaan iyo farxad., dhiiga ku furfurmaya.

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *