Xasiloonida Qalbiga!

Xasiloonida qalbiga:

Aduunka maanta waxa qof kasta raadinayaa waa siduu ku heli lahaa deganaan maskaxeed iyo xasilooni Qalbiga ah. In badan wixi ay rabeen sanado ka hor way heleen hadana kuma qanacsana, weli waxaa ku furan buuq, waxay dareemayaan kadeed, waxaa ku badan hilmaanka, waxaa ku jira degdeg badan, waxaa haya nasasho la’aan, iyo qaar kaloo badan. Maxay waxaan u dhacayaan? Ma Noloshaa sidaa ah?

Xaqiiqdii Noloshu way fududahay laakiin annagaa isku adkeyna kolkaan ka daba cararno wax aan farxad noo keeneen marnaba.

Waxaan jecelnahay inaan xirano dhar Qaali ah balse waxaan istareex badan dareenaa dhar fudud markaan gashano
Waxaan jecelnahay inaan Hotel 5 star ah la fariisano dabaqadda sare ee dadka laakiin waxaan aad ugu faraxnaa markaan saaxiibo shaah ku wada cabanayno maqaaxi wadada dhinaceeda ah

Waxaan jecelnahay inaan gawaari raaxo iibsano laakiin waxaan hawo fiican & caafimaad ka helnaa markaan lugeyno
Waxaan jecelnahay inaan ku dhafarno wax aan dan noogu jirin halka xilli hore aan seexano habeenki aan ka helayno firfircooni & farxad

Waxaan doonaa inaan nafta ku maaweelino music kolkaan kadeed dareeno balse hadaan laba rakco Rabigeen u tukano ayaan deganaan maskaxeed ka heli karnaa

Haddii aan rabno farxad iyo deganaan maskaxeed aan xooga saarno Xuska Alle oo ah xaqiiqdii waxa keliya ee Qalbigu ku xasilo sida Alle SWT Quraanka inoogu sheegay.

Xusuusnow wax kasta oo xad-dhaaf ah Nolosha waa sun.

Ogow sababta ugu weyn ee cudurada Qalbiga waa Vitamin Diin la’aan!

W/Q: Farah Cawaash Beldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *