Welwelka iyo Saamaynta Uu Kuu Yeesho Hab-Dhiska Difaaca Jidhka

Welwelka badan waxa uu qofka ka dhigaa mid bukaan-jiif ah, laakiin waxa arrintaa isku hawlay saynisyahanno Maraykan ah, waxaanay daraasad ay sameeyeen ku xaqiijiyeen doorka welwelku ka ciyaaro in waxyeello soo gaadho hab-dhiska difaaca jidhka dadka.

Waxay sidoo kale cilmi-baadhistooda daaha kaga qaadeen doorka naxdintu ka qaadato xannuunada jidhka ku dhaca laga bilaabo wadne xannuunka ilaa murugada.

Saynisyahannada Maraykanka ah, ayaa wax weydiiyey 176 qof oo rag iyo dumar isugu jira, iyaga oo baadhitaan ku sameeyey dhibaatooyinkay la kulmeen 12-kii bilood ee u dambeeyey.

Dhakhaatiirtani waxay caddeeyeen in dadka welwelku haystaa ay u nugul yihiin qaadidda hargabka (duray), marka la barbardhigo dadka aan iyagu wax walbahaar ah hayn, gaar ahaan hab-dhiskooda difaaca jidhku wuxuu noqday mid aan dareemin marka fayraska cudurku soo galaayo, waxaanay soo dayaan hormoonka welwelka ee la yidhaa Cortisol, kaas oo waxyeelo u gaysta hab-dhiska difaaca.

Khubaradan tijaabo labaad oo ay sameeyeen, ayaa iftiimisay in diiqaddu masuul ka tahay in qofku welwelo, taas oo markuu qofka diiqad la soo daristo uu qaado xumad aad u badan iyo xannuuno kaloo ka faa’iidaysta hab-dhiska difaaca ee dabcay.

Prof. Sheldon Cohen oo ka tirsan Jaamacadda Carnegie Mellon oo dalka Maraykanka ku taal, kana mid ah khubarada daraasadan samaysay, ayaa yidha isaga oo daraasadooda ka hadlaaya; “Awoodda hab-dhiska difaaca ee ka hortagga diiqaddawuxuu saadaaliyaa qofka siduu duriga u qaado, laakiin waxa muhiim ah in sharaxaad laga bixiyo sida welwelku uga masuulka yahay cudurrada.

Marka qofku ku jiro xaalad welwel ah unugyada hab-dhiska difaaca jidhku ma awooddaan inay ka jawaabaan xakamaynta hormoonada, waxaanay si aan joogsi lahayn u soo saraan xaalad sababi karta cudur,” ayuu yidhi Prof. Sheldon.

Diyaariye: Ibraahim Khadar Siciid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *