Qallaylka Farjiga Dumarka: Sababaha Keena Iyo Saamaynta Uu Ku Yeesho Galmada

Farjiga dumarku wuxuu leeyahay qoyaan dabiici ah oo Alle ugu talo galay inuu nadiifiyo kana hortago jeermisyada noocyadooda kala duwan. Qoyaanku farjiga wuxuu astaan u yahay in hormoonnadu ay si wacan u shaqaynayaan.

Si kastaba ha ahaatee, qallaylka farjiga dumarku wuxuu tilmaan u noqon karaa cillado caafimaad oo iskugu jira kuwa fudud iyo kuwa waa wayn.

Isbedello yaryar oo jirka ku dhaca ayaa sababi kara in farjigu uu qalalo, sida stress-ka, hammiga kacsiga oo yaraada iyo isbeddello dhinac hab-nololeedka ah. Sidoo kale, siilka qalalan wuxuu astaan u noqon karaa xaalado caafimaad oo u baahan dawayn.

Astaamaha qallaylka xubinta taranka dumarka:

Calaamadaha siilka qalalan waxaa ka mid ah raaxo darro laga dareemmo aagga siilka iyo miskaha, dareen gubasho leh, rabitaanka galmada oo luma, xanuun xilliga galmada ah, dhiigbax fudud galmada kadib, cuncun iyo infekshanka kaadi mareenka oo tagi waaya.

Farjiga qalalan wuxuu dhibaato ku noqon karaa galmada maadaama uu keenayo xanuun, dheecaannada yaraaday dartood.

Maxaa sababa siilka qalalan?

Isku-buuqa:

Isku-buuqu waxa uu sababaa khalka hormoonnada, rabitaanka galmada oo hoos u dhaca iyo farjiga oo qalayl noqda maadaama xaalada nafsadeed ee haweeneyda ay masuul tahay dheecaanka farjiga. Intaas waxaa dheer, isku-buuqu waxa uu sababaa in jirku uu soo saaro hormoonka stress-ka ee loo yaqaanno “cortisol” kaas oo haddii uu jirka ku bato sababa in miisaanku uu kordho iyo cillado galmo.

Cillad thyroid-ka ah:

Haddii haweeneydu ay qabto cudurka thyroid-ka waxaa laga yaabaa inuu hoos u dhaco rabitaankeeda galmo. Xanuunka qanjirka thyroid-ka ee dhacsan ama howlgabsan “Hypothyroidism” wuxuu wax ka beddelaa heerarka hormoonada dumarka taas oo keenta in farjigu uu qalalo. Haddii aad isku aragto farji qallayl ay la socdaan timo daadasho, xanaaq, kor qallayl iyo cayil, la xiriir dhakhtar, si laguugu sameeyo baaritaanka thyroid-ka.

Cillad ugxansidaha ah:

Ugxansiduhu wuxuu muhiim u yahay soo saarista ugxanta si loo bacrimiyo, xaaladaas oo loo yaqaanno “Ovulation”, haddii ugxantaas la soo daayay ay fursad u hesho in la kulanto shahwada ragga way bacrisantaa, halkaasna uur ayaa ka dhasho, haddii ay taasi suura gali wayso, caado ayay isku badashaa. Xilliga ugxanta la soo daynayo farjigu waxaa uu leeyahay qoyaan taas oo astaan u ah in ugxanta si caadi ah la soo saaray.

Haddii farjigu uu qalalan yahay waxay tilmaan u noqon kartaa inaan ugxan la soo daynin. Haddii aad isku aragto xaaladan, la xiriir dhakhtar si loo ogaado haddii ay jirto cillad ugxan sidaha ah.

Isticmaalka saabuunta:

Qallaylka farjiga, waxaa kaloo keeni kara isticmaalka xad dhaafka ah ee saabuunta. Farjiga oo si joogto ah loogu dhaqo saabuunta waxay sababtaa inuu qalalo. Walxaha kiimikada ah ee ku jira saabuunta, farjiga ayay gudaha u geli karaan waxayna u geysan karaan dhaawac, taas bedelkeeda waxaa haboon in biyo diiran lagu mayro.

Dhalmo dayska:

Xilliga dhalmo deyska waxaa yaraada hormoonka haweenka ee “oestrogen”, taas oo keenta in farjigu uu qalalo.

Dawooyinka qaar:

Dawooyinka cudurka neefta sida kuwa xasaasiyada (anti-histamine), waxay sababi karaan qallaylka farjiga. Dawooyinkan waxay joojiyaan soo saarista dheecaanka farjiga, Marka la joojiyo dawooyinkan, dheecaanka farjigu dabiicigiisii ayuu ku soo noqdaa.

Ugu dambeyntii…

Badanaa qallaylka farjigu ma ahan xaalad halis ah, waxaana jira dawooyin lagula tacaali karo, iyo habab looga hortegi karo. Tusaale ahaan, waxaa la helaa subkiyeyaal aan u baahnayn in laguu qoro, kuwaas oo yareeya qallaylka iyo raaxo darrada aagga farjiga.

Subkiyeyaasha iyo kiriimyada jidhka qooya, waxay u fiican yihiin pH-ta farjiga, taas oo ka hortag u ah infekshanka kaadi mareenka (UTI).

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *