Waxyaabaha Lagu Cabiro Awooda Shaqsiyadeed

awooda shakhsiyadeedInaad mar walba ka shaqayso awoodaynta shaqsiyadaadu waa mid laga marmaan u ah nolosha, hadaba akhriste waxaan halkan kuugu soo bandhigi doonaa qoraal yar oo gaaban oo ka kooban shan qodob oo ku anfici doona:

Iska war hayn nafeed:

Iska war haynta nafeed waxay la xidhiidha is fahanka cidaad tahay iyo dabeecadaada iyo habkaad u waajahdo xaaladaha kaa hor yimaada ee nololeed.

Taas oo kaa caawinaysa, inaad dhisto nolol ku dhisan aragti togan, saafi ah oo ka dheer dhamaan aragtiyaha Taban oo dhan.

Dadka ka warhaya naftooda ee og awoodahooga iyo halkay u liitaan waa qaar wax ka barta khibradahay kala kulmeen wixii hore u soo dhaafay guul iyo gul daraba.

Qiimayn: 

Qiimayn marka la leeyahay waa habka aad u qiimayso ama u aragto dhammaan waxyaabaha kugu xeeran, Dad iyo Ashyaaba.

Tani waxay kuu sahlaysaa inaad hab wanaagsan u abaarto nolosha, dadka kula noolna ula dhaqanto qaab wacan oo ka madhan qalooc iyo qalalaanse, noloshaaduna noqoto mid ku dayasho mudan oo aad ku raaxaysato oo aanad ku kadeedmin.

Xirfado:

Inaad barato xirfado cusub marba marka ka danbaysa, oo aad ku soo kordhiso naftaada barashada ama se wax ka ogaanshaha xirfad cusub, waxay kaa caawinaysaa inaad noqoto qof qaban kara shaqooyin kala duwan siyaabo kala duwana u fikiri kara.
Kaas oo keeni kara xalal kala duwan oo qiimo leh, sidoo kale waxay kaa caawinayaan xirfaduhu inaad gaadho ahdaaftaad nolosha ka leedahay.

Xog-helis:

Inaad hesho xogo kala duwan oo aqooneed waxay kaa caawinaysaa kuguna ridaysaa hilinka ugu quruxda badan ee aad u marayso ujeedooyinkaaga nololeed, sidoo kale waa mid iyada laftigeedu kaa caawin karta inaad is ogaato cidaad tahay iyo waxaad qaban karto, waayo Xog la helyaaba Xal la hel ayay ahayd odhaah soomaaliyeed.

Hadaf/Ujeedo:

Inaad lahaato ujeedo nolosha ahi waa ta ugu muhiimsan aasaaska nolosha iyo horumarka Aadamaha, taas oo ah inaad gaadho meel aad calaamadsatay.
Waayo intaad nooshahay hadaanad waxba qaban waxaad tahay qof khasaaray oo dayacay jaaniskii uu Illaahay u siiyey inuu ku dul noolaado aduunka.

Ugu danbayn waxaan ku soo gabagabaynayaa qoraalkaygan Tixdan gaaban:

”Noloshu maaha ciyaar
Naxli iyo maaha xumaan
Naruuro Illaahay baxshiyo
Nuxur iyo naq hooray weeyaan.”

W/Q: Xamze Siciid Kuuriya

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *