Wa Maxay Nafaqooyinka Iyo Muhiimada Ay Leeyihiin?

nafaqoSida aan wada ogsoonahay bulshada somaliyeed iyo wadamada soo koraya waxay doorbidaan cuntooyin dhaqameedka , siiba bulshada soomaliyeed cuntooyinka aan caadaysanay inaga oon u eegayn cafimaad ahaan nafaqo ahaan sida : canjeerada,bariiska ,baastada iyo caanaha

Uma doorono cuntooyinkeena xag cafimaad ,xag nafaqo ,xag ka hortaga cudurada iyo difaacooda xag hormar maskaxeed iyo muuqaal kaba

Maanta waxaan halkan qaadaa dhigi doonaa erayga nafaqo , een mar walbo maqalno waxa uu yahay

Cuntada aan cuno waxay ka koo bantahay isku jiro chemical ah oo muhiim u ah hab socodka shaqada jirkeena ,isku jirada chemicalka ah ayaa loo yaqaana Nafaqo(nutrients)

Nafaqooyinkan waxay ina siiyan :

Koriin fiican, nolol, horumar xag maskaxiyan iyo muqaal ahaanba ,tamar ama energy ,joogtaynta kumaankum shaqo oo ka dhaca jirkaag gudihiisa daqiiqad walba malinkii

Siidaas darteed waa inaan cuntada aan cunayno u eegnaa nafaqadeeda malin walba

Si aan u helno cafimaad buuxa ,maskax fayow ,qaad dhismeed fiican ,firfircooni maskaxiyan ah iyo tu muqaaleedba

Nafaqooyinku(nutrients) waxay ka koobanyihiin lix(6) qaybood ama six classes of nutrients sida:

Carbohydrate (tamarta), fats (dufanka), protein (brotiin), vitamins (fitamins), minerals(macdanta) & water(biyo)

Jirku ma samaysankaro nafaqo ama mid ku filan waa inaan ka helno cuntadeena haday dhacdo

In uu mid ka mid ah yaraado ama bato waxay ina soo food saaray xalad caafimaad daro(mulnurition)

Sida inaan u badanahay iska taahida badan dhabarka ,madaxa ,indho xanuunka, xasaasiyada/xanuunka maqaarka ,wadna xanuunka ,iyo sidoo kale koriin xumada sida aan badanay ,qaab dhimeedka jirkeena ma fiicna

aniga oon ku soo koobi Karin maqaalkan faa’iidooyinka nafaqada iyo wax tarkooda waxaan ka hadli doonaa qoraalkan qoraalada ku xigi doona insha allah

-Nafaqooyinkan iyo meelaha aan ka heli karno(source of nutrient)

-seen cuntadeena u dheeli tiri karnaa (balance diet)

– nafaqa darada(mulnutrion)

– sida aan oogu kala nugul nahay iyo dadka u baahan daryeelka khaaska ah

– sababaha caalamku diirada u saaray nafaqa darada (mulnurion)sida dawladaha hayadaha internationalka ah iyo NGO.

W/Q: Sacdi Caweer Cumar

Daryeelmagazine.com

Check Also

cabitaano dabiici ah, subaxdii, aroortii

Cabitaanno Ku Wanaagsan In Qofka Uu Cabbo Aroortii Oo Uu Maalintiisa Ku Bilaabo

Dadka u diran caafimaadkoodu waxa ay marar badan ka fikiraan cabbitaanka caafimaad ahaan ugu fiican …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *