Xeeldheerayaasha Caafimaadku Maxay Ka Sheegeen Cabbidda Shaaha Madow?

shaaha madow, shaaha bigayska

Shaahu waa cabitaanka loogu isticmaalka badan yahay dunida, dad badanna maalintooda waxay ku bilaabaan koob shaah ah, wuxuu kiciyaa hurdada, qofkana wuxuu siiyaa firfircooni. Waxaa jira dad badan oo la qabatimay oo aan joogi Karin shaah la’aan subaxdii.

Shaaha waa afar nooc waxaana lagu kala magacaabaa midabkiisa, waxaa jira shaah cagaaran, shaah madow, shaah cad iyo shaah loo yaqaanno “oolong tea”.

Waxaa la isku waafaqsanyahay in shaaha cagaarani uu yahay shaaha ugu caafimaadka badan shaahyada mana ahan midka ay soomaalida cabto.

Nooca ay Soomaalidu cabto waa shaaha madow, waana midka dunida loogu cabbista badan yahay. Wuxuu qani ku yahay maadada sunsaarista ee “polyphenols” taas unugyada jirka ka ilaalisa noocyada kala duwan ee cudurka kansarka. Qormadaan waxaan ku eegaynaa faa’idooyinka ugu waa wayn ee laga helo cabbista shaaha madow.

Ka hortagga kansarka:

Maadooyinka sunsaarista ee laga helo shaaha madow waxay la dagaalamaan cudurka kansarka khaasatan kansarka sambabada, kansarka qanjirka ragga ee prostate-ka, kansarka ugxanta iyo kansarka mindhicirrada waa wayn. Shaahu wuxuu ka hortagaa samayska iyo koriimada burooyinka.

Caafimaadka wadnaha:

Shaaha madow waxaa ku jira maadooyinka “flavonols”, “theaflavins” iyo asiidhka gallic kuwaas caawiyaa kobcinta caafimaadka wadnaha. Wuxuu hoos u dhigaa kolesteroolka xun (LDL), wuxuuna kor u qaadaa kolesteroolka wanaagsan (HDL).

Wadnuhu waa xubin nool sida xubnaha kale ee jirka, waxaana uu u baahan yahay ogsijiin iyo macdanta kale ee lagama maarmaanka u ah noloshiisa. Sidaa darteed waxaa jira xidido yaryar oo dhiig iyo ogsijiinta u qaada muruqa uu wadnuhu ka sameysan yahay. Xididadaas waxaa loo yaqaana Coronary. Cabbista 3 koob oo shaaha madow ah maalin kasta waxay yaraysaa khatarta xanuunka xididka wadnaha (coronary heart disease).

Ka hortagga sonkorowga:

Sonkorowgu waa cillad dheefshiid oo halis leh una baahan in la daaweeyo inta uu bilowga yahay. Xeeldheerayaaasha caafimaadku waxay ogaadeen in cabbista shaaha madow ay hoos u dhigto khatarta sonkorowga nooca 2-aad sababtoo waxaa ku jira madooyinka “catechins” iyo “theaflavins”.

Caafimaadka lafaha:

Shaahaan waxaa ku jira maadooyinka Phytochemicals, kuwaas oo lafaha adkeeya, kana ilaaliya jabniinka iyo burburka.

Hoos u dhigista stress-ka:

Nolosha maanta ee mashquulka badan, stress-ku wuxuu noqday qeyb ka mid ah nolol maalmeedkeenna, isagoo saamayn ku yeelanaya caafimaadkeenna mustaqbalka. Cabbista shaaha madow waxay hoos u dhigi kartaa isku-buuqa iyo walwalka, waxaa ku jira walxo yareeya hormoonnada stress-ka ee jirka, maskaxdana dejiya.

Caafimaadka dheefshiidka:

Caloosha caafimaadka qabta waxay kaa ilaalin kartaa xanuuno iyo cillado badan. Waxaa jira qaar ka mid ah bakteeriyada oo nacfi u leh jirka, kana qeyb qaata habdhisyada jirka sida dheefshiidka oo kale. Haddii bakteeriyadaas laga waayo jirka waxaa ku dhici kara xanuuno ay ka mid yihiin calool xanuun iyo shuban. Cabbista shaaha madoow waxay kordhisaa tirada iyo noocyada bakteeriyada nacfiga leh ee caloosha. Maadada polyphenols ee laga helo shaaha madow waxay ka hortagtaa koriimada bakteeriyada waxyeellada badan ee caloosha sidaas darteed waxay ka hortagtaa boogaha caloosha.

Miisaan dhimista:

Cayilka xad dhaafka ah wuxuu keeni karaa xanuunno halis ah oo nolosha qofka galaafta, cabbista shaaha madow waxay la dagaallantaa cayilka badan.

Hoos u dhigista khatarta laleemada:

Laleemada waa cudur Ku dhaca maskaxda kaasoo wax yeeleeyo dhaq dhaqaaqa iyo socodka qofka. Cilmi baarisyo la sameeyay ayaa muujiyay in maadada “polyphenols” ay yarayso khatarta cudurka laleemada (Parkinson’s disease).

Caafimaadka afka:

Shaaha madow waxaa ku jiro walxo liddi ku ah bakteeriyada iyo maadooyinka sunsaarista kuwaas oo ilkaha ka ilaaliya bololka iyo huurada.

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *