Faa’idada Caanaha Ariga Iyo Cudurrada Ay Jirka Ka Caabbiyaan

Caanaha arigu waa caanaha loogu isticmaalka badan yahay dunida, waxaa lagu qiyaasaa 65% illaa 72% dadka dunida ku nool inay cabaan caano ari. Caanaha ariga waxaa ka buuxo fiitamiin A, kaas oo ka hortaga caadka indhaha fuulo iyo cudurka kansarka.

Caanaha arigu waa caano kulansaday nafaqo tiro badan, waa il muhiim ah oo laga helo dufanka caafimaadka leh ee Omega6 iyo barootiin, waxaa kaloo ku jira fiitamiinnada B6, A, iyo C, macdanaha kaalsiyam, potassium, magnesium, phosphorus, birta (iron), zinc iyo copper. Caanaha ariga waa la siin karaa dhallaanka waana kuwo si fudud jirku u nuugi karo.

Fitamiin B6-ka, Fitamiin A-ga, iyo kaalsiyamta ku jira caanaha arigu waxay ka badan yihiin kuwa ku jira caanaha lo’da taas oo macnaheedu tahay in caanaha arigu ay ka nafaqo badan yihiin kuwa lo’da. Caanaha arigu waxay kor u qaadaan awoodda jirku uu ku nuugo nafaqada cuntada.

Haddaba waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa toddobo faa’ido oo laga helo cabbista caanaha ariga waxayna kala yihiin:

Kobcinta caafimaadka wadnaha:

Cabbista caanaha ariga oo la joogteeyo waxay kor u qaadaa caafimaadka wadnaha sababtuna waa macdanta magnesium ee ka buuxda caanaha ariga. Caanaha arigu waxay isu dheellitiraan kolestaroolka fiican iyo midka xun, sidaas darteed waxay muhiim u yihiin caafimaadka wadnaha, waxayna ka hortag u yihiin wadna qabadka ka dhasho xannibanka qulqulka dhiigga xididada wadnaha. Maadada potassium-ka ee ku jirto caanaha ariga waxay ka qeyb qaadataa kontaroolista cadaadiska dhiigga “blood pressure”.

Kobcinta caafimaadka lafaha:

Caanaha arigu waa il aasaasiya oo laga helo Kaalsiyamta, waxaana la og yahay in Kaalsiyaam ay xoojiso lafaha iyo ilkaha. Kaalsiyaamta ku jirta caanaha ariga waxay ka badan tahay midda laga helo caanaha lo’da. Calcium iyo phosphorus waa labo macdan oo muhiim u ah ilaalinta caafimaadka lafaha. Caanaha arigu waxay ka hortaggaan cudurka lafo-burburka oo ku badan haweenka.

Xasaasiyada caanaha:

Dadka badan oo xasaasiyad ku qabo caanaha lo’da ayaa la arkay in cabbista caanaha arigu aysan ku kicin xasaasiyadda.

Dhiig yarida:

Dhiig yarida macnaheedu waa marka unugyada cas cas ee dhiigu kaa yaraadaan ama tirada heamoglabinta ku jirta unugyada cas cas ay ka yaraato dabiicigeeda. Caanaha ariga waxaaa laga helaa iron oo nafaqo lagama maarmaan u ah dhismaha iyo helidda dhiig caafimaad leh.

Difaaca jirka:

Maadada selenium ee ku laga helo caanaha ariga waxay muhiim u tahay shaqada hab-dhiska difaaca jirka, iyadoo jirka ka difaacda xanuunnada iyo infekshannada.

Koritaanka:

Caanaha arigu waxay qani ku yihiin barootiin, Barootiintu waa curiye muhiim u ah dhismaha unugyada jirka, waana dhagaxa aasaaska u ah dhismaha timaha, maqaarka, ciddiyaha, muruqyada iyo carjawaha. Barootiinta oo jirka ku yaraado waxa ay qofka ku keentaa dhibaatooyin waaweyn oo dhinaca caafimaadka ah sida murqaha oo dabca iyo habdhiska difaaca jirka oo daciifa. Caanaha arigu waxay dhisaan oo koriyaan unugyada, murqaha iyo lafaha.

Qurxinta maqaarka:

Sida aan kor ku soo xusnay caanaha ariga waxaa ku jira fitamiin A, kaas oo caawiya qurxinta maqaarka, daaweynta finanka iyo dib u dhigista lalaabka maqaarka. Waxaa kaloo caanaha ariga ku jira asidhka loo yaqaanno lactic kaas oo ka qeyb qaata baabi’inta unugyada dhintay iyo iftiiminta maqaarka. Caanaha arigu waxay maqaarka ka dhigaan mid jilicsan waxayna siiyaan dhalaal dabiici ah, waxay kaloo yareeyaan kor qallaylka sababtoo ah waxaa ka buuxo fatty acids.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *