Tobanka Waxyaabood Ee Ay Dadku Ugu Qoomamada Badan Yihiin

1. Maan ku guulaysan inaan ka midho-dhaliyo riyadaydii iyo hankaygii. Dad badan baa ku calaacala in ay ku dhici waayeen inay rumeeyaan riyooyinkoodii, taas beddelkeedana

noolaa iyagoo dadka kale raallo galinaya. Iyagu go’aan kamay gaadhi jirin noloshooda, kolba xaaladda ay ku jiraan ayaa go’aamin jirtay marxaladdooda nololeed.

2. In badan baan ku mashquulay shaqo, oo wakhti lama aan qaadan qoyskayga. Waxay dadkani siiyeen wakhti badan shaqooyinkooda, waxa aanay ka mashquuleen dadkii ay jeclaayeen – sidaas bay ku calaacaleen.

3. Wakhti fiican lamaan soo qaadan saaxiibbaday. Marka caafimaadka iyo dhallinyarannimaduba meesha ka baxdo, dadku waxa ay qiimeeyaan waxyaabo aanay hore u dareemi jirin. Dad badan baa ku cataabay in aanay saaxiibbadood wakhti fiican lasoo qaadan.

4. Maan odhan ‘Waan ku Jecelahay’ intii aan odhan kari lahaa. Dadka way ku adagtahay in qof uu jecelyahay (si run ah uu u jecelyahay) uu ku yidhaahdo kalmadda ‘Waan ku jecelehay’, haddii ay dhacdana aanay badnayn. Dad badan baa ku calaacalay inaanay dadkii ay jeclaayeen si fiican ugu bandhigin jacaylkooda, ama se kula noolaan nolol jacayl ku dhisan.

5. ‘Waxay ahayd inaan runta ku hadlo oo maskaxdayda si fiican u adeegsado’ – Dadka sidan ku calaacalayaa badankoodu waxa ay isku dayi jireen inay dagaalka/is-qab-qabsiga iska ilaaliyaa. Doodaha iyo xidhiidhada dadka ka dhexeeyaba runta kamaysan sheegi jirin.

6. Dad badan ayaa ka qoomamooday in wakhtigii ay noolaayeen aanay ahayn kuwa gacanta sare leh ee goaanka gaadha. Tusaale ahaan, haddii xidhiidh aad qof la lahayd, qofkaasina uu ahaa qof qiimo ku leh agtaada, kadibna isku dhac yimi, labada qof midbaa mas’uuliyad isa saara oo raalli galin, turxaan bixin ama tanaasul sameeya – dad badan baa ku cataabay inaanay qofkaas noqon.

7. Waxaan farxi lahaa haddii aan carruur soo dhali lahaa. Dad badan baa ku calaacalay in aanay ubad ka tagayn. Waxa ay dadkani sheegeen inay isku illaabeen da’dii dhallinyarannimada.

8. Maanu kaydsan Maaliyad fiican oo aanu isticmaalno markaanu shaqo-gabnay. Waxa ay sheegeen in aanay lacag buuran sii dhigan si ay u isticmaalaan markii ay gaboobeen. Lacagtooda ayay aad u isticmaaleen wakhtigii ay dhallinyarada ahaayeen.

9. Dad kale ayaa waxa ay ku cataabeen in aanay u noolaan si ‘Run’ ah. Dadkan ayaa qiray in wakhtigii ay noolaayeen aanay noloshoodu ahayn mid naftooda si toos ah uga tarjumaysay. Waxa ay sheegeen in ay iska dhigi jireen cid aan nafahooda ahayn. Naftooda umay sheegi jirin dadka kalena dabcan run kulama ay dhaqmi jirin.

10. Farxaddu waa shay la doorto – la abuurto. Waxyaabaha ay ku calaacaleen dadkani ayay ka mid ahayd in ay farxadda ku sugeen cid aan iyaga ahayn iyo meel aan noloshooda ahayn.

Xigasho; Qodobbadan waxa qoray Cris Nikolov oo ah aasaasaha MotivationGrid. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha nolosha la xidhiidha. Qoraalkan waxa aad ka helaysaa Website-kiisa. Dabcan, waa macluumaad laga soo uruuriyay dad nolosha sii maca-salaamaynayay. Waxaan u tarjumay qaab aan nuxurka uun soo qaadanayay.

Run weeyi oo qodobbadani maaha kuwa kali ah ee dadku ay qoomameeyaan wakhtiga ay dhimanayaan. Qur’aanka Sharafta badan iyo Sunnaha Nabigaba waxa kusoo aroortay in qofku haddii aanu Xaqqii uu Ilaahay ku lahaa iska gudin, Camalkiisuna ahayn mid wanaagsan uu ku Cataabi doono In dib loo celiyo – si uu wax uga soo beddelo noloshiisii.

Aan kusoo xidho dhawr qodob oo warbixintan iyo guud ahaanba mawduuca la xidhiidha;

– Noloshu albaab laga soo galo iyo mid laga baxo ayay leedahay – Dhalasho iyo Dhimasho. Wakhtiga aad noolaanaysaa ma cadda. Halka aad u socoto ku xisaabtan inay Aakhiro tahay, shayga kali ah ee kuu raacayaana uu yahay camalkii aad qabatay wakhtigaad noolayd. U Noolow si Ilaahay Raalli ka yahay, hana ka bixin deyrka Ilaahay.

– Qorshayaasha aad dajisato nolosha fuli oo dib ha u dhigin. Waxa suurto gal ah in berri-da aad la sugaysaa ay noqoto mid aanad fursad u helin inaad sii noolaato. Qorshayaashaas cidna ha u daba fadhiisan – haku ixtiraamin inay aqbalaan oo madaxa u ruxaan, hana ka sugin inay kugu garab galaan oo sacabka kuu tumaan.. Dabcan Haa, waa la is caawin karaa oo la is tilmaami karaa laakiin markasta waa Adiga cidda ay tahay inuu rumeeyo rajadiisa.

– Samayso xirfad ama aqoon aad mustaqbalka rabto inaad meel ka gaadho. Wax badan ka korodhso mawduucaas oo ku wanaagsanow.

– Wakhti la qaado dadka aad jeceshahay, tus inaad jeceshahay, farxad ku abuur noloshooda iyo qalbiyadoodaba. Qoyskaagu ha ugu horreeyo dadkaas.

– Run ku hadal, maskaxdaadana u adeegso sida ugu fiican. Haka baqan inaad caqligaaga soo bandhigto. Hana la dhiman hal-abuurkaaga/hibadaada.

– Nolosha dhibaatooyin lagama waayo. Waxyaabaha nolosha kaasoo gaadha cidna ha uga caban, hana ka baqan inaad waajahdo oo wax ka qabato. Haddii aad cid isku dhacdaan, raalli galin bixi, horena u soco. Maya, maaha inaad qalad kasta raalli galin ka bixiso, il duuf arrimaha qaar – qaangaadhnimada qofka ayay ka mid tahay in wax kasta aanad ka fal-celin.

– Waa muhiim inuu jiro qof dadka kale oo dhan kaaga dhaw. Saaxiib ama Xaas kuu doono ha noqdo e, qofkaas la wadaag wixii habboon inaad ka sheekaysataan. Qofka se daacad u ahaw!

– Noloshaada run ku dhis, runna ku dhaq. Haka baqan inaad ahaato qofkaad tahay. Haddii aanad wali is helin is raadi, oo is ahaw! Ogow waxyaabaha aad jeceshahay ee aad ku faraxdo haddii aad hesho. Sanqadha qalbigaaga dhagayso, isagaa ka saxsan beenta maskaxdaada ka dhex guuxaysa.

– Ugu dambayn, ogow farxaddu maaha wax la sugo ee waa shay la abuurto, mana aha wax qof gaar ah, shay gaar ah iyo meel/wakhti gaar ah ku xidhan!

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Siciid

Email: abdirahmansaed8@gmail.com

Xigasho: Weedhsan Corporation

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *