Talooyin Ku Saabsan Tababarka Tuunjiga Ee Caruurta

Waalidiin badan ayaa u hammuun qaba inay arkaan ilmahooda oo garaay isticmaalka tuunjiga iyo musqusha taasoo muujisa inuu gaaray heer korniin oo muhiim ah. Tani waxay yareysaa howshii iyo kharashkii dhaybarka ama xafaayada.

Mudo intee le’eg ayay ku qaadan kartaa in ilmuhu barto tuunjiga?

Caruurta qaarkood maalmo ayay ku bartaan isticmaalka tuuniga  halka qaar kalena ay ku qaadan karto bilo.

Goormee ayaa ilmaha lagu bilaabaa tuunjiga?

Inkastoo ayay caruurtu kala duwanaan karaan hadana caadiyan waxay jir ahaan iyo maskax ahaanba diyaar u yihiin barashada tuunjiga da’da inta u dhexeysa 18 bilood ilaa 3 sano.

Maxay yihiin calaamadaha lagu garan garo in ilmuhu diyaar u yahay tuunjiga?

  • Waxaa uu kontarooli karaa murqaha kaadi haysta iyo malawadka. Tusaale inuu saxaroodo waqtiyo la saadaalin karo maalintii.
  • Iskuma kaadsho habeenkii.
  • Waxaa uu soo kacaa dhaybarka oo qalalan hurdo yar kadib.
  • Surwaalka oo uu iska bixin karo islamarkaana dib u gashan karo.
  • Waxaa uu muujiyaa calaamado raaxo la’aan marka dhaybarka uu qoyan yahay ama wasakhaysan yahay.
  • Wuu kuu sheegtaa marka ay kaadi ama saxaro hayso.

Tallaabooyinka aasaasiga ah ee tababarka tuunjiga:

  1. Qiimaynta: Qimee in ilmahaagu diyaar u yahay tababarka tuunjiga, haku cadaadin hana ku qasbin barashada tuunjiga hadii uusan diyaar u ahayn.
  2. Iibso tuunji ku habboon: Gado tuunji le’eg cunuggaaga dhinaca dhinaca cabirka.
  3. jadwal: Samee jadwal gaar ah oo aad cunugga ku barayso tuunjiga maalin kasta, waqti gaar ah ku fariisi tuunjiga si aroortii marka uu soo tooso, quraacda kadib ama qubayska ka hor. Waqtiyada qaar hadii ilmaha oo qaba dhaybarka uu ku dhex saxarado ama ama ku dhex kaadsho kabixi dhaybarka halaysan oo ku fariisi tuunjiga. Tani waxay fahamsiinaysaa meesha loogu talo galay kaadida iyo saxarada inay aadan waxay kaloo sahlaysaa inuu aqbalo oo u la qabsado tuunjiga.
  4. Tus sida loo isticmaalo musqsuha: Caruutu waxay wax ku bartaan koobiyaynta, hadii uu arko adigoo musqusha galaya waxuu fahmayaa waxay musqushu tahay. Way caawinaysaa hadii aad la hadasho oo aad sharraxdo musqusha waxay tahay iyo sida loo isticmaalo. Tus caruurta waa wayn oo isticmaalaya musqusha.
  5. Dhiirageli: Marka cunuggu soo jeedo ka bixi dhaybarka adigoo tuunjiga u dhigaya meel uu ka arki karo. Isla markaas u sheeg ilmaha inuu isticmaalo tuunjiga haddii kaadi/saxaro qabato. Mararka qaar xasuusi inuu ku fariisto tuunjiga. Xilliga uu ku fadhiyo tuunjiga mashquuli u hees una sheekee ilmaha. Amaan badan huwi cunugga haddii uu barto inuu cabaar ku fadhin karo tuunjiga.
  6. Si deggan ula qabso shilalka tabarka tuunjiga: Waxaa suurta gal ah inay shilal dhacaan marka uu tuunjiga baranayo tusaale ahaan inuu dharka iska siibi waayo oo roogga ku kaadsho ama inuu ilaawo inuu aado tuunjiga. Hadii shilal ay dhacaan ha caroon hana garaacin. Inuu si fiican u barto tuunjiga waqti ayay qaadanaysaa.
  7. Tababarka tuunjiga ee habeenkii: Caruurta dhibaato ayay ku tahay isticmaalka tuunjiga ee habeenkii, sidaas daraadeed ha tuurin dhaybarka, waa muhiim in habeenkii loo galiyo. Caruurta yaryar ma awoodaan inay soo kacaan oo ay tuunjiga aadaan waayo saacado badan ayay jiifaan ma koontorooli karaan kaadida.Waalidiinta inta badan waxay  tababarka tuunjiga ee habeenkii caruurta ku bilaabaan marka ay garaan 3 sano ilaa 4 sano jir. Xiligaan waxaa fiican in tuunjiga loo dhigo meel u dhow sariirtiisa, nalka waa u dayn kartaa.
  8. Isku-kaadinta: isku-kaadinta habeenkii waa caadi ilaa ilmuhu ka gaarayo 4 ilaa 7 sano jir. Haddii aad goo’aansato inaad ka joojiso inaad dhaybar u xirto ilmaha habeenkii joodariga ka kor mari bac si kaadidu aysan ugu gudbin joodariga.

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *