Caruurta Isku Kaadida Habeenkii (Bed-Wetting) Iyo Sida Loola Tacaalo

caruurta isku kaadida

Caruurta isku kaadida:

Gogosha ilmaha iyo dharkiisa oo qoyan,  ilmo ceebaysan iyo waalidiin xanaaqasan waa wax ka dhaca guryo badan oo qoysas ku ku nool yihiin. Waxaan meesha ku jirin in laga welwelo inaan ilmaha si fiican loogu tababarin isticmaalka musqusha ama in laga shakiyo in ilmuhu ka caajisayo inuu musqusha tago habeenimada.  Mar walba waxaa muhiim ah in maskaxda lagu hayo in gogosha oo ilmuhu ku kaadiyo habeenkii inay caadi tahay oo ay ka mid tahay korriinka ilmaha.

Guud ahaan carruurta ka yar 7 sanno jir oo gogosha ku kaadiya habeenkii waa wax caadi ah,  oo weli ilmuhu uma bislaan inuu xiriirsiiyo maskaxdiisa iyo kaadi-haysta oo ah meesha lagu kaydiyo kaadida. Carruurta qaar ka mid ah marka ay afarta sanno jiraan ayay joojiyaan inay gogosha ku kaadiyaan. Haddii ilmuha ka wayn 7 sanno sariirta ku kaadiyo habeenkii isaga oo aan ogayn ayaa istaahisha in laga welwelo oo loo raadiyo xal.

Qoynta gogosha ee ilmaha waxaa loo kala saaraa labo qaybood oo kala ah:

  • In ilmuhu marka uu gaaro 6-7 sanno uu weli gogosha ku kaadinayo. Noocan waxaa inta badan keena in ilmuhu waalidiintiis ka dhaxlo hidde-sidde sabab u ah in gogosha la qooyo. Si kale haddii loo yiraahdo ilmahu wuxuu ka dhaxalay cilladan waalidiintiis oo waaggii ay yar yaraayeen sidaan oo kale ahaa.
  • In ilmuhu joojiyay inuu isku kaadsho,  laakiin lix billood ka dib  bilaabo inuu haddana gogosha qooyo inta badan waxaa keena dhibaato caafimaad ama jirro maskixiyan ah.

Sababaha caruurta isku kaadida

Sababaha keena in carruurtu sarriirta qooyaan weli dood ayaa ka taagan, laakiin inta badan waxaa loo aaneeyaa arrimo dhawr ah:

  • Dhaxalka oo la aaminsan yahay in carruurta gogosha qooya iyaga oo jiifa inuu keento hidde-side ilmuhu ka  dhaxlo waalidiintiis.
  • Kaadi-haysta oo la daahda qaangaarnimada: Kaadi-haysta oo ah kiishka lagu kaydiyo kaadida ayaa qaar ka mid carruurta sidii la rabay ugu qaangaari wayda. Waxaa jira xiriir ka dhexeeya maskaxda iyo kaadi-haysta oo ah in maskaxdu amarto marka ay munaasibka tahay in la saaro kaadida ku jirta kaadi haysta.
  • Anti-diuretic Hormone oo ah hormoon la sii daayo mar kala jiifo oo u sheega kilyaha inaysan samayn kaadi inta hurdada lagu jiro. Qaar kamid ah carruurta lama sii daayo hormoonkaas,  sidaas awgeedna waxaa la sameeyaa kaadi badan oo gogol-qoynta keeni karta.
  • Carruurta hurdada wayn oo ah kuwo gala hurdo aad u qoto dheer oo ay adag tahay in si fudud xitaa lagu toosiyo. Qaar badan oo ciyaalka isku kaadsha ayaa ah kuwo hurdo culus gala.
  • Kaadi-haysta oo yar oo keenta in markiiba ay maskaxda ku wargaliso inay buuxdo.
  • Callool istaagga oo keena in saxarada adag ee ku jirta mindhicirka wayn ay riixdo kaadi-haysta xiliga la hurdo dabadeedna si kontrool la’aan ah kaadida loo fasaxo.
  • Welwelka iyo isku-buuqa  carruurta ayaa la aaminsan yahay inuu qayb ka qaato dhibtaan. Carruur badan oo waalidiintood kala tageen ama cabsi kale hayso ayaa la ogaaday inay ku dhaco gogol-qoynta.
  • Cuddurada ku dhaca habdhiska kaadimareenka iyana way keeni karaan gogol-qoynta.

Siyaabaha loola tacaalo Gogol-qoynta

Marka ugu horaysa walidiintu waa inay xaqiiqsadaan inuusan jirin cunnug si kas ah ama si caajisnimo ah gogosha u qoynaya habbeenkii. Waa in la aaminaa inay jirto sabab ka wayn awooda ilmha oo keenaysa gogol-qoynta. Carruurta yar yar waxay dareemaan ceeb iyo fadeexad marka lagu ogaado in sarriirtoodu qoyan tahay. Waxay carruurtu u baahan yihiin in loo garaabo oo la darreensiiyo in dhibtani tahay mid caadi ah oo carruurnimadu keento oo iskeed u istaagaysa.

Waalidiintu waa inaysan canaanan ama  garaacin ilmaha laga yaabo inay mar horaba welwelsanaayeen.  Isticmaal tabahaan hoose si aad uga hortagto in ilmuhu gogosha qooyo.

  • Ku dhiirigali ilmaha inay kaadshaan inta aysan habbeenkii seexan
  • Yaree cabitaanada carruurta ee habbeenkii inta aysan sarriirta tegin.
  • Yaree isticmaalka Shaaha, chocolaatada iyo sooodhada habbeenkii.
  • ku dabool joodariga ama gogosha ilmaha bac
  • Haddii ay muhiim tahay gaarsii ilmaha dhaqtarkiisa si loogu qoro daawo caawisa ka hortaga gogol-qoynta.

Source: Daadah.com

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *