Maxaa sababa Koritaan Xumada Iyo Itaal Darrrada Caruurta ( Failure To Thrive)

Koritaanka ilmaha ayaa ah mid ku xiran waqtiyo kala duwan. Lagasoo bilaabo xiliga uu dhasho ilaa uu ka qaangaarayo waxuu ilmo walba maraa heerar kala duwan. Waqtiyada koriimada ilmaha ayaa ah mid aad ugu muhiim ah caafimaadkiisa. Ilmaha aan u koreyn si caadi ah waqtiga loo baahnaa ayaa ah ilmo lagu macnayn karo inay haysato koritaan xumo. Ilma walba oo dhasha hadii nolosha loosiidaayo waxuu maraa heerar kala duwan sida isrogrogid, gurguurasho, istaagid iyo socod. Ilmaha qaar ayaan ku guurguuran ama ku istaagin xiligii loogu tala galay. Koritaan xumada ilmaha ayaa saamaynaysa muuqaalkiisa jireed iyo koritaanka caqligiisaba.

Maxaa sababa koritaan xumada ilmaha

Kortitaan xumada ilmaha ayaa ka imaan karta sababo la xiriira caafimaadka sida dhiigyarida ama xanuun ku dhaca qanjirka thyroid-ka loo yaqaano kaasoo soo daaya hormoono kontoroolo shaqada burburinta nafaqada ee unugyada jirka iyo abiteeytkaba. Nafaqo xumada ayaa kujirta qodobada ugu horeeya ee sababa koritaan la’aanta iyo itaal yarida ilmaha. Hadii  uu ilmuhu quudan waayo cuno kufilan ama uu heli waayo nafaqo daboosha baahidiisa waxuu noqonaya mid aan u korin sida caadiga ay ee asaagiisu u korayaan. Mararka qaar waxaa dhici karta inay jiraan xanuuno kale kuwaasoo walwal ku abuura waalidka iyagoo ka walwalaya sababta keentay in ilmahoodu uusan u korin si lamid ah caruurta kale.

Koritaan xumada ilmaha ayaa keeni karta in ilmuhu uusan jirkiisa iyo maskaxdiisu u noqon kuwo u kora si caadi ah. Ilmaha aan u korin sida caadiga ah ama waaya nafaqada jirkiisu u baahan amaba aan laga daweyn xaaladaha ku keeni kara dib u dhaca koriimada ayaan maskaxdiisu u shaqayn sida caadiga ah ee asaagiis. Waxaa ilmaha noocaan ah ku yar xasuusta, hal abuurka, fikirka, ladhaqanka bulshada oo dhibi ka qabsato, walwal joogto ah iyo ku mashquulida isbarbar dhiga naftiisa iyo asaagiisa.

Daawada koritaan xumada ilmaha ayaa ku xiran in lafahmo hadba sababta keentay. Daweynta xanuunada keeni kara xaaladaan sida dhiigyarida ayaa xal u noqon karta in daawo loo helo xaaladaan. Sixitaan ama siinta ilmaha nafaqada uu ubaahan yahay waxay sahli kartaa inuu u koro si caadi ah. In badan oo kamid ah dhakhaatiirta caruurta ayaa aaminsan in xaaladani ay ka imaan karto walwal iyo cabsi uu ilmuhu kala kulmo guriga ama goobaha waxbarashada. Waxayna ku taliyaan in ilmaha laga ilaaliyo wax walba oo ku keeni kara dhaawac maskaxeed taasoo sabab u noqon karta inuu noqdo mid la nool walwal iyo islahadal joogto. Waalidka ayaa door

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *