Sidee Wax Loo Akhriyaa? NOQO AQOONYAHAN!

Ku soo dhowaadaa xalqadii 9-aad ee korsadii la magac baxday SIDEE BAAN KU NOQDAA QOF AQOONYAHAN AH, OO AAN AQOONTEYDA U DHISAA? Qeybtaan ayuu ustaad Mubarak Hadi nagula wadaagayaa mowduuc aad muhiim u ah oo uu cinwaankiisu yahay SIDEE WAX LOO AKHRIYAA, Hababka wax loo alhriyo ama siyaabaha wax loo akhriyo.

Waxaa dhab ah qofku marka uu la noolaado raadinta tabaha wax loo akhriyo, waxa la akhriyo iyo muwaadiicda la midka ah, waxaa hubaal ah inuu cagta saaray dhabbihii uu maalin un uga mid noqon lahaa dadka aqoonyahanka ah, waayo qofka aqoonyahanka ah waxa ugu badan ee sameeya waa waxa uu akhriyo, habka uu akhrinayana qofku inuu ogaado aad ayay muhiim u tahay.

Dadku 4 nooc ayay wax u akhriyaan oo kala ah:

  • Inay waqtiga iskaga lumiyaan ama ay waqtiga ku dilaan
  • Inuu qofku macluumad raadinayo
  • In qofku uu wax u akhriyo si Macluumad u yaqaannay wax uga sii ogaado
  • Inuu qofku wax u akhriyo si uu cilmi u sii gudbiyo sida inuu muxaadaro jeedinayo, tababar uu qabanayo ama buug uu qorayo iwm.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *