Qorshaynta Waqtiga Iyo Muhiimada Ay Leedahay

Qorshaynta waqtiga, waqti,Asaalumu caleykum waraxmatulaahi wabaraakaatu bacda salaan waxaa mahad iska leh ILAHAY (SWT) abuuray koonkan. Waxay amaan u sugnaatey nabigeena suban (NNKH).  Maanta waxaan donaya bal inaan dib u xisaabino waqtigii inaga tagey iyo siduu inagu dhaafey ama aan u luminay una qorshayno wakhtigeena soo socda. ugu horayn waxaad is waydiiisa:

Waa maxay waqtigu?

Suashani qeexid badan uma bahna  wakhtigu waa adiga iyo noloshaada. Sida wadnaahagu u garacayo ilbidhiqsi kasta ayuu waqtiguna u socdaa. Diinteena maxay ka tidhi waqtiga, ilahay wuxuu kaga hadley ayaado badan oo quraanka kariimka ah isgagoo ina tusaya muhiimada waqtigu leyahay isagoo ku dharanatay ayado badan. Nabigeena NNKH wuxu inoo sheegay in afar qodob malinta qiyaame lays waydiinayo laba ka mida sualahaas waxa  weyaan cimrigaaga iyo dhalinyaranimadaadii wixii aad ku samaysay.

Qiimaha waqtiga

Aduunwaynaha dal walba si buu u cabirtaa. Dadbadan waxay ku qiimeyaan waqtiga lacagta ama dahabka. Oo ah sheeyo qaliya. Bal kasoo qaad in ay subax kasta bangigaaga ku soo dhacdo 86400 $ oo lacaga hami intee le eg baa ku gali lahaa. Qorshe intee le eg baad dajin lahayd? Malaga yaabi laha inaad hurudo? Malalaga yaaba adoon ks ba faaidaysan inuu gabalku kuu dhaco oo ay saa kugu dhaafto adoon shilin ka isticmalin? Taas waa maya,  hadaba waxaad haysataa 24 sacadood oo dhiganta 86400(s) ama ilbidhiqsi oo u dhiganta 86400$. Hadaad hal second dayacdid waxaad iska dayacdey hal dollar. Waliba wuxuu kaga daran yahay lacagta hal shey oo ah minitka ku dhaafa masoo noqdo. Waqtigun waa sida seefta.

Mareeynta wakhtiga

Madama oo uu waqtigu sida qaali u yahay, waa inaan u samayna qorshayn iyo maamulid waqtigaaga  kana faa’iidasataaa. Dadka waxay guul ku kala gadhaan sida ay waqtigooda uga fa’iidaystaan. Waxaan haysana dhamaanteen  waqti isku mida,  waxaa laysku dhafay siduu qof walba u qorsheeyo waqtigiisa.

Waxaad samaysataa liis aad ku qorto  qorshe maalmeedkaaga, bileedkaaga, sanadeedkaaga. Si aanu kaka lumen hal second isku ilaali liiskan.

liiskan wuxuu kuu fudaydinaya inaad kala horaysiisid howlahaaga, hore somalidu waxay ugu maahmaheen ‘’oodo dhamaceed sidey ukala sareyaan baa loo kala guraa’’. Ku dhaqanka liiskan way adagtahay , hadaba si uu kugu fududaado ku darso waqti aad naftaada u raxaysid oo aad samaysid waxyaabaha aad jeceshay.

Wakhti lumiska

Waxaa waqtiga lumiya howsha oo aad dib u dhigtid. Telefoonka ood waqti badan ku hadashid. Internetka oo aad aad u isticmaasho sida facebooga IWM. Filimada musalsalka, Qaadka iyo Hami la’aanta qofka oo aan hiigsi iyo hadaf lahayn oo iska nool.

Gunta iyo gabagabada mowducane waxay ku biyo shubanaysaa inaad ka faaidaysatid waqtigaag  si aad u gaadhid melaha aad hisanaysidoo aad if iyo akhiraba u gulaysatid. Waxaan rajaynayaa inuu inbadan oo idinka mida aanfici doono mowduucani.

Waxaan u mahad celinayaa akhristayaasha waqtigooda siyay iney mowducan ila wadagaan.

Waa Qalinkii: Samaara Maxamed Xarbi

Wixii talo tusaale iyo tabasho ah waxaad igu soo tabisaan ciwaankan: samaara0909@gmail.com

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *