Murti Iyo Hal-Haysyo Xikmad Weyn Xambaarsan

xikmado, xikmadwaa qormo gaaban oo aynu akhristayaasheenna ugu soo aruurinay erayo murti iyo xikmad balaadhan xambaarsan.

Ka faa’idaysi wacan:

– Marka qofka laga xaarrimo nolosha uu doonayo, jidka keliya ee u furani waa in uu sharciga iyo kala dambaynta la dagaalamo.

– Qofka oo naftiisa ka hela, qabkiisana ku qancaa waa tilmaamta liidashada lagu garto.

– Sirta noloshu ma’aha in aad samayso waxa aad jeceshay, balse waa in aad jeceshay waxa aad qabanayso.

– Qaraabada iyo ehelka cunto iyo cabbitaan la wadaag, laakiin abidkaa shaqo ha la wadaagin.

– Karaamada iyo weynida qofka waxa lagu qiyaasaa illaa xadka uu diyaar u yahay in uu u naxariisto kuwa xaqqiisa qaladka ka gala.

– Haddii aad caado ka dhigato in aad ka cadhooto wax kasta oo ku raalli gelin waaya, abidkaa nolosha ku xasili maysid.

– Haddii aad doonto Khayrka minjo u noqo, laakiin sharka madax ha u noqon.

– Marka aad walaalkaa ka caawiso in uu buur fuulo, waxa aad ogaataa in aad tahay qofka ugu dhow eek u xiga isaga fanashada buurtaas.

– Qofka oo cadhooda marka la canaantaa, waa astaan muujinaysa in uu mudnaa canaantaa.

– Marka aad taariikhda dib u raacdo waxa aad ogaanaysaa in runtu mar walba tahay mid aan la faafin.

– La fadhiiso dadka caqliga badan, xitaa haddii ay yihiin cadawgaaga, waayo caqligu caqliga ayuu la hadlaa.

– Badanaa walaal aanay hooyadaa dhalin.

– Cadawgaaga mar keliya ka feejignoow, laakiin saaxiib la moodkaa badan ee qofka aad la saaxiibayso kun jeer ka feejignoow. Immisay dhacday in saaxiib cadaw isu rogay uu xog’ogaalnimo boqonta ku jaray ruuxii aaminay.

– Immisuu lacag iyo hanti ururiyey nin aan calfanayn, immisaa qof cunay xoolo iyo hanti aanu ururin.

– U Sabir xaasidkaaga, waayo sabirkaaga ayaa dilaya, soo ma ogid in haddii uu dabku waayo wax uu cuno isagu is cuno aakhirka.

– Qofka xoolihiisa u foofiya kaymaha habar dugaag hoyga u ah, ee ilaashan waaya iyaga ayaa ka dammaanad qaada ilaaladiisa.

– Sharafta iyo karaamadu dhib la’aan kuma waaraan illaa dhiig lagu sadqeeyo.

– Dadka xiqdiga iyo calool xumada badan u noqon sida geedka timirta ah ee marka dhagax lagu tuuro rocob timir ah soo daadiya.

– Geesinimadu waa qofka oo cabsidiisa xakameeya, ee ma’aha cabsida oo qofka ka guurta.

– Maalin aad sida libaaxa u noolaato ayaa ka wanaag badan boqol sano oo aad sida gorayada u noolaato.

– Geesinimadu xoog ma’aha, waayo kaneecaduba waxa ay ka dhiijisa sanka libaaxa.

– Yeydu waxa ay ku xad gudubtaa qofka aan Ey lahayn.

– Geesinimadu waa qiimaha keliya ee lagu iibsan karo nabadda.

– Tijaabada ugu weyn ee lagu qiyaasi karo geesinimadu waa qofka oo la eego sida uu ugu adkaysto guuldarrada iyo jabka, lana hubiyo in aanay ku ridin niyad jab iyo mooral xumo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *