Ma Doonaysaa Inaad Noloshaada Ku Raaxaysatid? Raac Tallaabooyinkaan

Qodobo muhiim ah si aad noloshaada ugu raaxaysatid

1- ha laga helo iimaan qalbigaaga

2- wax tegay tiigsimaad ma leh, ha ka fekerin wixii ku dhaafay

3- ku qanac xukunka Alle, iyo risqiga lagu siiyeye

4- badi xuska Alleh

5- ka nadiifi qalbigaaga xasadka iyo xiqdiga

6- ku dedaal akhriska,kitaabku waa saaxiib wanaagsan

7- nidaami hawlahaaga,maryahaaga,gurigaaga,xafiiskaaga,….

8- ku dedaal socodka iyo jimicsiga,qalbiga fayow wuxuu ku jira jidhka fayow.

9- akhri buugaagta taariikhda ah si aad wax uga ogaato sooyaalka nolosha.

10- ha badsan waxyaabaha ay ka mid yihiin shaaha,kafeega,kana dheerow maandooriyaha

11- ku dedaal nadaafada maryahaaga iyo bilicda muuqaaga.

12- xusuusu in Alle denbi dhaaf badan yahay

13- Alle uga mahad naq nimcooyinka uu ku siiyey ee ay ka mid yihiin araga,risqiga,diinta,caafimaadka,maqalka…….

14- ogow in dadka ay ka mid yihiin kuwa waayey caqligii,caafimaadkii,laxaadkii,……………

15- ku dedaal akhriska qur’aanka,dhegeysigiisa,xifdintiisa,waayo wuxuu qur’aaka daawo ka yahay xanuun kasta.

16- Alle talo saaro,isagaa kugu filane

17- cafi qofka ku dulmiya,xidhiidhi ka ku gooya,u dulqaado ka kugu xad gudba.

18- ku cel-celi kelmada(laaxawla walaaquwata ilaa bilaah),Alle ayey raali gelisaaye.

19- badi istiqfaarta,waxaad helidoontaa risqi,ubbad,cilmi naafica……………..

20- ku qanac muuqaalkaaga,shaqadaada,dhaqaalahaaga, gurigaaga iyo ehelkaaga………….

21- ogow in dhibaato kastaa uu weheliyo fudeyd,maalmuhuna ay is bed-bedalayaan.

22- noqo mid niyad san, hana noqon mid niyad jabsan.

23- ku farax wax Alle ku dooro,waayo waxaa dhici karta wax aad dhibsatid oo wanaag kuugu jiro.

24- u samo fal dadka sida adoo siyaaranaaya kuwa buka,wax siinayaa ka baahan,caawinaaya ka tabaaleysan……

25- ka dheerow malah xun,iyo fikradaha khiyaaliga ah ee buka.

26- ogow hadii dhib kugu dhoco inaadan keli ku ahayn ee ay jiraan dad kula qaba.

27- ogow in aduunyadu tahay meel imtixaan iyo dhib

28- hala fadhiisan dadka xun-xun sida: bakheylada,xasidiinta,…waxay kugu talaalayaan cudurkooda.

29- ku dedaal inaad salaada wakhtigeeda oogto.

30- iska Ilaali dunuubta,waayo iyagaa ah ilaha murugada.

31- dheg ah u dhigin kutiri ku teenta iyo hadalada xun ee suuqa lagu geliyo,waayo waxay dhibayaan ka yidhaahda ee adiga ku dhibi maayaan

32- hadii cadawgaagu ku caayaan ogow inaad tahay qof qiimo leh,waayo hadaadan qiimo lahayn cidba kuma sheekteen.

33- ogow in qofka ku xuntaa ku siiyey xasanaadkiisii.

34- ha isku adkeynin cibaadad iyo sunnaha ee ka dhig meel dhexaad.

35- noqo qof geesi ah oo go,aan iyo doonitaan leh.

36- ku dedaal inaad noqoto qof deeqsi ah si aad u hesho laab furnaan.

37- u fur wejigaaga dadka,oo kula hadal hadalo wanaagsan,iskuna dhul dhig si ay kuu sharfaan.

38- yeelo asxaab faro badan adoo ku xulanaaya dhaqan iyo diin wanaagooda.

39- ku dedaal inaad kasbato ducada labadda waalid si ay kaaga noqoto gaashaan dhibaato kasta.

40- qaybi hawlahaaga oo hal mar dabada hayskugu qaban,balse u yeel wakhti iyo jadwal iyo xili nasasho.

41- eeg qofka kaa hooseeya quruxda,caafimaadaka,aqoonta,dhaqaalaha,shaqada,si aad u ogaato in lagaa liito

42- ogow in qof kasta oo aad la macaamishaa uu leeyahay nusqaan iyo ceeb,hadad doonto walal bilaa nusqaan ahna waxaad ku dhici bilaa walaal,saaxiib,ehel………….

43- iska Ilaali inaad wax u dhinto sharafta dadka,hana laga nabad galo carabkaaga iyo gacantaada.

44- yeelo wakhti aad naftaada ku xisaabiso.

45- ku dedaal inaad kasbato risiqi xalaala, daryeelmagazine.com ayaa ku leh iska Ilaali xaaraanta iyo inaad dadka wax weydiisatid.

46- xidho maryo caadiya,hana ku caan bixin lebbis gaara.

47- iska Ilaali cadhada.

48- isku day inaad marmar safarto si aad u ogaato inuu jiro caalam aan ahayn kan kugu xeeran ee aad taqaan.

49- ku hayso jeebkaaga buug xusuusu qor(note book)si aad u ilaaliso hawlahaaga,wakhtigaaga,iyo balamada.

50- dadka ku bilow salaanta adoo dhoolo cadeynaay si aad u kasbato qalbigooda.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *