Hurdo Intee Le’eg Ayuu Qofku U Baahanyahay Bisha Ramadaan?

hurdada bisha ramadaanDhakhaatiir caalami ah, ayaa soo jeediyey in qofka soomman u baahan yahay bisha Ramadaan hurdo dheeraad ah maalintii, gaar ahaan inuu waqti yar indhaha isku qabto si uu u nasto.

Qofku inuu hurdo ku filan helo waqtiyada habeenkii inta Ramadaanta lagu jiro waxay faa’iido u tahay inuu cibaadiisa sii wato, sida ay sheegeen dhakhaatiirtu.

Dr. Maxamed Rafique oo ah Madaxa Xannuunada guud iyo daawanta hurdo xumida ee Cusbitaalka Prime Hospital ee magalada Dubai, ayaa u sheegay wargeyska Gulf News ayaa in hurdada dheeraadka ah ee bisha Ramadan amma nasashadu ay faa’iido u leedahay caafimaadka qofka.

“Ugu yaraan in qofku seexdo afar saacadood iyo badh ilaa shan saacadood ka hor suxuurta iyo dhawr saacadood kadib waxay u fiican tahay caafimaadka iyo soonka qofka,” ayuu yidhi Dr. Rafque.

Dhakhaatiirtu waxay intaa ku dareen in 30 daqiiqo oo hurdo yar ah oo qofku helo maalintii ay awood badan geliso, jidhka iyo maskaxduna ku nasato.

Dr. Rafique waxa uu hoosta ka xarriiqay in dadka badankoodu hurdo fiican aanay Ramadaanta helo, halka qofka hurdo ku filan helaa aannu xannuun iyo dhib dareemin inta uu soomman yahay, waxaannu soo jeediyey in cuntada badan ee habeenkii xilliyada dambe la cunayo la iska yareeyo si aana hurdada uga carqaladayn, isagoo xusay in cuntadaasi kor u qaaddo aysiidha jidhka amma dhuumaha cuntada, kadibna qofka uu ku dhaco laab jeexan keena hurdo la’aan.

Dr. Babu Shershad oo ka tirsan Xarunta Caafimaadka Dubai, ayaa sheegay in saacadaha hurdo ee dadku u baahan yihiin la khalad fahmo, waxaannu yidhi; “Jidh kastaa waxa uu u baahan yahay hurdo ku filan, taasoo ku xidhan sida noloshiisu tahay hadba. Dadka qaar baa u baahan siddeed saacadood, halka kuwo 3 amma 4 saacadood ku filan tahay oo habeenkii ah.”

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *