Haanbeegar Caafimaad Leh Oo Caruurtu Ay Jecel Yihiin

haanbeegar caafimaad leh somali handburgerKusoo Dhawaada Cooking With Hafza, maanta waxaan idin tusinaynaa sida loo diyaariyo haanbeegar Caafimaad leh oo dhadhan macaan kaasoo laga samaynayo misir, khudaar iyo mushaali.

Digirta misirta waa leedahay nafaqooyin qiimo badan, waxay hodan ku tahay borotiin, waxaa kaloo  ku jira fiber, folate iyo magnesium oo muhiim u ah caafimaadka wadnaha.  Misirtu waxay yareysaa kolestaroolka, waxay hoos u dhigtaa heerka sonkorta dhiiga.

 

Akhriso: faa’iidada digirta misirta 

Habka diyaarinta haanbeerkan:

Waxaa loo baahan yahay:

  • Misir
  • Mushrooms
  • kabsar caleen
  • 1 xabbo oo basal ah
  • 2 qaado oo saliid ah
  • Filfil shiidan
  • Toon shiidan
  • Cusbo
  • Mushaali

Misirka waa la karkarinayaa kadibna waa la shiidayaa alaabta kale gaar ayaa loo shiilaya, waa la isku dardarayaa kadibna waxaa la dhex gelinayaa rooti.

Daawasho wacan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *