Dumarka Casriga Ah Waxay Ragga Ku Jeclaadaan 6-daan Arrimood

Jacaylka haweenku kuma xidhna oo ragga kuma xushaan dherer, midab amma qurux, balse waxa jira arrimo si gaar ah u cajabiya oo ay aad u jecel yihiin inay ka arkaan wiilasha gayaankooda ah, kuwaasoo haddii ninku yeesho uu qalbiga gabadhu u nuglaanayo, kalgacal xad-dhaaf ahna u qaadayso.

Dhammaan waxyaabahaasi waxay ku tacaluqaan muuqaalka ninka, habka lebbis-qaadashada iyo sidoo kale dabeecadihiisa, waxana ka mid ah lixdaan astaamood ee daryeelmagazine.com uu halkaan ku xusayo:

1. Nadaafadda:
Gabadhu waxay aad u xiisaysaa in ay gayaankeeda ku xulato inuu noqdo nin nadaafad badan oo jecel in dharkiisu bilic leeyihiin, waxaanay badanaa ka eegaan dhinaca ciddiyaha inuu nadiifyo, isla markaana dharkiisu ifayaan, taasina waxay suurtogelisa in haweenaydu u qaaddo jacayl iyo kalgacal rasmi ah.
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee raggu dareenka haweenka ku soo jiitaan waxa ka mid ah inuu noqdo mid wejigiisu furan yahay oo qosol badan aan lahayn, sababtoo ah waxay aad uga baqaan ragga aadka u cadhada badan ee badana murugadu ka muuqato wejigodo.

Haweenku waxay aad u jecel yihiin ragga la qosla ee xataa haddii ay khalad ku sameeyaan u dulqaata, qosolna ku raaligeliya, sababtoo ah waxay aad ugu nugul yihiin baqdinta iyo in ay dareennada ka qataan muqaalka guud ahaaneed ee qofka.

3. Degnaanta
Ragga degen waxay aad u fahmaan dabeecada dumarka, waxaanay si fudud ku soo jiidan karaan quluubta haweenka, sababtoo ah haweenku waxay qofka degen ku qiimeeyaan inuu yahay mid nolosheeda kafaalo qaadi kara, isla markaana ay si fudud isku fahmi karaan, kaligeedna ku koobnaan kara, halka qofka duul duulka badan ay ka shakiyaan dabeecadihiisa is rogrogi kara ee uu ku soo jiidan karo dhiggeeda.
Waxa ragga degen ku jecel yihiin waxay aaminaan inuu nolosheeda dejin karo, isla markaana xaalad kasto oo ay ku sugan tahay fahmi karo.

4. Dhar-qaad amma xidhashada lebbis qurxoon:

Haweenku waxay aad u qiimeeyaan oo isha la raacaan ragga lebbiskoodu quruxda badan yahay, gaar ahaan waxay jecel yihiin xidhashada dharka casriga ah amma kuwa dhexe ee waqtiga la taagan yahay la tallaabsanaya.
Lebbiska quruxda badan ee soo jiidashada leh waxa uu ka mid yahay waxyaabaha ka dhex guuxa quluubta haweenka, isla markaana raggu ku soo jiitaan, balse waxa fiican inay ku raacaan lammaanahooda dabeecadda iyo dhaqannada wanaagsan ee gabadh kula wadaagi karto mustaqbal nololeed.

5. Tus inaad dan ka leedahay:
Dumarku waxay si joogto ah u hubiyaan in la jecel yahay, lana danaynayo, waxaanay ku tijaabiyaan arrimahaas in markay hadlayso ninku u soo jeedo, awaarmiirta jacayl ee ay fartana qaato, markay wada joogaana ka ilaaliyo dhibaatooyinka, kana naxo waxyaabaha siga ee halista ah. Haddii ay arrimahaas ka waydo gabadhu lammaanaheeda waxay iska dhaadhicisaa inaannu wax dan ah ka lahayn, waana dhibaatada haysata rag badan oo aad u adag, naxariistuna ku yar tahay, kadibna haweenkoodu ka yacaan xataa iyagoo jecel.

6. Qosolka amma dhoola-caddaynta:

Dhoola-caddayntu waa mid ka mid ah arrimaha aadka u xiise geliya haweenka da’ kastoo ay jiraan, sababtoo ah waxay halkaas ka dareemaan naxariis iyo in qofku u bogay. Haddii marka gabadhu eegto ninka waa inuu ku qaabilaa weji farxad leh iyo dhoola-caddayn.

Marka gabadhu aragto ninka ay ka heshay oo si naxariis iyo qosol ku dheehan yahay u jalleeca dhankeeda waxay dareentaa inay kaligeed adduunka isaga dartii ugu nooshahay…Dhammaad…

Ibraahim Khadar Siciid

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *