Darasaad Muujinaysa In Gabdhuhu Imtixaanka Derejo Sare Keenaan Marka Fasallada Khaas ku Yihiin Oo Aanay Wiilal…

imtixaankaCilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen Jaamacadda cilmi-baadhista lagu barto ee Maraykanka, ayaa daaha ka qaaday in habluhu ay xagga waxbarashada ku wanaagsanadaan marka jaamacad amma fasal u gaar ah ay kalidood wax ku bartaan ee aanay inamaddu la dhigan wax.

Daraasadan oo muddo aad u dheer la waday, ayaa lagu tijaabiyey ardey jaamacadaha dalka Maraykanka wax ka dhigata, iyada oo inamada iyo hablaha laba kooxood loo kala jaabiyey, taas oo la oggaaday in imtixaannada shahaadiga ah ay haweenku dhibco sare ka keenaan marka ay kalidood noqdaan.

Haweenka daraasadan laga qaaday oo fasalada kalidood wax ku dhiganaayey, ayaa sheegay in ay raaxo, degenaan iyo kalsooni dareemaan marka uu fasalku bilaa wiilasha yahay.daraasada

Cilmi-baadhistan ayaa daba socotay mid hore loo qaaday oo lagu oggaaday in haweenku ay aad wiilasha ula tartamaan marka fasal gooni ah haween qudha la isugu geeyo, iyaga oo aad uga firfircoonaaday marka wiilasha meel wax kula dhiganayaan.

Cilmibaadhistan ay samaysay jaamacadda ESSEx oo uu madax u ahaa dr. Patric Nolen iyo Prof. Alison Booth, ayaa kala qaybiyey 800 oo ardey oo isugu jiray inamo iyo hamblo oo gooni u kala saaray labkii iyo dhedigii, waqtigaas oo ay qaadanaayeen maadada dhaqaalaha, dhammaadkii sannadka isku celcelista kooxihii hablaha ahaa ay imtixaanka ka keeneen waxaynoqotay 7.5%, waxaana sidoo kale lagu oggaaday in haweenku dhammaan koorasyadii la qaadanaayey ay ka soo xaadireen si isku mid ah.

Hablihi wiilasha laga saaray ayaa71% fasalkay dhiganaayeen ka soo xaadiray, halka kuwii wiilasha meel wax kula dhiganaayey oo imtixaankiina hooseeyey ay 63% ka soo daahireen duruusta waxbarasho.

Corina Musat oo 20 jir ah, kana mid ah hablaha goonida la isugu saaray, ayaa sheegtay; “Hawadu aad bay noogu wanaagsanayd aadna waannu u xooganayn oo isugu xidhnayn, sababta oo ah dhammaantayo waxaannu ahayn hablo.”

Emilia Matei oo iyaduna 20 jir ah ayaa tidhi; “Waxaan u malaynay in uu ahaa fasalkii ugu wanaagsanaa ee aan waligay dhigto, sababta oo ah waxa uu ahaa hablo khaas ah.”

Dr. Nolen, ayaa jaamacadaha Maraykanka u soo jeediyey in siyaasad cusub laga dhigto in hablaha gooni la isugu saari si kalsoonidoodo aanay u lumin, isla markaana imtixaanka derejo sarre u keenaan.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *