Sonkorta Iyo Macmacaanka Oo La Badsado Cudurka Macaanka Miyay Keenaan?

cudurka macaanka, sonkorta, sonkorowga

Macaanku waa cudur raaga oo ku dhaca dheefshiidka, kaas oo ka dhasha heerka sonkorta dhiigga oo kaca. Waxaa la aaminsan yahay in sonkorta oo aad loo cuno ay kordhiso khatarta cudurka macaanka ama sonkorowga.

Waa maxay sonkorow maxaa se sababa?

Macaanka waxa uu yimaadaa marka jirku uu nidaamin kari waayo heerka sonkorta dhiigga. Tani waxay dhacdaa marka ganacu uu joojiyo soo saarista hormoonka insulin kaas oo caawiya in gulukoosta ay gaarto unugyada ama tamar ahaan loo isticmaalo.

Insulin-tu waxa ay caawisaa in sonkorta dhiigga ay ku ilaaliso heerkeeda dabiiciga ah, waxayna ka hortagaa inay kor u kacdo ama ay hoos u dhacdo. 

Sokorowga nooca 1-aad waa hiddo oo waxaa laga dhaxlaa waalidka. Waxas sababa unugyada khaaska ah ee ganaca ee soo saara hoormoonka insulin oo aan soo saarin wax insulin ah.  

Sokoroowga nooca 2-aad wuu ka duwan yahay nooca 1 aad sababtoo ah ganacu weli waxa uu awood u leeyahay inuu soo saaro hormoonka insulin, laakin xadka hoormonka ayaa aad uga yar xadiga saxda ah ku mana filna hormoonka jirka oo idil ama unugyada ayaa ka caaga iney jawaab celin ku sameeyaan insulinta lasoo daayay. Kiisaska cudurka sonkorowga 90% waa sonkorowga nooca 2-aad.

Akhriso: Waa Maxay Insulin? Sidee Ayay U Saamaysaa Sonkorowga?

Sidee jirku u dheefsadaa sonkorta?  

Sonkorta cad waxaa ku jira “sucrose” oo ah sonkorta ka samaysanta isku darka Fructose iyo Gulukoos. Sucrose waxaa laga sameeyaa baytaraafka ama geedka qasabka. 

Marka la isticmaalo sonkorta “sucrose”, fructose-ka iyo gulukoosta waxaa kala sooca dheecaan burburiyeyaasha mindhicirrada yar yar, ka hor inta aysan  raacin dhiigga. Tani waxa ay kordhisaa heerka sonkorta dhiigga, waxayna kicisaa ganaca si uu u soo daayo hormoonka insulin. Kadib insulin-tu waxa ay gulukoosta ka soo saartaa dhiigga waxayna geysaa unugyada si tamar ahaan loogu isticmaalo. 

 Xadi yar oo fructose ah ayaa la geeyaa unugyada waxaana loo isticmaalaa tamar, inta soo hartayna waxaa la geeyaa beerka, iyadoo looo bedelo guluukoos tamar laga dhigto ama ama dufan ahaan ayaa loo keydiyaa. 

Sonkorta xad dhaafka ah waxaa loo beddelaa ashiidho dux ah waxaana loo keydiyaa dufan ahaan. Tani waxa ay kordhisaa halista buurnida xad dhaafka ah, beerka xeyrta leh iyo wadne xanuunka. 

Cunista sonkorta oo la badsado miyay keentaa cudurka macaanka? 

Daraasado kala duwan oo la sameeyay waxaa lagu arkay in cabitaanada sonkorta leh oo la cabo maalin kasta ay kordhiso 25% halista cudurka sonkorowga nooca 2-aad. 

Xiriirka ka dheexeeya cunista sonkorta iyo cudurka macaanka waa mid xooggan, cilmi baarayaashu waxay aaminsan yihiin in sonkortu ay si toos ah iyo dadbanba ay kordhiso halista cudurka sonkorowga.  

Qof walba oo sokorta aad u cuno, qof walba oo cayilan, qof walboo sigaar caba, qof walboo dhaxal u leh xanuunka iyo qof walba oo aan jimicsan intaba qasab maahan inuu ku dhaco xanuunka sokorowga / macaanka, laakiin waxay waxyaabahaan halis geliyaan kaliya dadka u nugul xanuunka macaanka noociisa 2-aad, kuwaas oo xubintooda ganacana (pancreas) aysan si fiican u shaqaynayn ama cilladaysan tahay. 

Sokorta oo la badsado uma roona caafimaadka, waxayna khalkhal galisaa wada shaqaynta qeybo badan oo jirka ka mid ah. Qaladaadka kale ee bulshadu qaar aaminsan tahay waxaa ka mid ah in hadduu qofka ku lalaboodo cunista sokorta ama bogga looga dhago inay macnaheedu tahay in sokorta jirka ku badatay, xanuunka macaankana uu ku soo hayo ama jidka ku soo jiro, taasina waa khalad kale. 

Sonkorta laga helo cuntooyinka dabiiciga ah miyay keentaa cudurka macaanka? 

Sonkorta sida dabiiciga ah looga helo furuutka iyo khudradda waa loo burburiyaa oo jirku u nuugaa si tartiib ah inta badanna  ma sababto inay kacdo heerarka sonkorta dhiigga 

Sida ay daraasaadku tilmaamayaan, furuutka oo maalin kasta la cuno, waxa ay yareysaa halista cudurka macaanka. 

Sonkorta samayska ah miyay kordhisaa halista cudurka macaanka? 

Sonkorta samayska ah waxaa lala xiriiriyaa cudurka macaanka nooca 2-aad iyo unugyada oo ka caaga inay jawaab celin ka sameeyaan insulin ta. 

Cabista hal qasac oo cabitaanka soodhaha ah waxaa la aaminsan yahay in 25% illaa 67% ay kordhiso halista cudurka macaanka noociisa 2-aad.

Akhriso: Habab Caawinaya In Sonkorta Dhiigga La Dejiyo

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *