5 Caado Oo Siyaadiya Halista Xanuunka Macaanka

Macaanku waa xanuun waara oo ku badan dunida. Qiyaas ahaan 537 milyan oo qof oo ka mid ah dadka dunida ku nool ayaa qaba xanuunka macaanka, waxaana laga cabsi qabaa in tiradaasi ay sii kordhi doonto oo ay gaari doonto 646 milyan marka la gaaro sannadka 2030.

Tani waxa ay na tusaysaa muhiimadda ay leedahay in wax badan aan ka ogaanno macaanka islamarkaana aan ku dedaalno sidii aan uga hortegi lahayn innagoo wax ka beddelaynaa hab nololeedkeenna.

Haddaba Daryeel Magazine waxa uu halkaan ku soo gudbinayaa caadooyin kordhin kara halista cudurka macaanka.

Qaadashada cunnada caafimaadka u daran:

Sonkorta iyo macmacaanka oo la badsado waxay kordhisaa khatarta cudurka macaanka. Sonkorta badan waxaa si toos ah loola xiriiriyaa xanuunka macaanka noociisa labaad “type-2”

Fadiga badan:

Xarakaad la’aanta jireed waxay ka mid tahay khataraha waa wayn ee keena macaanka. Jimicsiga joogtada ahi waxa uu wanaajiyaa shaqada hormoonka insulin, taas oo yareynaysa halista macaanka.

Taariikhda qoyska ee xanuunka macaanka oo la iska indha tiro:

Saamaynta dhaxalka ee xanuunka macaanka dadku badanaa way iska indha tiraan. Cilmi baaris lagu daabacay “Journal of clinical investigation” ayaa shaacisay in dadka qoyskooda ay qabeen macaanka ay u nugul yihiin cudurkan.

Walwalka xad dhaafka ah:

Walwalka raaga wuxuu sababaa kor u kaca sonkorta dhiigga. Maaraynta walwalku waa hab muhiim ah oo looga hortago xanuunka macaanka.

Hurdo kugu filan oo aad heli weydo:

Hurdo xumadu waxa ay carqaladaysaa firfircoonida hormoonka insulin. Sida ay iftiimisay daraasad lagu daabacay joornaalka “Diabetes Care”, waxaa jira xiriir weyn oo ka dhexeeya hurdo yaraanta iyo halista xanuunka macaanka oo siyaada.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *