Calaamadaha Gabadhu Ay Fahmi Karto Haddii Saygeedu Uu Ku Sagan Yahay Xidhiidh Kale

Qoysas baden wax burburiya shaki iyo kalsooni la,aan ay iska qabaan lamaanaha is qaba, taas oo ka dhalata in laysku tuhmo in qofba xidhiidh kale cid kale la leeyahey, siiba waxa baden haweenka ka shakisan in lamaanahoodu ku sugan yahey xidhiidh kale amaba uu guursan rabo gabadh kale. Haddaba marwo halkan waxaanu kuugu soo bandhigeynaa dhawr astaamood oo ka mid ah kuwa aad ku garan kartid in shakigaaga wax ka jiraan iyo in kale.

la saaxiibka Tilifoonka:

Hadaad ku war heshid saygaaga oo tilifoonka aad u isticmaalaya isagoo waliba kaala dheeraanaya amaba kaa qarinaya cida uu la hadlayo taasi oo aan aheyn caado aad ku taqaaney waa hubaal waxa jira wax cusub oo kus oo kordhay

Labis cusub:

labisyo cusub oo uu soo gato kuna mashquulo iney yihiin kuwo bilic leh iyo in kale, sidoo kale badalaada noocyada cadar ee u isticmaalo waxey daliil cad u tahey inay jirto meel kale oo looga yeedhayo.

Bixitaan badan:

Joogista guriga oo ku yaraata iyo marmarsiiyooyin badan oo uu ku baxo iyo asxaab cusub oo aanu hore u laheyn hadduu ka hadalkooda badiyo waa inaad wax baden la socotaa dhaqdhaqaaqiisa.

Shaqada oo lagu raago:

Shaqadu xiliyo u gaara ayey leedahey balse haddii aad awood u yeelan waydo inaad ogaato xiliga dhabta ah ee shaqada laga soo rawaxo oo maalin walba wakhti uu yimaado waa inaad foojignaataa.

Kaligii noole:

Si lama filaana ayuunbuu kalidii noole u noqonayaa, su,aalo badan oo aad weydiisanaa waxey ku beerayaan cadho iyo murugo.

Cadho dhaw:

Wax yar oo aney sakaaro ka biiqsan ayuu ka cadhoonayaa, waxaanu ku dadaalaya inuu isla markaaba guriga ka baxo.

W/Q: Hibo Ciise

Check Also

qalbiga gabadha, jacayl, gabar,

Furayaasha Qalbiga Gabadha & Sida Jaceyl Loogu Abuuro

Gabadhu abuur ahaan waa xasaasi, waxa aanay jeceshay kalgacal iyo shucuurta naxariista iyo koolkoolinta lihi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *