Calaamadaha Aad Ku Ogaan Karto Haddii Internet-ku Uu Balwad Kuu Yahay Iyo Dhibaatooyinka Ka….

balwad, internetka, balwada

Balwada internet ka waa xaalad maskaxiyan ah oo sababta in dadka ay ku lumiyaan waqti badan isticmaalka computer ama alaadaha ku xiran internetka, waxay saameyn kuyeelan kartaa caafimaadka, daqliga qofka, iyo xiriirada uu la leeyahay bulshada.
Balwadaan waa mid ku cusub masaraxa caafimaadka, waxay khubarada caafimaadka maxkada aaminsan yihiin in balwada internet ka ay la mid tahay balwadaha kale sida, balwada maadooriyaasha iyo balwada khamaarka.

Balwada internetka waxay burburin kartaa nolosha qofka ayadoo sababeysa dhibaatooyin ku dhaca maskaxda iyo dareemayaasha, sidoo kale waxay sababi kartaa fadhiga masaxkada oo khalkhal gala iyo dhibaatooyin kaga imaada qofka la xiriirida bulshada.

Balwadda internet ma wax caan ah baa?

Xaaladaan ma ahan xaalad lagu sameeyay daraasado badan, sidaa darteed ilaa iyo hada lama oga xaaladaha kale ee caafimaad oo ay horseedi karto iney jirka lasoo darsaan. In kastoo qof walba uu noqon karo qof qabatimay internetka hadana waxaa ugu badan ragga dhalin yarada da’dooda ay u dhexeeya 20 ilaa iyo 35 sano.

Dhibaatooyinka balwada internetka

Dadka qaba balwadda internetka waxay inta badan dareemaan in ay ka go’dooman yihiin bulshada, waxayna aamin sanyihiin iney ku adag tahay iney sameeyaan ama ay ilaaliyaan xiriirka dhex mara bulshada, sidoo kale waxaa unugul iney qabatimaan internetka dadka qaba balwadaha maandooriyaasha, galmada, iyo khamaarka. Dadka qabatima internetka waxay halis ugu jiraan iney la soo darsaan

  • Niyad jab
  • Walwal
  • Colnimo
  • Waali
  • Ka go’doonka bulshada
  • Iney dhib kunoqoto xakameynta rabitaankooda
  • Balwadaha maandooriyaasha

Astaamaha balwadda internetka

Sida balwadaha kale mida internetka ma ahan mid ku saleysan xiisaha qofka ama hiwaayadaha qofku uu ka helo, ee balawadda saxda ah ee internetka waxay leedahay astaamaha sida:

  • Saameyn xun oo ay ku yeelato waxbarashada ama shaqada
  • Iney yaraato ku lug lahaanshaha qoyska ama asxaabta
  • Iney lunto xiisaha waxyaaba badan
  • Iney yaraato iney dabagalaan wax yaabaha laga rabo
  • Dareen niyad jab ama walwal marka aad ka fogtahay aalada aad ku isticmaashid internet ka
  • Inaad ka fakartid sida aad ku heli leheed internet marka aadan isticmaaleyn
  • Inaad xanaaqdid ama is difaacid aad sameysid marka qof uu wax ka sheego internet isticmaalkaaga
  • Inaad qarisid xadiga uu la egyahay isticmaalkaagu.

Dadka qaba balwadda internet-ka waxay waqti badan ku lumiyaan isticmaalida:

Calaamadaha jooojinta balwadda internetka

Waxaa jira calaamado ay leeyihiin joojinta balwad kasta, sababtoo ah qabatinku waxuu is bedel ku sameeyaa hanaanka iyo xadiga hormoonada qaar. Waxaa jira hormone la yiraahdo dopamine oo keena farxada iyo nashaadka qofka uu dareemo, hormoonkaan waxaa si xad dhaaf ah loo soo daayaa mar kasta oo uu qofka sameeyo wax uu jecel yahay, hadii ay noqoto waxyaabaha caadiga ah sida cunida cunno, galmada, iyo balwadda ba. Qofka qaba balwad hadii uu joojiyo wuxuu dareemayaa faraxad la’aan iyo nashaad la’aan, waxaana sababa hormoonka dopamine oo soo saaritiisa ay yaraato, calaamadaha joojinta balwadaan waxaa kamid ah:

  • Degdeg uxanaaqid
  • Walwal
  • Dhidid badan
  • Hurdo la’aan
  • Dabeecadda oo is bedbedesha

Sidee lagu ogaadaa balwadda internet ka?

Su’aalahaan hoos ku qoran ayaa loo adeegsadaa in lagu ogaado qofka heerka qofka uu jecel yahay inuu isticmaalo internetka

  • Maku mashquushaa isticmaalka internetka?
  • Dhib miyeey kugu tahay inaad xakameysid xiisaha internetka?
  • Ma waxaa jira ilaa xad aad ubaahan tahay inaad isticmaashid internetka si aad u dareentid qanaaco?
  • Hadii aadan isticmaalin internetka ma waxaa dareentaa walwal ama caajis?
  • Ma waxaa tahay online waqti ka badan inta aad rabtid?
  • Ma isku daydaa inaad yareysid isticmaalida internetka marar badan? maku guul dareysatay?
  • Ma dareentaa wax astaamo xanuun ah oo ka dhashay isticmaalida internet ka sida (Dhabar xanuun, Indha xanuun) masii waddaa isticmaalida adigoo dareemaya astaamahaan?
  • Saameyn maku leedahay isticmaalidda internetku wax barashadaada ama shaqadaada?
  • Saameyn maku yeelatay isticmaalida internetku xiriirada aad la leedahay dadka qaar?

Hadii aad HAA ku jawaabtay 9 ka suaal, waxaa tahay qof qabatimay internetka, Hadii aad 6 iyo wax ka yar ku jawaabtay waxaad tahay qof jecel isticmaalida internetka laakin matihid qofka ay ku tahay balwad

Side looga hortagaa

Isku day inaad yareysid wax yaabaha kalifi kara inaad waqti badan ku limisid isticmaalida internetka, sida in aad facebook ku soo noqnoqotid marar badan, iyo inaad video badan aad ka daawatid youtube, hadii ay tahay lagama maarmaan inaad isticmaashid baraha bulshada, waa inaad u qoondeysaa waqti gaar ah, oo ah xili aan lagaa rabin shaqo ama wax barasho, u badal isticmaalida internet ka mid kuu ah abaal marin oo waxaad isticmaashaa marka aad guul ka gaartid arin aad rabtay inaad sameysid.

Check Also

dhiiri galin guusha

Cashar Muhiim Ah

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *