Calaamadaha Lagu Aqoonsado Hadduu Faytamiin D Kaa Dhacsan Yahay Iyo Meelaha Laga Helo

Fitamiin D waxa uu ka mid yahay fiitamiinnada ugu muhiimsan ee aynu u baahanahay. Wuxuu masuul ka yahay qaar ka mid ah howlaha aas-aasiga ah ee jirka, sida inuu xoojiyo lafaha, habdhiska difaaca jirka iyo fayow qabka guud.

Hadaba sidee loo ogaadaa haddii fitamiin D uu kaa dhacsan yahay? Sii akhri si aad u ogaato calaamadaha lagu fahmo fitamiin D yarida.

Astaamaha fitamiin D yarida:

Inta badan horay lagama fahmo calaamadaha fitamiin D yarida waxaana lagu qaldaa cillado kale oo caafimaad. Astaamaha ugu caansan ee fitamiin D yarida waxaa ka mid ah:

  • Tabar yari
  • Murqaha oo daciifa
  • Lafo xanuun
  • Xanuun joogto ah
  • Niyad jab
  • Timo daadasho
  • Bogshada dhaawacyada oo daahda

Fitamiin D badanaa waxa uu hoos u dhacaa bilaha jilaalka ee uu yaryahay iftiinka qorraxda. Haweenka Soomaalida ee ku nool  wadamada reer galbeedka in badan oo ka mid ah waxaa lagu sheegaa fitamiin yaraan.

Sidee si dabiici ah loogu kordhin karaa fitamiin D?

Iftiinka qorraxda: Sida ugu fudud islamarkaana dabiiciga ah ee loo kobcin karo fitamiin D waa helidda qorrax kugu filan maalin kasta.

Cunnada: ku dedaal cunnooyinka fitamiin D hodanka ku ah sida kalluunka dufanka leh, caanaha, ukunta qaybta jaallaha ah iyo cunnooyinka lagu kabay fitamiin D.

Kaalmaati: Waxaa laga yaabaa in dhakhtarkaaga uu kuu qoro kiniinka fitamiin D hadduu aad kaaga dhacsan yahay. Raac talada dhakhtarkaaga.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *