Shan Dabeecadood Oo Ay Gabadhu Ninka Ku Nici Karto!

Dabeecad ahaan ninka iyo gabadha mid kastaa waxa uu jecel yahay in ruuxa uu nolosha uu yeesho dhammaan tilmaamaha qof bani’aadam ah lagu ammaani karo, iyo wax kasta oo wanaagsan oo xidhiidhkooda guur waarin kara, in kasta oo ay hubaal tahay in sawirka uu qofku niyadda ku hayo guurka hortii ee uu jecel yahay in mataankiisu u ekaadaa inta badan u dhow yahay mid aan suurtogal ahayn aakhirkana uu ku qasbanaado in uu aqbalo ceebaha ruuxan nolosha la wadaagaya, laakiin haddana waxaa weli jira sifooyin dhowr ah oo ay dumarka badankoodu ka siman yihiin nacaybka ay u qabaan, kuna ducaystaan in aanu yeelan ninka ay nolosha la wadaagayaan.

Tilmaamahaas kuwooda ugu muhiimsan oo shan ah ayaa maanta usoo  gudbinaynaa akhristayaasha sharafta mudan, waxa aanay kala yihiin:

Bakhaylnimada:

Bakhaylnimadu waa laba nooc, mid la taaban karo iyo mid aan la taaban karin, ta la taaban karaa waa ninka oo lacagta iyo dhaqaalaha uu nolosha iyo badhaadhaha qoyskiisa ku bixinayaa ay aad uga yar yihiin inta ku filan, xilli uu isaguna hayo dhaqaale intaas uu bixinayo aad uga badan, bakhaylnimada labaadna waa ninka oo xaaskiisa kala bahkhayla shucuurta kalgacal iyo ereyada jacaylka iyo naxariista muujinaya, labadan arrimoodba waxa ay gabadha ku keenaan niyad jab iyo in ay nacdo ninka iyo xataa nolosha qoysnimada.

Cadhada Badan:

Dabeecad ahaan gabadhu waxa ay inta badan dulqaad u yeelataa mawqifyo badan oo qallafsan oo ay ninka kala kulanto, laakiin waa inta uu isaguna yahay ruux marka aanu cadhaysnayn dabiici ah, la fahmi karo, qaladaadkiisii xilliga cadhadana si toos ah ama dadban u sixi kara.

Caadi ahaan waxaa la og yahay in cadhadu sideedaba ay ninka indho tirto oo ay ka qaaddo garowshiyaha iyo in uu xaqiiqada dul istaago, waxa ay ku keentaa in uu qaato go’aamo aanu ka fikirin iyo in uu cadaaladda ka fogaado, sidaa awgeed cadhada badani waxa ay dishaa qalbiga gabadha waxa aanay horseeddaa burburka qoyska, kadib marka aakhirka uu dulqaadku gabadha ka dhammaado.

Ceebaha kale ee ay cadhadu sideedaba leedahay waxaa ka mid ah in dad kale ay fursad u siiso in ay soo dhex galaan nolosha qoyska, oo marka ay is fahmi waayaan khilaafkooda iyo murankooduna dibadda u soo baxo ay ku marmarsoodaan in ay dhexdhexaadinayaan. Laakiin waxaa la og yahay in soo dhex galka gacantaa saddexaad ay bilowba u tahay khilaaf dhab ah oo aan dhayal u bogsan.

Canaadnimada (Madax adayga):

Ma jiro rayi kama dambays ah oo aan dabadii la hadlin, mana jiro qof ku andacoon kara in aragtidiisu ay tahay tii ugu saxnayd marka loo eego kuwa ka soo horjeeda, sidaa awgeed mar kasta waxa ay quruxda wada noolaanshiyaha iyo is-fahamku ku jiraan in la is dhegeysto, rayiga kala duwan la tixgeliyo, qofkuna inta aanu rayigiisa ku go’aan qaadan uu dhegeysto fikirka ka soo horjeedo, intaas wixii ak soo hadhaa waa madax adayg iyo canaadnimo waana cudur dadka kala fogeeya, marka ay lammaanaha isqaba noqotana canaadnimadu waa cadow qoyskooda si sahal ah u burburin kara, waayo midkoodna kan kale kuma wadi karo in badan, caadi ahaanna waxaa la og yahay in marka ay qoyska dhexdiisa noqoto ay canaadnimadu ku badan tahay ninka.

Quruxda oo la danayn waayo:

Gabadhu dabeecad ahaan waxa ay u dhalatay qurux jacaylka, waxaana ku beeran ruux ah in ay mar kasta muuqaalkeeda duleed qurxiso, labbiskeeduna xarrago ahaado. Baadhitaanno dhinaca bulashada ah oo la sameeyey ayaa xaqiijiyey in gabadhu aanay quruxdaas nafteeda oo keliya la jeclayn, balse ay sidoo kale la jeceshay ninkeeda, oo ay ka hesho in uu noqdo mid xarago badan, muuqaalkiisa duleedka qurux badan yahay, haddii kale waxa ay karahiyeysataa in ay raacdo nin aan dan ka lahayn quruxda naftiisa, ugu yaraan culays iyo dhib ayaa ay dareentaa in ay lagu ag arko.

Shakiga:

Hinaasuhu waa shucuur aadamenimo, oo ay suurtogal tahay in loo helo marmarsiiyo iyo cudur daar loogu dul qaadan karo, waxaabay dadka qaar u yaqaannaan in uu yahay lexe-jeclo ruuxa ka gashay ruuxan kale, oo jacayl uu muujinayo, laakiin waxa ay dad badani ku qaldaan shakiga oo ah in ruuxu uu tuhmo in ruuxan ay qoyska wada leeyihiin xidhiidho kale oo xaaraan ah ku lug leeyahay. Ninka shakiga badani nolosha gabadha cadaab ayaa uu u beddelaa, waxa uu kula xisaabtamaa wax uu arkayo iyo wax aanu arkaynba, wax uu garanayo iyo wax aanu garanaynba. Haddii ay gabadhu bilowga hore ee qoyska ninkeeda ugu adkaysato shakiga, waa uu jacaylka oo weli xooggan iyo dulqaad dumarka lagu yaqaanno bilowga hore ee dhismaha qoyska iyo iyada oo jecel in ay badbaadiso jacaylka, nolosha qoysnimada iyo mustaqbalka ubadkeeda, laakiin in badan dulqaadkaasi ma sii socdo, aakhirkana waxa ay gaadhaa in ay nafaheeda uga baqdo ninka, oo ay qaadato go’aan kala fogaanshiyo ah.

Ninku waa in uu marka hore naftiisak u kalsoonaado oo uu xaqiijiyo in uu awood u leeyahay in xaaskiiga kaga filnaado baahida nin kale, dhinac kasta. Haddii aanu taas hubin waxba yaanu shakiyin ee marka horeba ha ka fikiro in uu naftiisa gal-dalooladeedaas soo buuxiyo haddii kale uu gabadha fasaxo. Sidaa awgeed dawada ugu fiican ee shakigu waa in ninku uu marka hore dib isugu noqdo oo uu kalsoonida naftiisa uu ku qabo qiimeeyo.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

qalbiga gabadha, jacayl, gabar,

Furayaasha Qalbiga Gabadha & Sida Jaceyl Loogu Abuuro

Gabadhu abuur ahaan waa xasaasi, waxa aanay jeceshay kalgacal iyo shucuurta naxariista iyo koolkoolinta lihi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *