Baro Nafsaddaada, W/Q: Siciid Xagaa

Waxaa run ah in aad tahay qof gaar ah oo ka soocan aadanaha kale ee alle abuuray, waxaana dhab ah in aad leedahay shaqsiyad cid kula wadaagta aysan jirin inta bilyan ee adduunka ku nool .waxyaabaha ay ku kala soocan yihiin waa hab dhaqanka deegaanka iyo dabeecadda.

Qormadan gaar ah waxaan kaga warami doonaa si kooban in aad tahay qof yaqaan nafsaddiisa, dhaqankiisa, cidda uu la noolyahay, ma jirtaa wax aad jeceshahay ? sideese u raadisaa ? waa maxay masuuliyaddda aad heysaa ? ma leedahay hadaf ama yool ? Calooshaada iyo maskaxdaada ma isla eg yihiin mise kama warqabtid ?waa maxay nolosha dhabta ah mise ka run sheegtaa ?

1- Ma taqaan qofka aad tahay ?

Waxaa la arkaa dadka qaarkii in ay is moodsiiyaan cidda ay yihiin iyagoo tusaale iyo ku dayasho u ah cid kale taasna sax maaha. waxaa lagaga maarman ah in aad tahay ruux is yaqaana wiil ahow ama gabadh ahow. Weligaa ma is weydiisay qof nuucee ah ayaan ahay ? inta aad muraayad hor tagtay adiga oo keligaa ah ma is qiimeysay ? oo ugu yaraan 10 daqiiqo nafta ma su’aashay xageed u socotaa? weligaa nafsaddaada maka qortay qoraal aad ku ogaaneysay heerka ay joogto iyo halka ay higsaneyso ? weligaa kala duwanaanshaha kugu dhaca ma tahay qof og sida uu ku yimid iyo xalka ay leedahay ? .

Qeex oo sharax adigoo qoraya cidda aad tahay xageed ka soo bilowday heerka aad markaa joogto mid saxan iyo mid khaldanba. sidee bisha ama bilaha amaba sanadka ama sanadaha soo socda aan doonayaa in aan u jiheeyo nolosheyda?

Dhamaan su’aalahaasi waa kuwa u baahan jawaab in aad adiga isku hesho ee maaha mid qof kale kaaga imaanaya. waxaase muhiim ah in aad taqaan cidda aad tahay heerka aad joogto ceeb maaha haddii qoyskaada faqiir yahay ama heyntooda yar tahay, baro hab dhaqanka hana ka been sheegin waayo dad badan oo ku aaminsan ayaad ku weyn doontaa beenta aad ka sheegtay noloshaada. marnaba ha isku qancin in adoo qof kale ixtiraamaya aad aasto hab nololeedkaada adigoo is leh yuusan kaa dareemin ama haddii uu ogaado wuu kugu ceynayaa wuxuuna kuu arkayaa qof liita. ogow waxaad gashay badweyn cidlo ah adigoo saaran doon aan naaquude laheyn.

2-Cidda aad la nooshahay .

Horaa loo yiri qofkii sirtiisa la bixin waayo saaxiibkii/teed ayaa la eegaa. waa oraah qiimo iyo dhaxal gal ah waxeyna tilmaameysaa saameynta fiican iyo midda xun in labadaaba kugu yeelan karo ruuxa aad mar kasta isku dhowdihiin. hadaba su’aalahan is weydii waa ayo ruuxaan aan la socdaa ? adigoo eegaya dhaqanka, dabeecadda, diinta iyo muxuu yahay hadafka uu isaga nafsad ahaantiisa uu leeyahay ? xagee ii hogaaminayaa ? weli maku aragtay waxyaabo aadan ka helin uu ruuxaasi sameynayo ? sidee uga falcelisay mise waad iska aamustay ? ka waran haddiiba uu yahay qof aan hadaf laheyn misana aad iska daba socoto? adigoo ku qiimeynaya quruxda, lacagta, reernimada iyo qofkan dadka oo dhan ayaa taageera ( Dameeri dhaan raran raacday in aad tahay sow ku sifoobi meysid ? haa ama maya jawaabta waa sida aad isaga dhex aragto.

Maxaan jecelehay sideense u raadiyaa ?

Qod kasta wuxuu leeyahay dookh uu wax ku jeclaado go’aankiisana uu leeyahay. hadaba jaceylkada ma kan farxadda wixii aad aragto ku saabsan baa ? mise waa kan qalbiga ka soo go’ay oo ad muddo ku taameysey in aad maalin uun waxaasi hesho. jaceylka. qor wax kasta oo aad jeceshay oo ay ku jiraan alaabta, dharka, guryaha , baabuurta, iwm. sidoo kale qor wax kasta oo aad necebtahay dabadeed isbarbardhig samee kee badan. kadib haddii uu waxa aad jeceshahay bato ma heysaa waddadii aad ku heli laheyd mise waxaad tahay ruux isagoo soo jeeda riyoonaya ogow waxaad raacday hawada naftaada wax aad heysidna ma jirto. waxaa lagaaga baahan yahay kala doorasho iyo kala horeysiin adigoo u eegaya kee mudnaanta leh, ma jiraa waxyaabo aan jeclahay laakiin aan ka maarmi karo ? samee liis aad ku qoreyso 10 waxyaabood ee ay naftaadu jeceshahay kadib ka sii dhex dooro seddexda ugu sii muhiimsan kadib ka sii xulo midka ugu sii mahiimsan markaa ku dhaqaaq kaasi ogow kaas ayaa ah baahidaada koowaad.

Caloosha, jeebka iyo maskaxda ma isla shaqeeyaan ?

Aadanaha waa u caado in naftiisa ay baahiyo badan ku xeeran tahay dalabka naftuna waa mid aan dhamaan ilaa aad dhimato. waana wax aan lala yaabeyn adigoo oo maanta si fiican u soo qadeeyay in haddana galabtii caloosha ku tiraa waxaad u baahan tahay waxyaabo yaryar oo macmacaan ah lkn jeebka ayaa hadla xiligaa oo ah waxbaad heystaa ee baashaal ruux yahaw hase yeeshee haddii fariinta caloosha aad u hogaansato ogow waxaa isla shaqeynaya caloosha iyo jeebka. haddiise aad fariinta caloosha aad u gudbiso maskaxda waxaa kuu soo baxaya in caqliga shaqeeyo uuna is weydiiyo haddii wax kasta oo cunto iyo sharaab ah aad caloosha ku riddo waxaad wax u tartay caloosha kaliya,haddiise maskaxda aad ka shaqeysiiso waxaad wax tartay dhamaan jirkaada oo dhan. hadaba ha noqon calooshiis la cayaar aanan kala garan baahisa aasaasiga ah ee ay nafta u baahan tahay iyo waxyaabaha korsocodka ah ee faakiheysiga loo yaqaan lagana maarmi karo.

MASUULIYADDA

Mas’uuliyadda waa adiga oo leh adkeysi isla markaana xakameyn kara aragtidaada, falcelintaada, iyo wax kasta oo ay naftaadu diiday. Mas’uuliyadda waa adiga oo ogolaan kara wax liita si aad u badbaadiso waxyaabo kale . Hadaba ma tahay ruux danta uu doonayo ka hormariyay danta caamka ah mise tahay qof u dulqaadan kara hadalada meel ka dhaca ah ee mararka qaarkood aad la kulanto gacantaada kor u taag haddaad weligaa celisay jawaab ah waan fiicanahay adigoo hoosta ka oynaya Waxaad tahay masuul

ANIGA, ANIGA, ANIGA

Ma ogtahay waxa kaliya ee cid bini’aadam ah ee kula leh aysan jirin in ay tahay codkaada, masakxdaada, qisadaada iyo fekerkaada. Hadaba sideed u ogaan weysay wejiyada dadka iyagoon hadlin, waxaa jira dad wax kasta oo ay sheegayaan tusaale ku soo qaata nafsaddooda ama reerkooda weliba iyagoo dadka ay u sheekeynayaan aaney la dhacsaneyn kaaga darane weli ku sii wada. Midda kale ee ka sii daran ayaa ah ruuxaasi cidna hadal uma ogola oo waa ani kaliya. Ogow intaad dad qadariso haba qaldanaadeene ayaa adna lagu qadarinayaa. ( Nafsaddaada Aamin kadib waxaad baraneysaa sida loo noolaado )

JACEYLKA

Waxaa jira wax kugu qarsoon oo qalbigaada ku dhex jira waana rabaani alle kugu beeray ,mararka qaarkood malihid doorasho iyo xulitaan waxeyna ku timaaddaa dabeecad wanaagaada iyo daacadnimadaada, laakiin ma heli kartid qof aad jeceshahay ilaa aad is taqaan qofka aad tahay. Tusaale maxaad daneyneysaa ? Maxaase ku farxa geliya ? Iska hubi in aad jaceyl aan jirin nafsaddaada ku maaweeliso, hana ku qasbin nafsaddaada in qof kale aad boos ka siiso noloshiisa/sheeda adigoon iska hubinin. Hana noqon qof is badbaddal oo maalinba keyn ku jira. Weyna kugu adkeenysaa in maskaxda joojiso jaceylka qof wadnaha aad ku heyso.

LA XISAABTAN

Marna laguma guuleysto in aad qof la xisaabtanto adigoon marka hore nafsaddaada la soo xisaabtamin . Wey dhacdaa qof wuxuu ku doodayo ama wanaag ku raadinayo isaguna uusan ku sifoobin. Waad ogaan kartaa dhamaan waxyaabaha adduunka ka jira ama ka dhaca, waad ogaan kartaa waxyaabaha hareerahaada ka socda laakiin waxba macno ma sameynayaan haddiiba aad adiga nafsaddaada is aqoon. ogow waxaad noqoneysaa kii yiri ha raacin camalkeyga ee raac cilmigeyga. yaa ka akhrisanyaya .

SAMIRKA IYO XANAAQA

In aad carootaa waa wax dhici kara sidey doonaanba haku timaadee, laakiin su’aasha ayaa ah sidee u xalisaa una qaboojisaa ? Ma dagaal ayaad ku falcelisaa mise cay ? Ma xiriir soo jireen ah ayaad jartaa qalad lagaa galay darteed ? Maxaa leygu qaldoomay anigaba dadka kuma qaldoomee miyaad tiraahdaa ? Haddii aad intaa iyo in ka badan leedahay ogow nafsaddaada qeyb dhan ayaa maqan waana SAMIRKA. Haddaadan aqoon samir iyo dulqaad cafisna ma taqaanid qof aan wax u samrin waxma cafiyo. ogow allihii ku abuuray ayaad maalin kasta qalad ka gashaa haddana inta aad gacmaha u hoorsato danbidhaaf weydiisataa sideed bini’aadam ugu samri weysay ?

Waxaan qormadan gaaban ku soo gabageyn lahaa {nafsaddaada ka cafi wixii aysan ogeyn taa oo ay ogaatay markii aad baratay kadib.}

SICIID XAGAA AFRAX
sxagaa@hotmail.com

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *