Baro Noocyada Xiriirrada Waara

Sidee ku ogaan kartaa in xiriirkaagu uu waari doono? Sidee ku ogaanaysaa in xiriirkaagu yahay kii aad rabtay ee saxsanaa? Soo wax fiican ma aha haddii aad sii saadaalin karto bal in xiriirka aad ku jirto uu yahay ku xoog leh farxadna kuu horseedaya timaaddada?

Badankeen waan ka digtoon nahay jacaylka waxaana u haysannaa iskudanaysi ay daacadnimadu ku yar tahay. Taasi cid nagu eedi karto ma jirto: [waayo] tirokoobyada ku saabsan xiriirrada dhabtii waa kuwo murugo leh. Xiriirro ayaan sameynnaa innagoo iswayddiineyna in ay sii jiri doonaan; waxaana run ah in aan tuhun ka qabno in ay sii jiri doonaan.

 Xiriirkaagu wacdaro wuu dhigi karaa

Si ka duwan sida nala moodsiiyay, jacaylku wuu jiri karaa in ka badan inta aan u malayno.

Cilmibaaris la sameeyay sannadka 2012 ayaa waxaa lagu ogaaday in 40% lammaanayaasha isqabay toban gu’ ay sheegeen si daran in ay weli isu jecel yihiin. Isla cilmibaaristaas, 40% ragga iyo 34% dumarka isqabay in ka badan 30 sannadood ayaa tilmaamay in ay weli si daran isu jecel yihiin.

Xiriir walba waa khatar balse waxaa jira astaamo tilmaan ka bixinaya in xiriirkaagu yahay ku isla haysta, tawfiiq leh oo waqti badan jiri doona.

Waa kuwaan 6 nooc oo ka mid ah xiriirrada wanwanaagsan ee waqti badan jiraya:

1.Xiriirro uu [is]cafisku tiir u yahay

Sidee u dhaqantaan marka adi iyo lammaanahaagu aad isqabataan? Isfahandarridu dhib ma laha marka xiriir la joogo; muhiimaddu waa sida aad ula tacaasho.

Xiriir xoog leh dan kama galo in uu yareeyo iskudhac sababtoo ah mar walba waa uun kii dhaca.

Daniel Wilde wuxuu yiri, “doorashada lammaane waxay la mid tahay doorashada dhowr  mushkilo.” Ma jiro lammaane aadan la dagaali doonin, ka xanaaqi doonin oo aadan ka caban doonin. Haddii runta laga hadlo, dagaalku wuu wanaagsan yahay. Cilmibaaris ayaa qabta in lammaane aan saddex sano isdagaalaynin uu xiriirka guurkoodu yahay ku aan caafimaad qabin.

Xiriir guur oo xasilan, caafimaad qaba, muranku uma aha astaan hoog, balse waa wax caadi ah oo tusaya in xiriirku uu bed qabo. Lammaanyaasha fariiddada ah waxay xoog saaraan xallinta dhibaatooyinka ee qofba qofka kale ma weeraro. Sidoo kale, mar haddii ay mushkiladda xalliyaan, way iscafiyaan wixii dhacayna iska illaabaan.

Cabbirka dhabta ah ee xoogga xiriirkaagu waa sida dhaqsaha leh oo aad dib ula midowdo odaygaaga/xaaskaaga ka dib marka uu khilaaf dhaco. Lammaanyaasha uu xiriirkoodu xoog leeyahay, isqabasho ka dib waxay u bareeraan in wax walba ay xalay dhalay ka soo qaadaan, sidaas waxaa qabta Jeanette Raymond oo shahaado PhD ku haysata xallinta khilaafyada guurka.

2.Xiriirro ku dhisan tijaabooyin hiyikac leh

Caajiska iyo kala xiisadhacu waxay caqabad weyn ku yihiin xiriirrada da’da weyn. Muddo ka dib guurka, waa wax sahlan in labada qof ay galaan xaalad hubaal la’aan iyo madmadow ah taas oo wax walba oo noloshooda ay soo noqnoqdaan, la sii qiyaasi karo oo caajis ma ahee aan xiiso lahayn.

Marka la fiiriyo waqtiga ku baxa shaqada iyo shaqooyinka dheeraadka ah oo ay ujeeddadu tahay in dakhli dheeri ah lagu helo, waxay u muuqataa in ay adag tahay sida aad mataankaa/mataantaa ugu xirnaato oo aad waqti ugu hesho.

Cilmibaaris ayaa tilmaamaysa in lammaanaha si daran isu jecel ay yihiin kuwa si wadajir ah ugu raaxeysta qabashada hawlo cusub ama ku-dhac iyo xiiso leh. Hawlaha cusub mar walba waxay wataan xiiso iyo niyakac, taas oo ay maskaxda dareensiin karto soo jiidashada lammaanahaaga, dibna u hurin karta dhimbishii hore ee jacaylka. Tijaabinta wax cusub  waa hab wanaagsan oo aad xiriirka dib u habeyn ugu sameyn karto.

3.Xiriirro ku dhisan gogol

Sida uu tilmaamayo khabiir arrimaha guurka, lammaanaha aan ku faraxsanayn noloshooda isutag, xiriirkoodu wuu dhaawacmi karaa ilaa ay dhici karto in taasi ay kalataggooda sababto. Gogashu waxay daruuri u tahay dhisidda xiriir adag. Waxaa iyadana xiisa leh in la tilmaamo in mar walba oo aad badsato aad sii rabooneyso. Dabcan taa baddalkeeduna waa sax oo marka aad yareysato gogosha, rabitaankeeduna wuu kugu yaraanayaa, hadhowna waxaa yaraanaya xiriirka iyo u dhowaanshaha lamaanahaaga.

Isutaggu wuxuu baritaaraa oo uu xoojiyaa jacaylka. Inta lagu gudo jiro legdan-jiifka, jirku wuxuu soo daayaa hormaanka oxytocin. Oxytocin-na waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay hormoon dabar (bonding hormone) oo isku xira isuna soo dhoweeya labada qof. Lammaane aad u faraxsan, qiyaas ahaan 74 jeer ayay sannadkii isutagaan.

4.Xiriirro ku dhisan kalsooni

Kalsoonidu waa saadka ugu muhiimsan ee tilmaama guusha xiriirrada dhaadheer. Haddii aysan jirin kalsooni u dhexeysa labada qof, xiriirku ma xoogganaan karo.

Lammaanahaaga ma ku kalsoon tahay? Ma yahay qof aad isku hallayn karto? Adigu sidee isaga/iyada u tahay? Lillaahi ma tahay? Waxa aad soo gadato maka qarisaa? Ma jiraa qof aad si qarsoodi ah interneetka (online) uga wada socotaan oo lammaanahaagu uusan war u hayn? Ma ka qarisaa dareenkaaga dhabta ah?

Dadka uu xiriirkoodu xoog leeyahay sir ma kala qarsadaan.

5.Xiriirrada ku dhisan mustaqbal mid ah

Xiriirrada dhaadheer ee caafimaadka qaba waxaa lagu yaqaannaa in mar walba oo labada qof ay wax badan wadaagaan uu xiriirkuna wanaagsan yahay. Waxaa habboon, ka hor inta labada qof aysan xiriir billaabin in ay iska hubiyaan in himilooyinkooda iyo qiyamkoodu ay isleeyihiin.

Cilmibaaris lagu sameeyay lammaane qiyaas ahaan isqabay 43 sano ayaa tilmaamaysa in haddii labada qof ay leeyihiin aragti nololeed oo mid ah, wadaagaan qiyam iyo dano ay u badan tahay in xiriirkaasi uu noqdo mid lagu liibaano.

Cilmibaaris kale oo 2009 la sameeyay ayaa waxay daaha ka rogtay in lammaanaha noloshooda ku faraxsan ay yihiin kuwa leh shakhsiyad ama dabeecad isu eg.

Dhammaan lammaanayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen hal wax: dadka lidka isku ah ama aan isdabeecad keeneyn waxay isa soo jiitaan ama iska helaan oo kaliya marka filimada la joogo, balse ma dhisaan guur guul leh.

Caddaymuhu waxay soo jeedinayaan in dadka kala [dabeecad] duwan ay isxiiseeyaan kaliya marka uu xiriirku cimri gaaban yahay.

Xiriirrada dhaadheer, islahaansho iyo isu dabeecad ekeenasho weyn waxay tilmaamayaan in la sii wada joogo oo xiriirkuna ahaado mid sal weyn ku taagan.

6.Xiriirro ku dhisan nuglaan la wadaago

Maxay dad badan uga baqaan in ay qof jeclaadaan? Dadku maxay uga baqaan in ay ballanta xajiyaan? Sababtu waa cabsi daran oo laga qabo nuglaansho.

Haddii la soo koobo: dad badan ayaa raba xiriir, balse waxay ka baqayaan in ay si furan u hadlaan ka dibna uu qalbigoodu dhaawacmo.

Daraasad ayaa tilmaamaysa in dadku in la diido darteed ay nuglaanshaha uga baqaan. Waxaa jirta cabsi ah in haddii qof uu ogaado sida aynaan u dhammeystirnayn, caqli badan u lahayn ama xoog u lahayn sida aan u muuqanno, uu hadhow na jeclaan doonin.

Nasiibdarro, ma dhisi karno xiriir caafimaad qaba nuglaan la’aan. Nuglaanshuhu waa sirta xiriir xoog leh. Waaya’aragnimooyinka nolosha ugu farxadda badan waxaa ka mid ah in aad og tahay in uu jiro qof sidaad tahay kugu jecel adna aad ku jeceshahay sidiisa iyo nuglaantiisaba.

Cabsida nuglaanshaha laga qabo waa dabeecad iskharribaad. Cabsida aad ka qabto nuglaanshaha waxay kaa hor istaagi doontaa in aad si niyad leh qof kale xiriir ula sameyso.

Nuglaanta waxaa badanaa loo arki karaa astaan taagdarro, balse dhab ahaan waa mid xoog iyo karti. Waxay u baahan tahay xoog badan, dabci iyo isku kalsoonaan si loo noqdo qof nugul.

Nuglaantu waxay leedahay soo jiidasho. Dadka daacadda ah waxay ka helaan oo soo jiita dadka lillaahida ah oo nugul.

Xiriir waara waa sidaad ka dhigato

Ugu dambeyntii, xiriirkaaga daacad u ahow. Damaca badan waxaa ka roon in waxa aad haysato aad  iimaansato.

Dilaaga ugu weyn ee xiriirrada waa isla jimeynta iyo isku dhererinta dadka kugu hareereysan. Mar walba lammaanaha kale ayaa innoogu muuqda in ay naga shidan yihiin oo ay naga farxad iyo baraare badan yihiin.

Lammaane faraxsan uma hanqaltaagaan waxa bannaanka yaalla. Waxay ku qanacsan yihiin waxa ay haystaan oo ka hor muuqda.

Dadaal iyo waqti geli xiriirkaaga, waxaad arki doontaa in uu gaaro meesha aad la rabto.

Asalka maqaalkaan oo af Ingiriis ku qoran halkaan ayaad ka akhrin kartaa

Diyaariye: Shaakir Maxamed Cabdullaahi

Shamaca.com

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *