Cilladaha Dabeecada, Noocyada Ay U Kala Baxaan Iyo Sida Loo Caawiyo Qofka Qaba

Cilladaha dabeecada waa xaalado maskaxi ah oo isu tagay, waxaa lagu gartaa hanaan fakar, dareen iyo dhaqan aan caafimaadka u wanaagsaneyn. Waaya aragnimada qofka iyo dhaqamada waxey inta badan ka gedisan yihiin dhaqamada laga rajeynayo qofka.

Dadka qaba cilladaha dabeecada waxaa inta badan ku adag inuu is faham dhexmaro dadka kale iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka caadiga. Dadka qaba cilladaan waxey inta badan aamin san yihiin in sida ay u fekeraan iyo sida ay u dhaqmaan ay tahay si caadi ah, in kastoo ay qabaan fekero ka gedisan kan dadka ay ka qabaan dunida. Arintaan ayaa ka dhigta mid dhib ban leh ka qeyb qaadashada howlaha bulshada. Sidoo kale waxey dadka kale ku eedeeyaan iney ka dambeeyaan caqabadaha ayaga hortaagan. 

Dabeecadahaan iyo aragtiyada noocaan ah waa kuwo inta badan u keeno dhibaatooyin xiriirada ay la wadaagaan dadka, sida iney dareemaan iney go’doon san yihiin, taasna waa arin u sahleysa iney niyad jabaan ama walwalaan.

Waxa sababa cilladaha dabeecada lama garanayo, hasa yeeshee waxaa la aamin san yahay iney ka dambeyso jug soo gaarta caruurta. Cilladaha dabeecada waxey badanaa soo ifbaxaan dhowr iyo toban jirnimada iyo xiliga dhalinyaranimada.

Waa maxay noocyada kala duwan ee cilladaha dabeecada?

Waxaa jira noocyo badan oo loo qeybiyo saddex qayb, waxeyna leeyihiin waxyaaba lagu garto iyo astaamo.

Qeybta A: Shaki badni

  • Paranoid personality disorder: dadka qaba cilladaan waxey ka aamin baxaan dadka kale, waxeyna ka shakiyaan u jeedooyinka dadka, dadkaan waa dad qaada cuqdad.
  • Schizoid personality disorder: dadka qaba noocaan waxey soo bandhigaan xiiso yari ka dhan ah iney xiriir la sameeyaan dadka badankooda, iyo iney ka qeyb qaataan hawlaha guud ee bulshada, sidoo kale waxaa kuyar fahamka sarbeebta.
  • Schizotypical personality disorder: dadka qaba noocaan waxey aamin san yihiin iney wax ka bedeli karaan dhacdooyinka iyo malada dadka. Waxey khalad u tarjumaan dabeecadaha dadka waana arin ku kalifeysa iney dareemaan shucuur aan loo meel dayin. Dadka qaba cilladaan waxey ka fogaadaan xiriirada jaceylka.

Qeybta B: shucuur badni iyo sal fudeyd

  • Antisocial personality disorder: dadka qaba cilladaan waxey ula dhaqmaan dadka si qalafsan kamana qoomameeyaan ficiladooda. Waxey sameyn karaan xatooyo, been sheegid iyo ku xadgudbidda waxyaabaha maanka dooriyo.
  • Borderline personality disorder: dadka qaba noocaan waxey dareemaan wax matarnimo iyo in la cidleeyay xitaa hadii qoyska uu garab taagan yahay. Dadkaan waxaa ku adag la macaamilida dhacdooyinka walwalka wata. Waxaa laga yaabaa iney sameeyaan waxyaabo halis leh sida galma aan ammaan aheyn, iyo qamaarka.
  • Histrionic personality disorder: dadkaan waxey inta badan isku dayaan iney helaan digtoonida dadka ayagoo is riwaayadeynaya ama daandaansho galma ah. Waxey u nugul yihiin in si fudud loo bedelo
  • Narcissistic personality disorder: dadkaan waxey aamin san yihiin iney muhiimad weyn leeyihiin kana sareeyaan dadka kale. Waxey ka badbadiyaan guulahooda sidoo kale waxey ku faanaan quruxdooda iyo guushooda. Waa dad u ooman in loo bogo laakin, waxaa ka maqan iney dadka kale u danqadaan

Qeybta C: walwal badni

  • Avoidant personality disorder: dadka qaba noocaan waxey inta badan dareemaan ineysan iskufilneyn, ay ka liitaan dadka kale iyo ineysan laheyn soo jiidasho. Waxey inta badan ka fakaraan eeda ay usoo jeediyaan dadka kale, waxeyna ka foogaadaan iney ka qeyb qaataa howlaha guud ee bulshada.
  • Dependent personality disorder: dadkaan waxey si weyn ugu tiirsan yihiin dadka kale si ay u heelaan waxa ay dareen ahaan iyo jismi ahaan ugu baahan yihiin. Dadkaan waa dad ku dadaala ineysan marnaba keli noqon, waxey inta badan u baahan yihiin dhiiro gelin marka ay go’aan gaarayaan. Dadkaan waxey u badan yihiin iney u dulqaataan marka lagu sameeyo xadgudub jirka iyo afka ah.
  • Obsessive-compulsive personality disorder: dadka qaba cilladaan waxaa kurbo weyn ku haysa isku dubaridnaanta. Waxey jecel yihiin iney u hogaansamaan kala dambeynta. Waxey dareemaan raaxa la’aan hadii aysan jirin nadaam iyo kala dambeyn.

La noolaanshaha cilladaha dabeecada

Arinta ugu muhiimsan ayaa ah garashada iney jirto cillad xaga dabeecada ah. Dadka qaba cilladaha noocaan oo kala ah waxey aamin san yihiin sifooyinka dabeecadahooda iney yihiin kuwo caadi ah, sidaa darteen waxaa laga yaabaa iney xanaaqaan hadii lagu tilmaamo iney dabeecadooda cilladeysan tahay.

Sida loo caawiyo dadka la nool cilladaha dabeecadaha

Hadii aad tahay qof la saaxiib ah qof looga shakisan yahay iney dabeecadooda cilladeysan tahay, waxaa muhiim ah inaad ku dhiirisid iney raadiyaan caawimaad caafimaad. Waxaa laga yaabaa iney difaac galaan ama ay xanaaqaan laakin waa muhiim inaad ka gaabsatid inaad la murantid taa badalkeeda isku day inaad sheegtid dareenkaaga ku aadan qaladaadka dabeecadahooda

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *