Arrimo Muhiim Ah Si Aad U Gaadho Hadafka Aad Leedahay

Waxa aad moodaa in dadku aad ugu liito xaga diyaarinta iyo meelaynta hadafkooda, waana fursad runtii aad loo dayacay. Waxana dadku intooda badan u haystaan in dajinta hadafka ay leeyihiin iyo riyadu isku mid yihiin, waxaanad arki qof ku leh “waxaan doonayaa in aan miisaanka iska rido” “waxaan doonayaa in aan lacag badan helo” “waxaan doonayaa in aan quraanka xafido”, dhammaan hadaladaasi waa hadalo riyo ah, waxna kagama duwana ta qofka hurdaa ku riyoodo. Dib u eeg riyooyinkaaga, imisa jeer ayaad ku riyootay adiga oo diyaarad saaran, ama horumar wayn sameeyay, miyay taasi wax ka badashay noloshaada? Maya, markaad hurdada ka toostay waad qososhay adiga oo wali sii jeclaysanaya in aad riyadaas macaan ku sii jirto. Hadaba, dajinta hadafku way ka duwantahay riyada waxana loo baahanyahay in wax laga barto dadka khubarada ku ah nidaamyada kala gadisan ee dajinta hadafyada iyo qaabka loo gaadho, adigoo aan ilaawin talo-saaradka Allaah (SWT).

Muddo badan ayaan isku dayay in aan helo qaabka ugu wanaagsan ee loo dajin karo ama lagu gaadhi karo hadafka qofku leeyahay, waxana runtii aad ii anfacay qaab aan ka bartay Brian Tracey, oo ah khabiir xaga horumarka nafta iyo dhaqaalaha ah.

Waxa uu ninkani u dhigayaa qaabkan soo socda oo runtii wax badan kuu furfuri doona, waxna ka badali doona qaabka aad uga fekerto hadafyada aad leedahay

1. Go’aan ka gaadh Hadafka aad leedahay – Waa maxay shayga aad doonayso in aad ku guulaysataa ? Ma waxaad doonaysaa in aad quraan xafido ? Ma waxaad doonaysaa in aad shaqo cusub hesho ?  Ma waxaad rabtaa in aad luuqad barato ?. Go’aan aad gaadho iyo riyo aad ku riyootaa way kala duwantahay. Go’aan gaadh in aad doonayso gaadhista hadafkaa. Hadii aanad diyaar u ahayn ha dajin ee ka laabo. sabata oo ah, wax macno ah ma samaynayo hadaf la dajiyay oo aan talaabo laga qaadayni.

2. Qor oo qalin ku qor hadafka aad leedahay – si hadafkaagu uga duwanaado riyada gogosha waxa aad u muhiim ah in uu yahay wax qoran. Shay aad arki karto isaga oo meel ku qoran. Si cad u qor

3. U samee wakhti kama dambays ah oo aad hadafkaa rabto in aad ku gaadho – qodobkani waa muhiim sababta oo ah shayga hadii aanad wakhti u samayn macnaheedu waa waligaa ma doonaysid in aad gaadho. Shalay waad rabtay, maantana waad rabtaa, berrina waa sidaas oo kale. Goorma ayaad doonaysaa in aad hadafkaa gaadho ? Bil, sanad, 5 sano. Si cad u qor oo muuji wakhtiga kama dambaysta ah ee aad doonayso in aad gaadho hadafkaa isaga ah. Tani waxay leedahay dhawr faa’ido oo ay u horayso dareemis in masuuliyadi ku saarantahay. Waxa ay kugu samayn dhiiri gelin waayo mar walba oo aad aragto hadafkii aad dajisay oo ku sugaya mudadii aad dajisay waxay kugu khasbaysaa in aad talaabo ka qaado oo aad hore u dhaqaaqdo.

4. Ka fikir oo qor dhammaan arrimaha aad isleedahay waad ku gaadhi kartaa hadafkaas –

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *