Hadafka Haasaawaha

haasaawaha guurka, hadafka, shukaansiga,

Alifkii qalloocdaa Albaqruu ku dhibaa.

– Maahmaah Soomaali

Hadafka haasaawuhu waa hadaf wayn oo aanu kaalintiisa qofka dhallinyarada ahi dhaaddanayn. Waa xilli uu qofku ku gudajiro gaadhidda mid ka mid ah go’aannada noloshiisa ugu muhiimsan. Ha ku baraarugsanaado ama yaanu ku baraarugsanaane, wuxuu ku gudajiraa go’aankii uu ku dooran lahaa qofkii ay iska soo ag kici lahaayeen noloshiisa inta ka dhiman (haddii ay isku raagaan); qof ay qaab kasta iyo si walba isu qaabeynayaan. Hadday dumar tahay, waxay dooranaysaa qofkii ay nolosheeda iyo tan ubadkeedaba ku aammini lahayd; aabbe ay ubadkeedu wax badan ka baranayaan kagana dayanayaan.

Hadduu rag yahayna wuxu xilligan dooranayaa boqoraddiisa iyo hooyadii ubadkiisa barbaarinaysay, ama wuxuu dooranayaa qof uu ka qoomameeyo guursigeeda. Kolka aad eegto muhiimadda xilliga haasaawuhu leeyahay iyo sida micnadarrada ah ee ay dhallinta ku dhaafto, ee aad sidoo kalana eegto furriinka faraha badan ee bulshada ka dhex jira, waxa kuu soo baxaya xidhiidh wayn in uu ka dhexeeyo.

Haasaawihii hore

Waxaan jeclahay inaan is-barbardhig ku yara samaynno nooc-haasaawihii miyiga, kii ka dambeeyay, iyo kan maanta, sida uu u egyahay iyo waxa ay tahay in aan ka baddelno.

Haasaawihii hore labo qaybood baan u qaybinaynaa: haasaawihii magaalagalka la socday iyo kii hore ee miyiga. Haddaad in yar u fiirsato habkii ay dhallintii hore ee Soomaaliyeed ee miyaga joogay u haasaawi jireen, waxaad fahmaysaa in ay ka faa’iidaysashada muddadaa haasaawaha ay si wacan u fahansanaayeen.

Waxay ahaayeen dhallinyaro muddo kooban haasawda se muddadaa isku jarriba oo uu midba midka kale eego inta ay garashadiisu qodantahay iyo sida uu uga soo bixi karo nolosha adag ee ay ku noolaayeen. Kolka aad eegto inta yar ee ina ka soo gaadhay hal-xidhaaleyaashii ay isku jarribi jireen, waxaad ogaanaysaa in uu ahaa haasaawe ilaa xad lagu tilmaami karo in uu ahaa mid hadafaysan (yool lahaa).

Hasaawihii Dhexe

Kolkii uu magaalagalku billowday, dadkuna ay magaalooyinka iyo tuulooyinka soo galeen, waxay la kulmeen nolol aanay badi door ku lahayn oo aanay u baran. Noloshoodaa cusub waxay ahayd mid ay si habqan ah dadku isaga soo daba dhacayeen, hab-nololeedkeeduna aanay meelna haysan. Muddadaa magaalagalku bilowday ee dadku soo dhex galeen nolol aanay wax badan ka fahansanayn, ilaa laga soo gaadho xilligii burburka ee qaxootiyada la galay, haasaawuhu wuxuu ahaa mid ka duwan kii miyiga ee hadafaysnaa ee loogu diyaargaroobayay nolol macnaheeda iyo shaqada taallaba la fahansanaa. Waxa billowday haasawe magaalo haddana aan magaalaysnayn. Wuxuu ahaa, haasaawe iska caadi ah oo aan hadafaysnayn, kaasoo iskuullada iyo luuqyada xaafadaha la isku sugo oo inta jardiinnada (kaabadaha) la isla fadhiisto hareero iska-eeg iyo yaan la ina arkin badi wakhtigu qaato.

Haasaawaha Maanta iyo sida ay Muhiim u tahay inuu Hadafaysnaado

Haddaba, maanta iyadoo lagu jiro qarnigii 21-aad, oo ay oodofuranka (globalization) adduunyadii isu furtay, oo ay noloshii iyo hawlaheedii balaadheen, ayaad weli arkaysaa in dhallintu u haasaawayaan sidii xilliyadii dhexe loo haasaawi jiray ee iska caadiga ahayd. Nooc-haasaawihii hore iyo habnololeedkii jiray way is-lahaayeen, habnololeedka maanta jira se weli waxaan ku wadnaa nooc-haasaawihii hore ee ”gaaggaabayda” ahaa! Qofka maanta iyo qofkii shalay, qoyska maanta iyo qoyskii shalay, farqi wayn baa u dhexeeya noloshooda iyo waxa ay noloshu ka dalbayso.

Waxaa is baddelay dadka baahiyahoodii, qiyamtoodii, qanaacaadkoodii, hab-fahannadoodii, mudnaan-siintoodii, nooc-barbaarintoodii, dhaqan-dhaqaaleedkoodii, heerkoodii waxbarasho, iyo guud ahaanba hab-nololeedkoodii. Kolkaa, qofkii dhammaa ee aad noloshaa dhan ee is baddeshay wadaagayseen ee si walba wax idiin dhex marayeen waa fahan-darro hadduu qofku xilligii haasaawaha ee uu ku dooranayay uu iska noqodo mid uun u eeg kii shalay ee waxyaabaha caadiga ah laga wada sheekaysanayay. Haasaawaha maanta wuxuu u baahanyahay in uu noqodo mid qorshaysan.

Mid aad garanayso waxa aad u baahantahay iyo waxa aad qofka kalana uga baahantahay. Waa in uu noqdo haasaawe aad xog-ogaanayso in qofkan aad la sheekaysanayso uu yahay qofkii safarkaa dheer ee noloshan is wada baddeshay kula gali lahaa. Sidoo kale, waa in aad soo jeeddo oo aad hubiso in uu kugu habboonyahay, adiguna aad ku habboontahay. Malahayga, waxaa qodobkan fahankiisa soo dhawayn kara tusaale (anology) la barbardhigi karana noqon kara shirkadaha dadka shaqaalaysiiya.

Shirkaddu kolka ay kaalin shaqo ku soo bannaanaato oo ay shaqaale u baahato, waxay soo bandhigtaa booskaa bannaan ee ay doonayso in loo buuxiyo baahidiisa, dabadeedna waxay codsataa in uu qofku codsiga shaqada soo buuxiyo, isla jeerkaasna soo raaciyo warqad ka tarjumaysa waayo-aragnimadiisa (CV). Kolka ay kala shaandhayso dadkii shaqadaa soo codsaday, qofka iyo labada ay sii xulatay waxay ka qaaddaa waraysi dhinacyo badan leh oo looga golleeyahay in shirkaddu isu eegto baahida ay qabto ee ay doonayso in loo buuxsho iyo qofkan karaankiisa iyo xirfadihiisa in uu yahay qofkii kaalintaa u buuxin lahaa iyo in kale.

Haddaba, kolka uu qofku doonayo in uu qof noloshiisa ku soo biiriyo, waxaa sidaasoo kale muhiim ah in uu eego qofk uu la haasaawayo in uu yahay qof baahiyaha uu qabo buuxin karaya, waxa uu ku liitana ku wanaagsan. Intaa marka uu hubiyo, waxa sidoo kale muhiim ah in uu eego in uu isaguna yahay qof buuxin kara baahiyaha qofka uu la haasaawayo, iimaha uu qofkaasi leeyahayna uu isagu ka madhanyahay ama aqbali karo, waayo haddii aan labadaa la is waafajin isku habboonaantii ayaa meesha ka baxaysa.

Hadduu Eebbe yidhaahdo, cutubyada soo socda ayaad kaga bogan doontaa sida la isku waafajinayo qaybo badan oo ka mid ah isku-habboonaantaa (compatibility).

Akhriso: 6 Arrimood Oo Been Ah Oo Naftooda U Sheegaan Dhalinta Aan Weli Guursan

Mubarak Hadi

Garaadso Intaadan Guursan

Check Also

qalbiga gabadha, jacayl, gabar,

Furayaasha Qalbiga Gabadha & Sida Jaceyl Loogu Abuuro

Gabadhu abuur ahaan waa xasaasi, waxa aanay jeceshay kalgacal iyo shucuurta naxariista iyo koolkoolinta lihi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *