7 Waxyaabood Oo Qiima Badan Oo Ay Tahay Inaad Barto Caruurtaada

Inaad Caruurtaada barto waxa saxda ah waa mas’uuliyad gaar ah oo saaran waalidiinta. Hadaba waa kuwan waxyaabaha aad u baahantahay inaad caruurtaada barto.

1) Bar ilmahaaga Deeqsinimada iyo caawimaada.

Caruurtu waxa ay noqon karaan kuwa deeqsi ah ama caawimaad badan hadii la baro xiliga ay yaryaryihiin. Dhankale hadii ilamahaagu ku arko adigo deeqsi ah misana dadka caawinaya waxaa hubaal ah inay kugu dayanayaan. Tusi Tusaale fiican caruurtaada markasta si ay beri u noqdaan kuwa waxtar leh.

2) Bar ilmahaaga inuusan Been sheegin.

Waxa kale iyadana muhiimad gaar ah leh in ilmahaaga barto inaysan been sheegin. U sheeg markasta wanaaga ay Runta leedahay. Sido kale u sheeg in beenta tahay wax markasta la isku ciqaabo Runtana la isku abaal mariyo. Adigu Been ha u sheegin ilmahaaga, haddii aad wax u balan qaadana isku day inaad siiso waayo ilmahu marka hore hadduu kaa wayo marka kale wuxuu u maleynaa inaad been u sheegi, waa inaad u noqotaa ku dayasho wanaagsan.

3) Bar ilmahaaga inusan qofna dhaawicin.

Waalidiinta waxa laga doonayaa in caruurtooda baraan inay qofna dhaawicin maskax ahaan iyo jir ahaan, shaqsi ahaan iyo famil ahaan. Caruurtu waa in la baraa in la dhaawacaa qof inay tahay wax aad u xun. Waa inay si dhaqsi ah u raali geliyaan ama ay la kulmayaan wixi sameeyeen wax la mid ah.

4) ilmahaaga waa inaad bartaa inaysan wax Xadin.

Sido kale ilmahaaga waa inaad bartaa inaysan wax xadin. Waa inaad ogeysiisaa in xatooyadu tahay wax Danbi ah misana aan banaaneyn. Nooc kasta oo xatooto ah hayaraado ama ha weynaado. Una sharax in xatooyada ugu danbeyn ay tahay wax la isku ciqaabo.

5) Ilmahaaga waa inaad bartaa Raali gelinta.

Waa wax muhiim ah in caruurta la baro Raali gelinta marka ay qalad sameeyaan ama ay qaldamaan. Inaad caruurtaada barto sida dadka loo raali geliyo  waxa ay ka dhigeysaa kuwa sharaf iyo qiimo gaar ah leh.

6) Bar ilmahaaga khalad iyo Sax.

Ku dadaal markasta in ilmahaaga bartaan waxa Saxa aha iyo waxa Khaladka ah. U sharax meelaha ay khladaadka ka imaan karaan. Taasi waxay keenaysaa in marka ay waynaadaan ay noqdaan kuwa khaladaadkooda yaryahay.

7) Bar ilmahaaga sida wanaagsan ee loola dhaqmo caruurta kale:

waa inaad barto hababka wanaagsan ee loola dhaqmo caruurta kale, sida loola doodo(niqaasho) oo aad barto ixtiraamka naftiisa iyo mida kalaba.

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *