Sababaha Ay U Wanaagsan Tahay Inaad Guursato Haweeney Garoob Ah

Ragga qaar way ka fogaadaan shukaansiga haweenka garoobka ah ee caruurta haysta, xittaa kuwa furniinka soo maray waxay raadiyaan gabar aan weligeed guur soo marin.

Waxaa jira fikrado qaldan oo laga haysto haweenka garoobada ah ee caruurta sooo dhalay. Waxaad moodaaa in garoobnimada ay noqotay wax haweenka lagu liido ama lagu caayo, iyadoo dadka qaar ay u arkaan in gabadha ugubka ah ee aan guur soo marin ay ka qiimo sarreeyso midda garoobka ah waxaase la yaab leh in dadka sidaas u fakaraya ama dacaayadeeya haweenka garoobka ah qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ay soo barbaarisay oo ay nolol adag ku soo korisay hooyo garoob ah keligeed.!

Gabadha hooyada noqotay waxaa u siyaaday darajo, waxaana sare u kacay qiimaheeda. Hooyo keligeed ilmaheeda korsanaysa, u shaqaysanaysa dhexda u xiratay, wax walba u huraysa si caruurteeda ay u helaan nolol fiican oo isku qaadatay kaalintii hooyonimo iyo aabonimo ee ubadkeeda waxay mudan tahay duco ammaan, dhiirragelin iyo garab istaag.

Siyaabo kala duwan ayay haweeneydu hooyo garoob u noqon kartaa- inay saygeeda kala tagaan ama inuu ka dhinto. Dumarka garoobka ah waxay garanayaan sida loo maareeyo caqabadaha iyo sida si wacan caruurta loogu koriyo.

Qormadaan kooban waxaan ku soo qaadanaysaa faa’idooyinka uu leeyahay guurka haweenka garoobada ah ee ubadka soo dhalay.

Waxay waayo-aragnimo u leedahay guurka:

Haweeneyda wax badan ka og ninka ayaa si wacan u dhaqan karta ninkeeda. Waxay fahamsan tahay, dareemadiisa, afkaartiisa, waxa farxad geliya, waxa ka careysiiya iyo waxa uu xiiseeyo. Tani waxay caawinaysaa inay ninka u noqoto xaas wanaagsan.

Waxay ku siinaysaa waqti kugu filan:

Haweeneyda garoobka ah uma baahna inaad waqti walba wada qaadataan, caruurteeda iyo horumarinta nafteeda ay ku mashquulaysaa adigana waxay ku siinaysaa nafaas iyo waqti kugu filan.

Waxay khibrad u leedahay ubad barbaarinta:

Caruur barbaarintu waa xirfad aasaasi ah oo ay tahay in la barto, sida bani-aadamku ay ugu kala wanaagsan yihiin xirfadaha kale ee nolosha ayay ugu kula fiican yihiin ubad barbaarinta. Hooyada garoobka waxay khibrad u leedahay caruur barbaarinta, tani waxay caawinaysaa inaad si wacan u qorshaysaan nolosha qoyska.

Waxay ku fiican tahay maareynta maaliyadda:

Haweeyneyda garoobka ahi dhaqaale ahaan waa qof masuul ah,dukaameysiga nafteeda waxay ka jeceshahay inay caruurteeda u iibiso wax ay u baahan yihiin ama ay xiiseynayaan. Nafteeda waxay ka hormarisaa danta caruurteeda, waxay mar walba ka fikirtaa sidii ay u qurxin mustaqbalka ubadkeeda.

Way isku filantahay:

Hooyada garoobka ah waxay meel walba u martaa oo ay wax walba u hurtaa ubadkeeda iyadoo aan wax garab ah ka helayn cid kale. Tani waxay ku tusinaysaa kartideeda, sida ay iskugu filan tahay iyo haddii adiga ay wax kugu dhacaan inay reerka ku filnaan karto.

Waxay garanaysaa dhibka uu leeyahay burburka qoyska:

Haweeneyda Garoobka ah kuma degdegto guurka, wayna iska ilaalisaa inay ku fududaato qof aysan isku qalmin ama ubadkeeda aan u wanaagsanayn, haddii ay hesho nin wanaagsan, way ilaashataa reerkeeda, waxayna ka fogaataa wax kastoo ka burburin kara. waxay garanaysaa masuuliyadeeda wayna ku dedaashaa in kaalinteeda hooyonimo iyo xaasnimo ay ka soo dhalaasho. Waxay soo baratay sida loo xalliyo khilaafka qoyska.

Akhriso: Sababaha Ugu Badan Ee Keena Khilaafka Lammaanaha!

Akhriso: Dhibaatooyinka Nafsiga Ah Ee Raggu Ka Qaadaan Furniinka

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *