4 Talaabo Oo Aad Ku Horumarin Karto Xirfadaada

ALLE SUBXAANAHU WATACAALAA bini aadanka uu abuuray waa ay kala duwan yihiin hadeey ahaan laheyd muuqaalka, awooda shakhsiyadeed, hibooyinka uu eebe nasiiyay intaba waa kala duwanyihiin. Waxa jira dad badan oo leh xirfad kuwaasoo u baahan inay hormariyaan xirfadooda si ay heer uga gaaraan ama ay uga mira dhaliyaan. Si aad u hormariso xirfadaada waa inaad dadaal badan sameeysaa oo aad dhabar adeegtaa sababtoo ah wax su fudud ku imaanaya ayaan jirin.

Dadka caanka ah oo heer ka gaaray xirfadooda kala duwan waxeey soo mareen isku dayo badan oo fashilmay si ay u hormariyaan xirafdooda.

Waxaa jira talaabooyin dhoowr ah kuwaasoo kugu saacidi kara inaad hor mariso xirfadaada waxaana ka mid ah:

  1. Soo Saar Xirfadaada iyo Hibadaada marka hore

Qofka ma awoodi karo inuu hormariyo xirafiidiisa hadii uusan ogeeyn xirafaha uu leeyahay iyo hibooyinka u khaaska ah. Waxaa jiro dad badan oo qeeybo badan takhasus kasoo baxay hadane ku fashilmay takhasuski ay kasoo bexeen ma aha micnaheeda ineey imtixaanka ku dheceen ee ma aysan ahayn kuwo u diyaarsan ama xoog ku leh takhasuskaas sidaa darted raadi qeeyb aad ku xoogantahay oo aad hormarin karto.

  1. Kordhi Aqoonta aad u leedahay Xirfadaada ama Hibadaada

Tusaale ahaan hadii aad tahay Dr(s) waa inaad barataa oo aad iska dhistaa aqoonta dhakhtarnimo, waa inaad raadisaa buugaag hore ama kuwi dambe si mar walbo aqoontaada u koro dho mar walbo oo aad ku dadaasho inaad aqoontaada dhisto marwalbo oo xirfadaada sii koroto.

  1. Ku CelCeli Ku in badan

Hadalkaan hortaada dhigo “Guusha boqokiiba 1 waa hibo, boqolkiiba 99 waa shaqo” laga yaabe inaad leedahay hibo uu eebo ku siiyay laakin hibadaas aad la fadhiisatay oo aadan ka shaqeeysiinin, sidaa u hormariso xirfadaada waxaa lagama maarmaan ah inaad ku cel celin badan aad sameeyso oo khaladaadki aad gashay aad wax kabarato hormarna aad sameeyso haba yaraadee, nafsadaada waxaad arki doontaa ineey hormari sameeyneeyso oo tartiib tartiib aad u koreeyso.

4.Wax cusub tijaabi

Si xirfadaada u kororto tijaabi wax cusub ha ahaato wax aad adiga alifatay ama wax dad kale eey alifeen.

Mar walbo xasuuso xirfada, aqoonto iyo guusha ma rumoobaan ilaa dhib iyo dhabar adeeg mooyee, riyada aad leedahayna iskama rumoobeeyso hadii aadan dadaal dheeraad ah galinin hana ka niyad jabin hadii mar iyo 2 mar aad ku fashilanto, khaladaadkana wax ka baro.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *