Xanuunka Xaniinyaha Ku Dhaco Ee Farikoosil (Varicocele)

farikoosil waa midka ugu badan ee madhalays ku sababa ragga waana markii ay weynaadaan ama balaartaan xididada dhiiga ka qaada xaniinyaha oo geeya sambabada si dhiiga loogu soo daro ogsijiin, Xididadaan oo dhumucdooda kabalaarta ayaa loo yaqaana varicocele. Waa xaalad lagu arko in badan oo ragga ka mid ah. Waxaa la qiyaasaa in 100kii ninba 15 kamid ah lagu arko xaaladdaan.

farikoosil waxaa uu hoos udhigaa soo saarida shahwada, taasoo keeni karta in ninku uu noqdo ma dhalays.

98% iyo in kabadan waxaa lagu arkaa farikoosil xiniinta bidix. farikoosil waxuu sababi karaa in xaniinyahu aysan samayn wax koriimo ah, taas oo sidoo kale keeni karta in tayada shahwada noqoto mid hooseeysa oo aan bacrimin kara ugxanta dumarka.

Maxaa sababa varicocele?

Inta badan ma cada waxa sababa farikoosil, balse waxaa la aaminsan yahay in weelalka u dhaxeeya veinska ku dhexjira tubada soo qaada minida ay isusoo dhawaadaan taaso sababaysa in dhiiga maraya xididadaasi uu la kulmo cadaadis, kadibna uu waynaanayo ama balaaranayo dhumacda xididka. Tani waxay dhaawici kartaa xaniinyaha waxayna bilow u noqon kartaa dhalma la’aan. Xalaadaan waqtiga ugu badan ee la arko ayaa ah xiliga qaangaarnimada.

Sababta xanuunkaan loogu baraarugo waqti dambe waa iyadoo aysan jirin calaamado qofka walaac ku abuuri kara sida xanuun, daqnasho, isbadal muuqaal wayn IWM, Cilladaani si kadis ah kuma timaado, muddo ayay qaadataa inay samaysanto, midda kale qasab maahan qof walba oo astaamahaan isku arkay inuu madhalays noqonayo.

Astaamaha Lagu Garto xanuunkan:

farikoosil malahan wax astaan ah inta badan, waxaana laga yaabaa inay marmarka qaar la dareemo xanuun kaasoo kasii dara marka la istaago, xanuunka ayaa iska taga marka loo jiifsado dhanka dhabarka. Calaamad kaliya ee la arki karo ayaa ah xididada veinska ee haraga xaniinyuhu ku jiraan oo ishu qaban karto, kana balaaran ama dhumuc weyn marka ay caadiga yihiin.

Waa maxay khataraha ka dhalan kara?

Khataraha ka dhalan kara farikoosil ayaa ah kuwo ku kooban taranka ninka. Inta badan waxaa lagu arkaa xaniinta bidix waxaana yaraada ama isku soo urura xaniinta taasoo saamayn ku yeelanaysa heerka shahwad samaynta. Yaraanshaha shahwada iyo tayadeeda ayaa ugu danbeyn keenaya in taranka ninku uu noqdo mid aan mira dhalayn.

Ma la dawayn karaa xanuunkan?

Farikoosil inta badan uma baahna wax dawo ah waana mid iska xalismata, haday keenayso xanuun ama calaamado muuqda oo la arki karo ama dhalma la’aan waxaa lagama maarmaan in la daweeyo. Qaabka ugu badan ee loo daweeyo ayaa ah qalliin taasoo lagu furayo xididka ay isu soo dhawaadeen weelalkiisu, si dib loo soo celiyo isusocodka dhiiga ee xaniinyaha. Qalliinka kadib waxaa dhici kara in ay dib usoo noqoto farikoosil ama in dheecaan uu galo haraga xaniinta hydrocele.

Talo:

Hadii aysan jirin wax xanuun ah ama dhalma la’aan ah oo uu sababayo farikoosil waxaa wanaagsan inaadan xiran dharka kugu dhagan ama aadan isku dhajin suunka tani waxay yarayn kartaa cadaadiska dhiiga ee xididada xaniinyaha. Marwalba la tasho dhaktar waayo xaaladaan waa mid ugu danbeyn keeni karta dhalmo la’aan.

Akhriso: Xanuunka Xaniinyo Duubadka Ama Marjiska Xaniinyaha (Testicular Torsion)

Check Also

cuntooyinka kacsiga raga,

Cunnooyinka Sare U Qaada Hamiga Jinsiga Ee Ragga

Ragga waxaa soo wajihi kara dhibaatooyin kala duwan marka laga hadlayo noloshooda galmada sida cilladaha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *