Faa’idooyinka Cabitaanka Tufaaxa, Baytaraafka Iyo Karootada & Xaaladaha Caafimaad Ee Uu La Dagaallamo

Cabitaanka dabiiciga ah waxaa uu baabi’iyaa oonka, waxaa laga helaa nafaqo, culaysna ma saaro beerka iyo kilyaha.

Hadaba casharkaan waxaan soo qaadanaynaa cabitaan aad caafimaadka ugu roon oo laga samaynayo saddex shay oo dhulkeenna si fudud looga heli karo kuwaas oo kala ah tufaax, baytaraaf iyo karooto (dabocase).

Cabitaankan, waxaa meelo badan dunida ka mid ah looga adeegsadaa in jirka sunta looga nadiifiyo.

Cabitaanka tufaaxa, baytaraafka iyo karootada la isku shiido wuxuu leeyahay faa’iidooyin tiro badan, difaaca jirka ayuu xoojiyaa maqaarkana wuxuu iftiimiya, sidaas darteed wuxuu kor u qaadaa caafimaadka iyo quruxda jidhka.

Faaidooyinka caafimaad ee tufaaxa:

Tufaaxa wuxuu hodan ku yahay nafaqooyin ay ka mid yihiin fitamiin A, fitamiin B1, fitamiin B2, fitamiin B6, fitamiin C, fitamiin E, fitamiin K, folate, niacin, zinc, copper, potassium, phosphorus iyo manganese. Tufaaxa waxaa ku jira ganka loo yaqaanno “dietary fiber” kaas oo caloosha jilciya caafimaadkana faaido u leh. Maadaama tufaaxu uu qani ku yahay fitamiin C iyo walxaha sunsaarista, waxa uu caawiyaa dhisidda hab-dhiska difaaca jirka, habdhiska neerfaha iyo ka hortagga waxaa loo yaqaanno “free radicals”.

Faaidooyinka caafimaad ee baytaraafka:

Bytaraafka waxaa ku jira xaddi aad u badan oo ah asiidka Folic Acid iyo dietary fiber labadaas oo la og yahay in ay leeyihiin faa’idooyin caafimaad oo aad u badan. Baytaraafka waxa kale oo ku jira isku-dhisyo dhireed oo si weyn u xoojiya hab-dhiska difaaca ee qofka.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegaan in cunista baytaraafku ay kor u qaaddo tamarta ku jirta jidhka, dejiso dhiig karka, isla markaana yarayso hurka iyo xanuunka kala-goysyada.

Faaidooyinka caafimaad ee karootada:

Karootada waxaa ku jiro fiitamiinnada A, B1, B2, B3, B6, C, E iyo K waxaa kaloo laga helaa maadooyin ay ka mid yihiin; niacin, folate iyo macdanaha phosphorus, calcium, potassium, magnesium iyo selenium.

Maadada “beta-carotene” ee ku jirta karootada waxay faa’ido u leedahay indhaha, awoodda aragga ayay siyaadisaa, waxay kaloo ka hortagtaa dhaawaca sonkorta ay gaarsiiso isha iyo caadka indhaha fuulo.

Karootadu waxay kontarooshaa heerka sonkorta ee dhiigga, waxayna ka hortagtaa howlgabka ama firfircooni yarida unugyada soo saaro insulinta.

Aan eegno faa’idooyinka caafimaad ee isku darka saddexdaan shay:

Nafaqo:

Cabitankani waa il hodan ku ah fitamiinno iyo macdano kala duwan sida fitamiin A, fitamiin B1, fitamiin B2, fitamiin B6, fitamiin C, fitamiin K, fitamiin E, folate, xadiid, magnesium, phosphorous, potassium, kalsiyaam, zinc, copper, niacin, sodium iyo manganese.

Sun Saarista:

Si uu jirku si habsami leh ugu shaqeeyo waxa muhiim ah in laga saaro sunta, taasna waxa kaa caawinaya cabbitaanka tufaaxa, baytaraafka iyo karootada la isku shiido oo ay ka buuxaan walxaha jirka sunta ka saaro.

Caafimaadka wadnaha:

Cabbitaanka tufaaxa, baytaraafka iyo karootada waxaa ku jira waxyaabo uroon caafimaadka wadnaha, wuxuu caawiyaa kantaroolista cadaadiska dhiigga, Wuxuu nidaamiyaa heerka kolestaroolka, wuxuuna ka hortagaa cudurrada wadnaha.

Qurxinta maqaarka:

Cabbitaanka wuxuu baabi’iyaa finanka, nabraha, iyo burooyinka wajiga iyo qoorta ee loo yaqaanno “blackheads”, maqaarkana wuxuu siiyaa dhalaal. Waxaa ka buuxo fiitamiin A iyo beta-carotene oo la dagaallamada calaamadaha duqnimada.

Awoodda maskaxda:

Cabitaankani waxaa uu faaido u leeyahay kobcinta awoodda maskaxada. Waxaa uu xoojiyaa xasuusta, waxaana uu wanaajiyaa u fiirsiga iyo dhugmada,

Caafimaadka indhaha:

Fiitamiin A-ga ka buuxo cabbitaankan wuxuu indhaha ka ilaaliya engagga iyo daalka ay keenaan taleefannada, kombiyuutarka iwm, wuxuuna sare u qaadaa awoodda aragga.

Kordhinta tamarta:

Cabbitaankan oo loo soo gaabiyo ABC (Apple, beetroot, Carrot), waxaa laga helaa tamar iyo awood nafaqo, mana lahan kalooris badan waxaa ku jiro fiber oo cayilka la dagaallamaa.

Awood siinta xubnaha gudaha:

Maadooyinka “alpha” iyo “beta carotene” ee laga helo baytaraafka iyo kaarootada waxay beerka ka caawiyaan qashin saarka, waxay cadaadiska ku ilaaliyaan in heerkiisa dabiiciga ah uusan dhaafin, koletaroolka ayay kantaroolaan waxayna fududayaan cunno shiidista. Tani waxay ka hortag u tahay oo ay la dagaallantaa wadne xanuunka, samaysanka nabarrada caloosha, cudurrada ku dhaca beerka, calool istaagga raaga iyo cillahada kilyaha.

Xoojinta difaaca jirka:

Nafaqooyinka kala duwan ee ka buuxa cabitaanka cajiibka ah, waxay sare u qaadaan awoodda difaaca jirka. Tani waxay ka hortagtaa xanuunno ay ka mid yihiin hargabka iyo dhiigyarida (anaemia). Kobcinta haemoglobin-ta iyo unugyada dhiigga cad waxay muhiim u tahay wanaajinta difaaca jirka. Cabista cabitaanka tufaaxa, baytaraafka iyo kaarootadu waxay wanaajinaysaa in jirku uu soo saaro unugyada dhiigga cad iyo haemoglobin ta.

Goormee la cabbaa cabitaankan?

Waxaa lagu dardaarmaa in cabitaankan la cabbo maalin kasta. Waxa uu ugu faaido badan marka la cabbo caloosha oo maran, sida subaxdii quraacda ka hor.

Sidee loo diyaariyaa?

Waxaa loo baahan yahay:

  • 1 xabbo oo tufaax ah
  • 1 xabbo baytaraafka
  • 1 xabbo oo karooto ah

Habka diyaarinta:

  • Bayataraafka si fiican u mayr oo diirka ka fiiq kadibna jarjar.
  • Jar jar tufaaxa iyo karootada.
  • Ku rid mashiinka cabitaanka lagu shiido
  • Ku dar rubuc koob biyo ah (1/4 cup of water) kadibna isku shiid

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *