Xaddiga Biyaha UU Jidhku U Baahan Yahay Iyo Hababka La Iskaga Ilaalin Karo Harraadka Xiliga Ramadaanka

Jidhka aadamuhu waxa uu maalin kasta u baahan yahay ugu yaraan laba litir oo biyo ah, xilliga xagaagana baahidaasi waa ay sii korodhaa heerkulka kor u kacaya awgeed. Waxa ay si gaar ah baahidu ugu sii badataa dadka sameeya jimicsiga jidhka iyo ciyaaraha kala duwan.

Marka ay Ramadaan noqotana waxaa waajib noqota in jidhka loo kordhiyo biyaha uu helayo, si looga badbaadiyo khatarta caafimaad ee ka dhalata ingagga jidhka ay biyo la’aantu ku keento iyo kulaylka qorraxda ee jidhka dhaca, gaar ahaan marka heerkulku dhaafo boqolkiiba 40 ka oo ah marka ay keento xaalado caafimaad oo khatar badan.

Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in xilliga xagaaga uu jidhku u baahan yahay ugu yaraan saddex litir oo biyo ama cabbitaanno kale ah, sida sharaabka iyo caanaha, ama ah biyaha ku jira khudradda sida xabxabka, khayaarka iyo shamaamka iyo kuwa la midka ah.

Biyuhu waxa ay ka qayb qaataan burburinta maaddooyinka cuntada ku jira, taas oo caawisa habka ka faa’idaysiga cuntada iyo qashin qubka, waxa aanay hoos u dhigaan heerkulka jidhka.

Qofka sooman waxaa la gudboon in uu bisha soon awoodda saaro cabbitaannada kala duwan ee aan sonkorta lahayn, si aanay ugu keenin suus ilkaha ka gala ama dhiirrigelin in miisaanka qofku kordho.

Waxaa iyaduna muhiim ah in xilliga afurka la cabbo shurbadda. Waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in shurbaddu ku fiican tahay in la cabbo xilliga calooshu madhantahay, waayo, caloosha ayaa ay u fududahay, waxa aanay jidhka siisaa biyo.

Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in waqtiga la afuran yahay oo dhan uu qofku hadba biyaha wax ka cabbo isaga oo aan sugayn in uu harraado, si uu jidhku u helo biyo ku filan oo ka ilaaliya ingagga.

Harraadka

Harraadku waxa uu ka mid yahay dhibaatada ugu badan ee ay inta badan dadka soomani ka cawdaan xilliga maalinnimada. Shabakadda Alcarabiya ayaa dhowaan faafisay warbixin ay ku soo ururinayso talooyinka ay xeeldheerayaashu ka bixiyeen hababka ugu habboon ee looga fogaan karo harraadka maalinnimada soonka.

Ugu horreynba waa in qofku uu caado ka dhigtaa in uu habeennimada cabbo ugu yaraan 8 koob oo biyo ah. waxaana muhiim ah in cabbitaanka biyahaas uu u qaybiyo inta u dhexeysa afurka iyo illaa suxuurta. Waxaa la ogaaday biyaha oo inyar inyar loo cabbo waqti kala durugsani in ay jidhka awood u siiso in uu biyo fiican kaydsado, si uu xilliga baahida u isticmaalo. Taas oo aad uga duwan in biyo badan mar keliya la cabbo oo keenta in biyaha jidhka dhaafayaa ay ka bataan intii ay ahayd in ay qashin ahaan u baxaan, maadaama oo biyaha badan ee mar la wada cabbay awgeed ay maskaxdu u fahmayso in biyo dheeraad ahi jidhka galeen oo loo baahan yahay in la saaro.

Ka fogoow cuntooyinka iyo cabbitaannada ay sonkortu ku badan tahay, gaar ahaan iska ilaali xilliga suxuurta. Waxaa la ogaaday in sonkortu ay dhiigga iyo unugyada jidhka ka saarto dareeraha uu u baahnaa.

Sida oo kale iska jir cuntooyinka xawaashyada badan ama busbaaska leh. Waxa kale oo muhiim ah in aad iska ilaaliso cuntada ay milixdu ku badan tahay. Waxa ay xeeldheereyaasha nafaqada cuntadu sheegeen in cunista cuntada ay xawaashka ama milixdu ku badan tahay ay jidhka ku abuurto baahi badan oo biyood.

Khubaradu waxa ay sheegeen in xilliga soonka ay fiican tahay in la cuno noocyada kala duwan ee khudradda. Khudradda waxaa ku jira biyo badan oo sababa in jidhku uu biyo kaydsado. Ugu dambayn waxaa fiican in qofku uu ka dheeraado cabbitaannada leh maadadda Caffeine oo dhibaatadoodu ay tahay in ay jidhka ka saarto macdanno  iyo biyo badan.

Diyaariy: Kamaal Marjaan

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *