Sonkorta Dhiiga Oo Hoos U Dhacda (Hypoglycaemia)

Sonkorta dhiiga ee hoos u dhacda (Hypoglycaemia) waxaa inta badan lala xiriiriyaa dawooyinka loo qaato sonkorowga, sidoo kale waxaa sababi karo xaalado kala duwan. Xalaadaan ma ahan xanuun ee waxey tilmaameysaa in ay jirto dhibaato caafimaad.

Dawada degdega ah ee lagu daweeyo marka sonkorta dhiiga ay hoos u dhacdo ayaa ah in laqaado tillaabooyin degdeg ah oo kor loogu qaado sonkorta ama glucose ta ku jirta jirka. Caadi ahaan sonkorta ku jirta dhiiga waxaa laga rabaa iney u dhexeyso 70 ilaa 110 miligram halki disiliter ama mg/dL. Waxaa kor loogu qaadi karaa qofka in lasiiyo cunnooyinka sonkorta badan leh ama dawooyin. Arintaa waxey u baahan tahay dawo waqti dheer qaadata si loo ogaado loona daweeyo waxa sababaya.

Astaamaha sonkorta dhiiga ee hoos u dhacda

Sida gaariga uu shidaal ugu baahan yahay ayey maskaxdaaduna ugu baahan tahay iney hesho sonkor ama glucose joogta ah si ay si fiican ugu shaqeyso, hadii glucose ta ku jirta dhiiga ay hoos u dhacdo, astaamaha iyo calaamada ay sababi karto waxaa kamid ah:

  • Wadna garaac
  • Daal
  • Maqaarka oo midab barax yeesha
  • Jareyn
  • Dhidid
  • Gaajo
  • Dabeecad xumo
  • Jamashada cunnada xiliga hurdada

Xaaladaan marka ay ka sii darto qofku wuxuu dareemaa:

  • Wareer: sida qofka oo aan qaban karin shaqo caadi ah
  • Aragga oo isku qasma
  • Qallal
  • Miyir daboolmid

Dadka ay sonkortoodu dhacsan tahay waxey u muuqdaan sida qof sarqaansan oo kale. Waxaa jiri kara xaalado kale oo sababa astaamaha kor ku qoran. Waxaa lagu kala saari karaa in qofka laga qaado dhiig lagu baarayo heerka sonkorta ku jirta dhiiga

Sababaha

Waxyaabaha sababi karo waxaa kamid ah dawooyinka loo qaato sonkoroowga. Hadii qofku uu isticmaalo insulin badan ama dawooyinka lagu dejiyo sonkorta, waxaa suurta gal ah in sonkorta ay aad u dhacd, sidoo kale qofka hadii uu san cunin cunno waqti dheer marka uu qaatay dawada sonkoroowga kedib, waxaa hoos u dhac uu ku yimaadaa sonkrota dhiiga

Waxyaabaha sababa ee aan sonkoroowga shaqo ku laheyn

  • Dawo. Qofka hadii uu ku sirmo dawo qof kale uu u isticmaalayay xanuunka macaanka, waxaa suurta gal ah in sonkorta dhiiga ay hoos u dhacdo
  • Xanuunada beerka. Ayaa sidoo kale sababi kara in sonkorta ay hoos u dhacdo
  • Buro kasoo baxda ganaca. Ayaa kor u qaada soo saaridda hormoonka insulin oo ah hormoon sonkorta ka yareeya dhiiga
  • Hormoonada qaar. Kuwa jirka uu soo saarin in ku filan ayaa sidoo kale sababi kara xaaladaan

Dhibaatooyinka la xiriira sonkorta dhiiga ee hoos u dhacda

Hadii aad iska indhatirtid astaamaha xaaladaan waqti dheer, waxaa macquul ah in aad miyir daboolantid, sababtoo maskaxdu waxay u baahan tahay sonkor si shaqo waafi ah ay u qabato. Garasho u yeelo astaamaha iyo calaamadaha xaaladaan si aad durbadiba wax uga qabatid

Talo

Raadi daryeel caafimaad hadii aad:

  • Isku aragtid astaamah sonkorta dhiiga ee hoos u dhacda adiga oo aan qabin xanuunka macaanka
  • La nooshahay xanuunka sonkoroow, iyo in aysan sonkorta kasoo hagaageyn hadii aad qaadatid dawadi loogu talo galay
  • Aragtid qof qaba xanuunka sonkorowga oo ka cabanaya astaamaha sonkorta dhiigga ee hoos u dhacda ama miyir daboolmay.

Check Also

cunto ku bilaabista, caruurta yar yar, nafaqada caruurta,

Goormee Cuntada Lagu Bilaabaa Caruurta Yar Yar, Cuntadee Se U Fiican?

Caanaha naaska aad ayay muhiim ugu yihiin ilmaha yar, waana in labo sano la nuujiyo. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *