Sidee U Falcelisaa Markaad Xanaadqo? Ogaal U Yeelo 4 Sirood Oo Muhiim Ah

Sida aad u falceliso kolka aad xanaaqdo ayey cilmibaareyaashu sheegeen in ay caddeyneyso habdhaqankaaga iyo dabeecadaha gaarka kuu ah.

Xanaaqu waa shucuur aan muujinno maalinba maalinta ka dambeysa. Xaaladaha qaar waxa la sheegaa in xanaaqa la maareyn karo haddiiba ay qofka ka go’an tahay. Raadadka saameynta leh ee xanaaqu nooga tago ayaa ah: dareen qanacsanaan la’aan ah, isfaham la’aan, gef, iyo sidoo kale niyadjab laga qoomameeyo. Haddaba, aynu gudagalno falcelinnada ay dadku muujiyaan kolka ay caroodaan, iyo xogaha aqoomeysan ee laga qoray, kuwaas oo fasiraad guud ka bixinaya dabciga qofka.

Qeylada

Dadka qaarkood haddii ay si qallafsan u hadlaan oo ay qeyliyaan marka ay xanaaqaan, waxay ka dhigan tahay oo ay aaminsan yihiin in aan la fahmin, iyagoo u mooda in qofka kale si kas ah isu moogeysiinayo waxa gubaya ee ka careysiiyey. Mararka qaar, dadka sidan u dhaqma waxay qofka kale ku qasbaan inuu ogaado waxa maskaxdooda ka guuxaya ee uurkoodu rabo, waana mid ka mid ah sababaha keenaya in caradoodu qeylo isu beddesho oo ay joogto noqoto.

Haddii ay ku qaldan yihiin arrinta ay ka xanaaqeen oo laga gar leeyahay xitaa, waxay u haystaan in hadalku ka awood badan yahay aamusnaanta, ayna ku guuleysanayaan doodda markaas taagan. Laakiin xaaladaha qaar, waxay arrintani yeelataa natiijo aan fiicneyn oo ah: in aanan la dhageysan qofka qeylinaya. Dadka dhaqamadaas leh ma daneeyaan dareennada dadka kale, lamana aha ama kuma baraarugsana in arrintani qalbigooda dhaawaceyso.

Murugo Iyo Aamusnaan

Waxaa jira dad farokutiris ah oo aamusnaan muujiya kolka ay caroodaan, waxayna ka walwalaan in ay xaaladdooda ka hadlaan iyaga oo ka baqaya in ay ka dhibaan dadka ay aadka u jecel yihiin ee ay ilaashadaan, ama sabab ka xiriirra in la fahmi waayo ayey u doortaan aamusnaanta.

Waxay ka meermeeraan in ay ka hadlaan waxa ka careysiiya iyo sida ay wax u rabaan, sabab kale oo la xiriirta aamusnaanta oo ka wanaagsan in la hadlo. Arrinta layaabka leh ayaa ah in ay caradooda la sugaan waqti ku habboon, hase ahaatee ugu dambeyn wey illoobaan. Waxa la sheegaa in dadka noocaan ah aysan calool-ku-qaad laheyn oo aysan cuqdad aqoon.

Dadka aamusa kolka ay caroodaan waa kuwo ka baqaya in ay kali noqdaan, si ay u ilaashadaan dadka wehelka u ah ayeyna u muujin dhibtooda, waxayna moodayaan dareenka iyo waxa dhibaya oo ay soo bandhigaan in looga fogaanayo. Waa dad deyrada iyo cabashada neceb.

Qarbudaad/Qalalaaso

Dadka qaarkood kolka ay caroodaan waxay ku kacaan falal qarbudaad ah. Mararka qaar waxay jabiyaan agabyo muhiim ah oo qiimo badan, xitaa waxa dhacda in ay sheygii u dhow ku tuuraan qofka ay u caroodaan.  Carada noocan ah waxa muujiya dadka aaminsan in ay ka awood badan yihiin qofka ay u xanaaqaan, iyagoo is bida qabweyni joogto ah. Waxay ku doodaan in loola dhaqmo sida dadka laga heybeysto oo kale. Si kastaba ha ahaatee, haddii aysan si qumman u maareyn shucuurtooda, noloshoodu waxay ku dambeysaa qoomamo iyo ciil.

Oohin

Dadka ooya marka ay xanaaqaan waa kuwo dareema in ay kali yihiin oo aysan helin wehelkii dhabta ahaa ee fahmi lahaa. Waxay dareenkooda muujiyaan iyagoo ilmeynaya, xitaa iyagoo awooda in ay qofka ka cadgoostaan. Waxay rumeysan yihiin in loola dhaqmo si aan qaddarin iyo caddaalad aheyn. Dad baa aaminsan oohinta xaaladaha qaar in ay taagyari tahay, laakiin aqoonbaareyaasha arrintan u kuurgalay waxay sheegeen in tani tahay dhabbaha ugu wanaagsan ee xiriirrada lagu badbaadiyo, halkii la qeylin lahaa ama qalalaaso la abuuri lahaa.

Xigasho: Virallk
TurjumidIbraahim Nolosha

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *