10 Qodob Oo Kobciya Caafimaadka Dumarka Iyo Quruxdooda

Qormadaan waxaan idin kula wadaagaynaa arrimo ay tahay haweeney walba inay ku dedaasho si ay u horumariso caafimaadkeeda iyo quruxdeeda:

U dhug yeelo caafimaadkaaga guud:

waxaa hubaal ah qof walba oo dunidaan jooga inuu jecel yahay inuu ku noolaado caafimaad qab taam ah. Waxaan kaloo ognahay in dadku mashquul ku noqdaan hawlahooda shaqo ama hawlaha guriga, balse waxaa muhiim ah inaad mar walba xoog saartid sidaad uga warqabi lahayd xaalkaaga caafmaad. Mar walba cun cunto caafimaadkaaga u fiican iskuna dheelitiran, samee jimicsi, seexo hurdo kugu filan mar walba. Waa inaad waqti gaara u samaysaa sidaad u samayn lahayd waxyaalaha aad jeceshahay samayntooda.

Ha dhagaysan hana israacin waxa dadka kale kaa aaminsan yihiin:

inkastoo dumarku la kulmaan marxalado kala duwan oo lagu faquuqo, sida, in la dareensiiyo dumarnimadooda, ama in loola dhaqmo si kaduwan sida raga loola dhaqmo, ama xataa waxaa laga yaabaa in gabdhuhu u maraan dhib badan shaqooyinkooda iyo nolol maal meedkooda. Dhbaatooyinka ugu badan dumarku wajahaan waxaa kamid ah cunsuriyad kaga timaada ragga, faraxumeyn, iyo aflagaado. Intaasoo dhibaato ah waa wax soo jiray inta aduunku jiray. Balse hadii aad muujisid karti iyo dadaal dheeraad ah waxaa hubaal ah inaad noqon kartid qof isku filan noloshiisana ka dhigi kara mid wanaagsan.

Ku dadaal caafimaadkaaga maskaxeed iyo kan jireed:

mar walba la tasho dhakhtarkaaga lana soco xaaladaada caafimaad. Caafimaadka maskaxdu waa u muhiim noloshaada. Inta badan bulshadeenu ma aaminsana cudurada maskaxda ku dhaca oo ay kamid yihiin welwelka, niyad jabka iyo cabsida. Sababtoo ah dhamaan cuduradaan waa kuwo dadku dhayalsadaan balse saamayn wayn ku yeelan kara noloshaada. Sidaa daraadeed waa inaad mal walba ogaataa wax ku cusub noloshaada.

Aqoonso iskana ilaali cudurada kubadan dumarka:

waxaan la soconaa in dumarku u nugulyihiin xanuuno badan marka la bar bardhigo ragga. Cudurada ay dumarku u nugul yihiin waxaa kamid ah, infekshanka ku dhaca kaadi mareenka, lafa xanuunka iyo caabuqa ku dhaca kala goysyada, madax farad, madax xanuun, iyo kuwo kaloo badan. Waxaa kaloo muhiim ah inaad la socotid taariihkhda caafimaad ee qoyskaaga. Sidoo kale waa inaad dhakhtarkaaga u sheegtaa hadii ay kugu soo kororto xaalad cusub oo caafimaad.

Ha yeelan wax balwad ah:

balwadu waa shay xun caafimaad ahaan iyo nolol ahaan labadaba. Dumarka oo balwad yeesha waxay saamayn wayn ku yeelata bulshada oo dhan, marka hooyo reer dhan maamulaysa ay yeelato balwad waxaa hubaal ah in caruurteeda iyo qoyskeeda ay saamayn ku yeelanayso. Ka fogoow balwada kana feker sharaftaada iyo caafimaadkaaga.

Wax ka baro khatarta ay keeni karto xanuunada wadnaha iyo xanuunka faaliga:

xanuunada ku dhaca wadnaha waa kuwa ugu badan ee sababa dhimashada dadka. Balse dumarku way u nugulyihiin xanuunada wadnaha iyo faaliga. Waa inaad mar walba la socotaa caafimaadka wadnahaaga.

Joogtee miisaankaaga:

caadiyan dumarku waaka murqa yar yihiin waana ka baruur badan yihiin ragga. Sida caadiga ah dumarku waxay u baahan yihiin inay qaataan cuno kayar tan raggu qaato si ay u joogteeyaan miisaan caafimaadka u wanaagsan. Isku day inaad cuntid cunto isku dheelitiran, samee jimicsi joogto ah. Hadii aad cayilan tahay ha niyad jabin hana is dhiibin, ogoow jimicsiga iyo cuntada oo aad ilaalisid ayaa kaa dhigi kara qof miisaankiisu saxan yahay.

Joogtee caafimaadka xubnaha tarankaaga:

caafimaadka xubnaha taranku waa muhiim sababtoo ah dumarku waa warshada soo saarta dadka. Caadadu waa shay caadi ah oo bil walba dumarka hal mar ku dhacda balse inaad ogaatid lana socotid isbadalada ku dhacaya caadadaada waa muhiim. Hadii aad dareentid khal khal ku yimid caadada waa inaad dhakhtar la socodsiisid.

Dhalma la aanta ayaa sidoo kale ah arin dad badan wal wal ku abuurta, balse waa inaad la socodsiisid dhakhtarkaaga hadii aad ka shakisan tahay xagga dhalmada. Caafimaadka naasaha ayaa sidoo kale dumarka muhiim ah, waxaan ogsoon nahay in kaakarada naasahu aad ugu badan tahy dumarka sidaa daraadeed mar walba la soco xaalada caafimaad ee naasahaga.

Uurka ayaa asna muhiimad wayn ugu fadhiya caafimaadka dumarka. Dhalma goyska ayaa ayaduna ah xaalad kale oo u baahan in aqoon loo yeesho. Waa inaad barataa iskana ilaalisaa xanuunada lagu kala qaado galmada.

Ilaali caafimaadka lafahaaga:

xanuunka ku dhaca lafaha ee loo yaqaan lafo beel ayaa waxaa la qiyaasaa inuu boqolkiiba sideeed ku badan yahay dumarka. Waa inaad qaadataa xaddi kugu filan oo ah maadooyinka calcium iyo vitamin D. Sidoo kale si aad uga badbaadid xanuunada ku dhaca lafaha ka digtoonow cabidda sigaarka.

Qaado xaddi kugu filan oo ah maadooyinka Iron iyo Folic Acid:

maadooyinkan oo qaadashadooda aad jogtaysid waxay kaalin wayn ku yeelanaysaa caafimaadkaaga. Waxay sidoo kale yaraynaysaa inaad dhashid caruur cafimaadkoodu uusan taam ahayn. Cun cuntooyinka ay ku badanyihin maadooyinkan hilibka, kaluunka, digirta, caanaha iyo alaabaha ka samaysan caanaha, qudrada dhanaanka leh. Dumarka uurka leh ayaa ah kuwa baahida ugu badan u qaba labadaan maado.

Gaba gabo

Waxaa jira boqolaal nooc oo lagu hagaajin karo caafimaadka iyo nolsha qofka. Balse waxaa muhiim ah in qof walba uu asagu ogaado xaaladiisa caafimaad. Bulshadeena soomaaliyeed waxaad moodaa inaysan muhiimad gaara siinin caafimaadka, waa arin qof walba dhayalsado. Balse caafimaadku waa shayga ugu muhiimsan nolosha qofka. Samayso dhakhtar kuu gaar ah oo aad kala tashato xaaladaada caafimaad mar walba oo aad dareentid isbadal kugu yimid.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *