Sida Guul Looga Gaadho Wada-Xaajoodka Iyo Gorgortanka

Haddii macmacaamilka uu qofku sameeyo noloshiisa oo dhan laba loo qaybiyo, qayb ahaan ayaa noqon karta wada-xaajoodka iyo gorgortan. Laga bilaabo wax iibsiga ama iibinta iyo iska cadaadinta sicirka, ilaa marka uu ilmuhu doonayo in uu waalidkii ku qanciyo in loo iibiyo wax uu xiisaynayo. Shaqada oo ay ugu yartahay in aad ku gorgortanto in mushahar laguu kordhiyo, iyo xitaa nolosha qoyska iyo guriga dhexdiisa ayaa uu qayb ka yahay wada xajoodka la doonayo in uu heshiis ka dhasho.

Waxa waxa uu ku yimaaddaa wada xaajood iyo in hadal la isku celceliyo iyada oo dhinac kastaa doonayo in uu ka kale qanciyo. Guuldarradiisuna waa in dhinac wixii uu rabay dhinac kale ku qanciyo, taas oo macnaheedu yahay in uu dhinac guulaystay.

Gorgortanku waa xirfad la mid ah xirfadaha kale ee war-isgaadhsiinta iyo xidhiidhka bulshada, sida fagaare ka hadalka oo kale, si la mid ah ayaanu muhiim ugu yahay nolol maalmeedkeenna oo aynaan ka marmaarmin gorgortan joogto ah oo si ku talagal ah ama aan ku talagal ahayn aynu u samayno.

Maadaama oo uu muhiimaddaas leeyahayna waxa uu ka mid yahay xirfadaha u baahan Barashada, ku tababarashada iyo u diyaargarowga. Qormadan oo taxane dhowr qaybood ka kooban ah waxa aynu ku soo koobaynaa Tabaha iyo xeeladaha ay xeeldheereyaashu sheegeen in ay dhisayaan xirfadda gorgortan ee qofka. Gaar ahaan qormooyin uu sameeyey Barnaamijka wada xaajoodka ‘Program on negotiation’ oo a leedahay jaamacadda caanka ah ee Harvard oo ku taalla dalka Maraykanka.

  1. Ururso xog waafiya oo la xidhiidha mawduucyo kala duwan oo aad wada xaajood tababarasho ah ku gasho, tusaale ahaan, akhri buugaagta iyo maqaallada laga qoray ama dhegeyso khudbadaha cilmiga ah ee lagaga hadlay, si aad uga dhex ugaadhsato qodobbada muhiimka ah ee kaa caawinaya sida aad ugu guulaysan karto wada xaajood.
  2. Samayso dad kala duwan oo aad wadaxaajood iyo gorgortan ku tababarasho ah la gasho. Tusaale ahaan diyaarso siddeed mawduuc oo kala duwan, sida Arrimaha shaqada, xidhiidhada jacaylka, Hawlaha saaxiibtnimada, ganacsiga iwm. kaddibna mawduuc kasta u yeelo saaxiib ama jaal aad kala dooddo kulana gorgortanto in aad ku qanciso sida aad adigu doonayso. Mawduuc kasta toddobaadkii hal mar ku tababaro muddo 15 daqiiqo ah. afar toddobaad hawshaas wad, waxa aad heli doontaa natiijo aad u yaab badan.

Cilmibaadhis ayaa muujisay in dadka wada-xaajoodka ku gala diyaargarow la’aan ay u badan yihiin in ay sameeyaan tanaasulaad aan muhiim ahayn, isla markaana aanay ku guulaysan heshiisyada iyaga u fiican. Sida ay u badan tahay, tallaabada ugu qiimaha badan, ee aad qaadi karto si aad u xoojiso xirfaddaada gorgortan iyo awoodda aad u leedahay in aad wada xaajood ku guulaysataa waa in aad si buuxda ugu diyaargarowdo wada hadal muhiim ah. Waxa ay noqon kartaa;

  • In aad maalin kasta saacado go’an gaar uga dhigto cilmibaadhisahaaga aad ku raadinayso xogta iyo aqoonta xoojinaysa dooddaada iyo isu diyaarinta wada xaajoodka.
  • In aad xadiddo qodobbada gorgortanka aad gelayso la xidhiidha oo aad dhammaystirto u diyaargarowgooda.
  • In aad kaashato tababare xirfadle dhinaca gorgortanka ah, si uu kuu caawiyo,
  • in aad Tababar la qaadato saaxiib ama qof qoyska ka mid ah ama jaalkaaga ah oo jila kaalinta cidda aad gorgortanka la gelayso.
  • Cilmibaadhistaada gorgortanka, waxa aad ku go’aamisaa qaababka heshiis ee ugu fiican ee aad kala dooranayso in aad midkood gorgortanka ku gaadho. Tusaale ahaan si go’aanso waxa aad yeelayso haddii gorgortankani burburo ama guuldarraysto, sida oo kale ka sii fikir go’aamada uu qaadan karo qofka aad gorgortamaysaan, haddii uu arko in heshiiska aad gaadhaysaan uu noqdo mid aad adigu ku xoog badatay gorgortankii.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Facebook page: Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *