Scrub Dabiici Ah Oo Jirka Nuuriya Kana Qaada Qolofta Iyo Madowga

Marka jirkeenna ay soo gaaraan dhibaatooyinka dibadda ka yimaada sida dhaawaca fallaaraha qorraxda ee loo yaqaanno “UV rays”, hawada wasakhaysan iwm, waxa uu maqaarku lumiyaa midabkiisii asalka ahaa, taasina waxay keentaa in midabka uu isbedelo iyo madow uu fuulo. Sida oo kale, marka ay maqaarka ku uruuraan unugyada dhintay, wajiga oo dhan wuxuu u ekaadaa mid jacdadsan oo qallalan.

Sidaas awgeed waxaa muhiim ah in la daweeyo cilladahaan, islamarkaana la soo celiyo caafimaadkii maqaarka.

Maanta waxa uu Daryeel Magazine halkaan ku soo gudbinayaa scrub fudud oo maqaarka ka qaada qolofta iyo unugyada dhintay, waxaana laga samaynayaa kafee (bun) iyo boorash. Scrub-kan ma ahan oo keliya inuu nadiifiyo maqaarka balse sida oo kalena waa uu nuuriyaa.

Scrub-ka kafeega iyo boorashka:

Waxaa loo baahan yahay:

  • 2 qaado oo boorash ah ( waa qaadada yar ee shaaha)
  • 2 qaado kafee ama bun ah
  • 1 qaado oo malab ah
  • Dhowr dhibcood oo caano ah

Habka isticmaalka:

Scrub-kan wuxuu ku siinayaa dhalaal degdeg ah, waxaana uu iftiiminayaa maqaarkaaga.

  • Ugu horrentii shiid boorashka si uu u noqdo budo.
  • Soo qaado baaquli nadiif ah kuna shub boorashka budada ah.
  • Ku dar kafeega ama bunka budada ah. Kadibna ku dar malabka iyo caanaha.
  • Mari wajigaaga oo nadiif ah, si tartiib ah ugu xoq adigoo adeegsanayaa farahaaga muddo 2 illaa 3 daqiiqo ah.
  • U daa 10 daqiiqo ah kadibna kaga biyo diirran.
  • Samee habkan ugu yaraan hal mar toddobaadkii si aad u hesho natiijo fiican.

Faaidooyinka boorashka:

Boorashku waxa uu qaadaa unugyada dhintay ee maqaarka wuuna iftiimiyaa. Wuxuu leeyahay awood sunsaaris taas oo caawisa daweynta cilladaha maqaarka ay gaarsiiyaan fallaaraha qorraxda iyo diikhowga hawada. Sida oo kale, boorashku waxa uu qooyaa maqaarka waxaana uu daweeya gubniinka qorraxda maadaama uu leeyahay awood lid-huriye (anti-inflammatory).

Faaidooyinka kafeega:

In badan dadka ka mid ah waxa ay maalintooda ku bilaabaan cabista kafeega. Balse ma ogtahay in kafeega oo la marsado ay faaido weyn u leedahay maqaarka. Kafeegu waxa uu ka hortagaa calaamadaha gabowga. Sida oo kale, maadooyinka liddiga ku ah hurka iyo bakteeriyada ee kafeegu waxa ay caawiyaan dawaynta findoobka iyo hurka maqaarka. Haddii aad leedahay madowga indhaha hoostooda ku samaysma, marso kafeega, aad ayuu ugu roon yahay madowga indhaha hoostooda.

Faaidooyinka malabka:

Malabka waxaa ku jira dheecaan oogada sare ee maqaarka xariir ka dhigta, sida oo kalana hoos u dhaafta oo dux siisa lakabyada hoose ee maqaarka. Maadooyinka sunsaarista ee malabka ku jira waxa ay caawiyaan dib u cusboonaysiinta maqaarka, waxayna ka dhigaan mid fresh ah oo caafimaadka qaba.

Faaidooyinka caanaha:

Caanaha waxaa lagu yaqaannaa inay maqaarka ka dhigaan mid jilicsan oo sibiibax ah. Aashitada “lactic” ee ku jirta caanaha, waxa ay caawisaa qolof ridka maqaarka iyo soo celinta unugyada cusub, sidaas awgeed waxay ka dhigtaa maqaarka mid ifaya.

Check Also

sida ilkaha loo cadeeyo,

Sida Ilkaha Loo Cadeeyo Iyo Waxyaabaha Ugu Fiican Ee La Isticmaalo

Dhoolla caddeyntu waa qeyb shakhsiyadaada ka mid ah balse haddii ilkahaagu ay jaalle ama huruud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *