Qaababka Ugu Haboon Ee Huruuda Loogu Adeegsado Qurxinta Jirka

Huruuda waxaa loo adeegsada qurxinta jirka, taas oo aad looga isticmaalo wadankeena, waxay maqaar siisaa dhalaal dabiici ah, waxay daweysaa findoobka iyo nabarada wajiga ka soo baxo.

Huruudda waxaa ku jira maadooyinka awoodda ee liddiga ku ah lurka, sunta iyo bakteeriyada kuwaas oo ilaaliya caafimaadka maqaarka. Huruudu waxa ay la dagaallanta dhaawaca fallaaraha qorraxdu ay gaarsiiyaan maqaarka.

Hadaba maanta waxaan idin la wadaagayaa hababka ugu fiican ee loogu adeegsado qurxinta maqaarka.

Huruud iyo malab: 

Huruuddu waxay nuurisaa maqaarka, malabkuna waxa uu qooyaa maqaarka. 

Waxaa loo baahan yahay: 

  • Qaadada yar ee shaaha barkeed oo huruud ah 
  • Hal qaaddo malab ah (qaadada yar ee shaaha) 

Habka isticmaalka: 

  • Malabka baaquli ku shub 
  • Ku dar huruudda budada ah si fiicanna iskugu qas 
  • Mari isku-darkan wajigaaga oo dhan 
  • U daa muddo 10 illaa 15 daqiiqo ah 
  • Biyo diirran kaga mayr

Huruud iyo xabka ukunta 

Ukunta qeybta cad waxaa ku jira barootiinno iyo asiidhada “amino” kuwaas oo qooya maqaarka islamarkaana wanaajiya awood jiidmasho ee maqaarka (elasticity) taas oo maqaarka ka dhigaysa mid dhalinyaro. 

Waxaa loo baahan yahay: 

  • 1 qaado oo huruud ah 
  • 1 xabbo oo xabka ukunta ah 

Habka isticmaalka 

  • Kala saar qeybta cad iyo qeybta huruudda ah ee ukunta. Qeybta cad ku shub baaquli 
  • Ku dar huruudda, si fiicanna iskugu qad 
  • Mari wajigaaga oo dhan 
  • U daa 20 daqiiqo 
  • Kaga mayr biyo diirran 

Huruud, yoghurt iyo saliid qumbe:

Caanuhu la faadhiisiyay ee loo yaqaanno “yoghurt” waxa ay maqaarka ka qaadaan unugyada dhintay iyo wasakhda waxayna yareeyaan laalaabka iyo calaamadaha kale ee gabowga.

Waxaa loo baahan yahay:

  • 3 qaaddo oo huruud ah (qaadada yar ee shaaha)
  • 1 qaado oo caanaha la fadhiisiyay ah
  • 1 qaado oo malab saafi ah
  • 1 qaado oo saliid qumbe ah

Hab isticmaalka:

  • Ku shub caanaha yoghurt-ka baaquli
  • Ku dar saliida qumbaha iyo malabka oo isku qas
  • Ugu dambeyntii ku dar huruudda
  • Mayr wajigaaga oo qallaji
  • Mari isku-darkaan wajiga iyo qoorta
  • U daa 10 illaa 15 daqiiqo si uu ugu qallalo
  • Marka uu qallalo si tartiib ah u daliig wajigaaga
  • Ka biyo raaci

Huruud, dacar iyo liin dhanaan: 

liin dhanaantu waxay maqaarka ka baab’isaa haaraha, waxay u kordhiisaa dhalaal, unugyada dhintay ayay ka qaaddaa, waxayna yareysaa laalaabyada maqaarka. 

Waxaa loo baahan yahay: 

  • 1 Qaaddo oo huruud ah (qaadada yar ee shaaha) 
  • 1 qaado jeelka dacarta ah 
  • 1 qaado oo biyaha liin dhanaanta ah 

Habka isticmaalka 

  • Ku shub jeelka dacarta baaquli 
  • Ku dar biyaha liinta iyo huruudda si fiicanna iskugu qas alaabtaan illaa ay ka noqdaan cajiin jilicsan. 
  • Mari isku-darkan wajiga 
  • U daa 10 daqiiqo 
  • Kaga mayr biyo diirran 

Huruud iyo caano:

Caanuhu waxa ay maqaarka jirka ka qaadaan qolofta, unugyada dhintay iyo wasakhda. Waxaa intaas dheer, aashitada “lactic” ee ku jirta caanaha waxay dib u dhigtaa gabowga maqaarka.

Waxaa loo baahan yahay:

  • 1 qaaddo oo huruud ah
  • 2 qaado oo caano ah

Habka isticmaalka:

  • Si fiican iskugu qas labadaan shay
  • Mari isku-darkan wajigaaga
  • U daa 10 illaa 15 daqiiqo
  • Ka raaci biyo diirran.

Check Also

sida ilkaha loo cadeeyo,

Sida Ilkaha Loo Cadeeyo Iyo Waxyaabaha Ugu Fiican Ee La Isticmaalo

Dhoolla caddeyntu waa qeyb shakhsiyadaada ka mid ah balse haddii ilkahaagu ay jaalle ama huruud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *